Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somalilanders Graduate from Military Engineering University in Ethiopia

Recommended Posts

Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyay 130 engineer ayaa shalay lagu qabtay xarunta Jaamacada Milatariga ee magaalada DEBREZEIT ee wadanka Ethiopia . Xafladan waxa ka soo qayb galay wasiirka gaashaandhiga ee dawlada itobiya Mr. SIRAJ FEGISA ,wafuud ka kala socday wadamada ay ardaydoodu qalan-jabinayso ,military attacheska itoobiya u fadhiya wadamada shisheeye,maamulka jaamacada ,saxaafad fara badan iyo marti sharaf kale, Hadaba engineerada qalan-jabiyay oo ka kala socday wadamo kla duwan ayaa waxa ka mid ahaa 17 engineer oo reer Somaliland ah , kuwaas oo ahaa tiradii ugu badnayd oo ajaanib ah oo abid jaamacadaas ka qalan-jabisa.

 

Engineerada ree Somaliland waxay ka qalan jabiyeen sadex qaybood oo engineering ah kuwaas oo kla ahaa sidan .

 

1. MECHANICAL ENGINEERING

 

Aviation power plant technology = 5 Arday

 

Manufacturing technology = 3 Arday

 

Automobile technology = 2 Arday

 

Armament technology = 1 Arday

 

 

2. ELECTRICAL ENGINEERING

 

Power plant technology:

 

Equipment design = 2 Arday

 

Servo control = 3 Arday

 

 

3. COMPUTER ENGINEERING = 1 Arday

 

 

Dhinaca Somaliland waxa xafladaas ka qayb galay wafti kasocda ciidamada qaran ka Somaliland oo uu hogaminayo abaanduuulaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland Col. Ibrahim caydiid ,madaxa tababarka dibada ee ciidanka qaranka Axmad Tansani iyo sarkakiil kale.

 

Maaha markii u horysay ee engineero ree Somaliland ahi ay ka qaln jabiyaan jamacadaasi bishii may ee sanadkii 2008 ayaa waxa ka qlan jabiyay 5 engineer .

 

Ardayda jamacadan wax ka barataa ayaa waxay ka kala yimaadeen wadamada somaliland, ruwanda,jabuuti ,suudan iyo ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaddo sharaf loo sammeeyay Saraakiil Ciidanka Qaranka loogu soo Tababaray Itoobiya

 

 

 

Hargeysa (Waaheen) Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed ayaa shalay ka qayb galay Munaasibad Qado sharaf ah oo talliyaha Ciidanka Qaranku u sammeeyay 11 sarkaal oo soo dhammaystay tababr ku saabsan taakulaynta guud ee Ciidamada.

 

Talliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo faah-faahin ka bixiyay duruusta iyo tababrada ay soo qaateen saraakiisaahi ayaa sheegay inay tahay markii labaad ee ay ciidamadu soo qaataan tababr ku saabsan taakulaynta guud ee Ciidanka oo ay ka mid tahay Maamulka, saadka iyo gurmadaka, waxaanu intaasi ku daray in ay yihiin dufcadii saddexaad ee tababar sare ka soo qaadatay Ethiopia gaar ahaan Magaalada Maqale Akaadami ku yaala oo galbeed ka xigta xarunta Ethiopia ee Addis Ababa.

 

Talliyuhu wuxuu u mahad-naqay dalka Ethiopia tababrada ay siiyaan ciidamada waxaanu sheegay in ay ku guulasteen sugida amniga xuduudaha iyagoo Qaranka hawl culus u haya in ay tababro iyo aqoon korodhsi ku daraan ay tahay guul u soo hoyatay ciidamada Somaliland.

 

Qunsulka Ethiopia u jooga Somaliland oo isaguna Munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ee ay soo tababareen ay yihiin Ciidamada ugu wanaagsan Geeska Afrika ee ay soo tababareen, waxaanu sheegay in ay halkaasi ka sii wadi doonaan tababarada ay siiyaan ciidamada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this