Sign in to follow this  
Kamaavi

Roobab lagu diirsaday oo habeenkii xalay ilaa hadda ka da'aya Magaalada Jigjiga iyo .

Recommended Posts

Kamaavi   

Roobab lagu diirsaday oo habeenkii xalay ilaa hadda ka da'aya Magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda

 

Feb 10, 2010 (QOL) Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Roobab waaweyn ay xalay ka da'een magaalada Jigjiga, Roobkan ayaa la sheegayaa inuu gooyay isu socodkii magaalada, waxaana la arkayay daadad xooggan oo magaalada dhexdeeda socda, sida ay sheegayaan dad xogagaal ah oo la soo xidhiidhay Warbaahinta Qorahay Online.

 

Haddaba Roobkan oo Saacado badan socday isla markaana si xoogan u da'ayay ayaa la sheegayaa in uu khasaare gaystay sida Guryo ku yaal Xaafadda 9aad iyo Xaafadda 4aad ee magaalada Jigjiga oo gabi ahaanba uu dumiyay, sidoo kale waxay daadakii xalay iyagana la tageen ilaa iyo hadda inta la hubo hal qof oo Maskiin darbi jiif ahaa.

 

Magaalada Jigjiga ayaa iyadu ah magaalo u nugul Roobaka iyadoo Waddooyinkeedu ay Raf yihiin oo carro jilicsan ay ku daadiyeen shiinihii lahaa waddaanu samaynaynaa, haddana mararka Roobab noocan oo kale ah da'aan badanaa magaalada Jigjiga lama dhex socon karo oo dhiiqada ayaa kugu dhagaysa sidoo kale Tagaasiduna way la dhibaatootaa mararka Roobab sidan oo kale ah da'aan.

 

Dhanka kale Tuulooyinka ku dhawdhaw magaalada Jigjiga ayaa iyagana laga soo sheegayaa in Roobab lagu diirsaday ay ka da'een habeenimadii xalay ilaa maanta galinkii hore, waxaana la sheegayaa in Roobashaasi ay aad ugu reeyeen dadka deggan tuulooyinkaas, lamana sheegin khasaare ay gaysteen.

 

Magaalada Jigjiga wali Roobku waa ka da'ayaa iyadoo dadkuna ay aad ugu yaryihiin maanta Suuqa, oo ay guryahooda iska joogaan iyagoo ka cabsi qaba in Roobkii xalay oo kale intuu da'o ay Suuqa ku xayirmaan.

 

Roobabkan ayaa ah nimcadii Illaahay oo Ummadiisa uu ugu Naxariistay, waxaana muddooyin badan iyo wakhti dheer Ogadeenya ka jiray Abaaro soo jiitamayay balse hadda Roobabkani ay bilowdeen Illahayna waxaa laga rajayanyo in uu raxmaadkiias umada u dhibaataysan awda gaadhsiiyo.

 

Qorahay Online

Xafiiska Jigjiga

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this