Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The Minister of State of Foreign Affairs Arrived Somaliland

Recommended Posts

The Minister arrived Hargeisa today in the afternoon.

 

He said he has a message from Melez for President Rayaale ......

 

 

The news is broadcased from the BBC somali section this afternoon and not yet on the websites ,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir Dawlaha Arimaha Dibada ee Eithopia Tagadhe Alumu iyo wafti uu hogaaminaayo Oo yimid Somaliland isla galabtana dib uga dhoofay

 

 

Wasiir dawlaha Arimaha dibada ee Eithopia Tagadhe Alumu iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay Madaarka Egal International Airport ee casimada Somaliland ee Hargeysa, wasiirka oo faah faahin kooban ka bixiyay socdaalkooda uu ku yimid Hargaysa waxa aanu yidhi " Tani waa caadi socdaaladiijoogtada ahaa ee aanu ku iman jirnay Somaliland , mana jiraan wax isbadal ah oo xidhiidhka labada dhinac u dhaxeeyaa waanu waanaagsanyahay xidhiidhka labada dal, socdaalkaygana waxa uu ka midyahay sii xoojinta xidhiidhka iyo wada tashaiga u dhaxeeya labada dal, isaga oo wasiirku hadalkiisa sii watana waxa uu yidh. Waxaan fariin kasidaa Raysal wasaaraha dalkayga mudane Melez Zenawi, fariintaasi oo aan usido Madaxweynaha Somaliland mudane Dahir Rayale Kahiin, waana caadi socdaalkaygani oo waa mid saxiibtinimo ayuu hadalkiisa siiraaciyay.

 

Maaha markii ugu horaysay ee uu Wasiir Dawlaha Arimaha Dibada ee Eithopia socdaal kuyimaado Somaliland, balse waxa uu hore uyimid Geeridii Madaxweynhihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal oo uu aaskiisa kaga qayb galay magalada Berbera.

 

Dhanka kalena warsaxaafdeed ka soo baxay madaxtooyda Somaliland oo uu ku saxeexanyahay afhayeenka madaxtooyda oo na soo gaadhay ayaa waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda ee Dalka Ethiopia, Mudane, Atto, Tekeda Alemu, oo booqasho gaaban maanta ku soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo Mudane Takeda Alemu, waxay isla qaadaa dhigeen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan ee jaarka ah, haddii ay noqon lahayd mid siyaasadeed iyo mid ganacsiba.

 

Mudane Takeda Alemu, waxa uu farriin gaar ah uga siday Madaxweynaha JSL, Ra'iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia, Mudane, Males Zenawi, oo farrintaasi ku sheegay in Ethiopia ay go'aansatay, waxna aanay iska bedelin sii xoojinta xidhiidhkii sxb-tinimo ee ay la leedahay Somaliland.

 

 

 

Wasiiru Dawlaha Ethiopia, oo maanta ku laabtay dalkiisii, waxa dhabaha diyaaradaha ku sii sagootiyey, Wasiirka Madaxtooyada, Nuur Aamin Ismaaci, Wasiirka Maaliyadda, Mudane, Xusseen Cali Ducaale ( Cawil) iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda, Mudane, Siciid Maxamed Nuur.

 

 

 

qarannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiiru-dowlada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mr. Tekede Alamu ayaa booqasho kedis ah oo aan hore loo sii sheegin maanta ku yimi magaalada Hargeysa.

 

Wasiirudowlaha Itoobiya oo booqashadiisu qaadatay muddo saacado ah, lama garanayo ujeedada socdaalkiisa, balse, waxa uu saxaafadda u sheegay in booqashadiisu la xidhiidho wadatashiyo hore ugu socdey Somaliland iyo Itoobiya iyo socdaallo hore uu ugu iman jirey Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay inuu farriin gaar ah uga sida Madaxweynaha Somaliland, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

 

Muddadii uu joogey Mr. Tekede Allemu waxa uu la kulmay Madaxweyne Riyaale.

 

Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu kulankaas ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Caddaani mooge, Wasiiru-dowlaha Itoobiya iyo Madaxweyne Riyaale waxay si baahsan uga wadahadleen sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, dhinacyada siyaasadda iyo ganacsiga.

 

Waxa kale oo uu warsaxaafadeedku sheegay in Wasiiru-dowluhu Madaxweynaha soo gaadhsiiyey farriin uu uga sidey Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya. Waxana uu sheegay in farriintaasi ahayd in Itoobiya go'aansatay in "Itoobiya ay go'aansatay, waxna aanay ka beddelaynin xidhiidhka saaxiibtinimo ee ay la leedahay Somailand".

 

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mr. Alemu, waxa ku soo dhoweeyey madaarka Hargeysa, kuna sii sagootiyey, Wasiirka Maaliyadda, Xuseen Cali Ducaale, wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Somaliland, Siciid Maxamed Nuur iyo Wasiirka Madaxtooyada, Nuur Aamin Ismaaciil.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa isagu hadda dalka dibadda kaga maqan, waxaana la sheegay in uu ku sugan yahay dalka Ghana, halkaas oo uu berrito ka furmayo shir-madaxeedka Ururka Midowga Afrika, isaga oo Addis Ababa kaga hadhay Madaxweyne Riyaale markii uu ka soo laabtay Yurub.

 

Markii ugu dambeysey ee Wasiirudowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Atto Takede Alemu booqasho ku yimaaddo Hargeysa waxay ahayd laba sannadood ka hor. Booqashadan kediska ah ee wasiiru-dowluhuna waxay ku soo beegantay wakhtigan oo ay muuqato in hawlgalkii dowladda Itoobiya iyo ciidamadeedu ku qabsadeen magaalada Muqdisho ay soo kartay, siina daba dheeraatay, taasina ay sababtay in ciidamada maamul-goboleedka Puntland loo daadgureeyo magaalada Muqdisho, iyadoo si toos ah loogu wareejinayo dowladda taagta daran ee Cabdillaahi Yuusuf.

 

Ilo diblomaasiyadeed ayaa booqashada kediska ah ee Wasiiru-dowlaha Itoobiya ku xidhiidhinaya ciidanka maamul-goboleedka Puntland ee loo daadgureeyey Muqdisho, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo laga ururiyey deegaamada Somaliland ee maamulka Puntland sheegto iyo kuwa ay ciidanka Somaliland is horfadhiyeen deegaamadaas bariga Somaliland. Waxayna ilahaasi sheegayaan in Wasiiru-dowluhu la socodsiinayey Madaxweynaha Somaliland xaaladaha ku soo kordhay arrinta Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska, tilmaamo cusubna uu siiyey.

 

Dowladda Itoobiya ayaa isku deyaysa inay iska fududayso culayska Muqdisho ka haysta, wakhtigan oo dhinaca Ereteriya laga baqayo inuu dib u cusboonaado dagaalkii xuduudka ee u dhexeeyey labadaas dal, Itoobiya iyo Ereteriya, isla markaana gudaha dalka Itoobiya ay ka bilaabmeen dhaqdhaqaaqyo mucaarid hubaysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-06-30 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha dibada Dawlada Federalka Ethiopia Atto, Tekeda Alemu ayaa maanta kulan ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada, kadib markii uu wasiiru dawlaha arrimaha dibada Ethiopia socdaal kedis ah oo aan hore loo sii cayimi ku yimi Somaliland.

Sida waxa lagu sheegay warsaxafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani mooge oo maanta nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska shabakada wararka ee Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa.

 

Waxa warsaxafadeedka lagu sheegay inay Madaxweyne Rayaale iyo wasiiiru dawlaha arrimaha dibada Ethiopia Takeda Alemu, Ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeyaa labada wadan, haday noqoto mid ganacsi iyo mid.

Isaga oo dhameystirana waxa uu u dhignaa sidan:

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda ee Dalka Ethiopia, Mudane, Atto, Tekeda Alemu, oo booqasho gaaban maanta ku soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo Mudane Takeda Alemu, waxay isla qaadaa dhigeen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan ee jaarka ah, haddii ay noqon lahayd mid siyaasadeed iyo mid ganacsiba.

 

Mudane Takeda Alemu, waxa uu farriin gaar ah uga siday Madaxweynaha JSL, Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia, Mudane, Males Zenawi, oo farrintaasi ku sheegay in Ethiopia ay go’aansatay, waxna aanay iska bedelin sii xoojinta xidhiidhkii sxb-tinimo ee ay la leedahay Somaliland.”

 

Wasiiru Dawlaha Ethiopia, oo maanta ku laabtay dalkiisii, waxa dhabaha diyaaradaha ku sii sagootiyey, Wasiirka Madaxtooyada, Nuur Aamin Ismaaci, Wasiirka Maaliyadda, Mudane, Xusseen Cali Ducaale [Cawil] iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda, Mudane, Siciid Maxamed Nuur.

 

 

Warsaxafadeedkan ayaanay ku qornayn wax cusub oo uu kaga duwan yahay warsaxafadeedadii hore ay dawlada Madaxweyne Rayaale markay kulan la yeelato masuuliyiinta Dawlada Ethiopia ay ka soo saari jirtay.balse marka laga tagi waayo uu Wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha dibada Ethiopia sheegay inay u jeedada Socdaalkiisa uu ku yimi Somalilanad ay tahay fariin uu Madaxweyne Rayaale uga sido Ra’isal Dawlada Ethiopia Meles zanawi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

d94a782369.jpg

21d89f1561.jpg

 

ee3c046fed.jpg

 

Wasiiru dawlaha arrimaha dibeda ee Itoobiya Md Tekeda Allemu ayaa maanta booqasho ku yimi magaalada Hargeysa. waxana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiiro,xildhibaano iyo safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa.

 

Mr Tekeda oo ay saxaafadu kula kulantay madaarka Hargeysa ayaa sheegay in uu fariin ka sido Ra`iisal wasaaraha Itoobiya, hasa yeeshee muu sheegin waxa ku qoran waraaqdaasi, markii uu madaarka ka soo degayna waxa uu toos u tegay qasriga Madaxtooyada halkaasi oo uu kulan kula yeeshay Madaxweyne Rayaale. kulankaasina waxa war ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Md Siciid Cadaani waxana uu u qornaa sidan"

 

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda ee Dalka Ethiopia, Mudane, Atto, Tekeda Alemu, oo booqasho gaaban maanta ku soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo Mudane Takeda Alemu, waxay isla qaadaa dhigeen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan ee jaarka ah, haddii ay noqon lahayd mid siyaasadeed iyo mid ganacsiba.

 

Mudane Takeda Alemu, waxa uu farriin gaar ah uga siday Madaxweynaha JSL, Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia, Mudane, Males Zenawi, oo farrintaasi ku sheegay in Ethiopia ay go’aansatay, waxna aanay iska bedelin sii xoojinta xidhiidhkii sxb-tinimo ee ay la leedahay Somaliland.

 

Wasiiru Dawlaha Ethiopia, oo maanta ku laabtay dalkiisii, waxa dhabaha diyaaradaha ku sii sagootiyey, Wasiirka Madaxtooyada, Nuur Aamin Ismaacil, Wasiirka Maaliyadda, Mudane, Xusseen Cali Ducaale ( Cawil) iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda, Mudane, Siciid Maxamed Nuu"r.

 

 

Somaliweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Ka xabashiga indihisa waxbaa kisi'a miya? He looks shook/scared :D

 

Riyaale ya ku yidhaada laba kursi ayaa lakala fariista when diplomats are in town? :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Madax buuranaa qofku :D

 

The chair is for three people but its still only one chair. A chair each is better no?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this