Sign in to follow this  
Ahmed_Guree

Dowladda Somalia oo ku howlan mideynta dalalka Ethiopia iyo Somalia

Recommended Posts

Dowladda Somalia oo ku howlan mideynta dalalka Ethiopia iyo Somalia

 

Mogadishu 02, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Dowladda Somalia ayaa sheegtay in ay sameyn doonaan qorshe lagu mideynayo dalalka Somalia iyo Ethiopia, iyadoo la baabi'inayo xuduudaha u dhaxeeya dalalkaasi, lana qaadanayo hal baasaboor, xilli kumanaan ka tirsan ciidamada Ethiopia ay joogaan gudaha Somalia.

 

 

Ing. Xuseen Ceydiid, Wasiirka arimaha gudaha

Ra'isulwasaare K/xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha dowladda KMG ah ee Somalia, Xuseen Max'ed Ceydiid ayaa maanta markii ugu horeysay shaaciyay qorshe lagu damacsan yahay in lagu baabi'iyo soodimaha u dhaxeeya dalalka Somalia iyo Ethiopia oo sida uu muujiyay ay yihiin dalal walaalo ah oo wadaaga xuduud aad u dheer.

 

Ing. Xuseen Ceydiid ayaa hadalkani ka sheegay kulan ay maanta ku yeesheen Odayaasha beelaha Guurtida Soomaaliyeed xarunta Villa Somalia, oo looga hadlayay arimaha amniga iyo wada shaqeynta

 

" Ethiopia iyo Somalia waa dalal dhinaca siyaasadda saaxiibo ku ah, lehna xuduud 2 kun oo KM ah, loona baahan yahay in la baabi'iyo xuduudaaasi, lana sameeyo hal baasaboor, hal dhaqaale iyo hal ciidan" ayuu yiri Xuseen ceydiid oo mithaal ahaan u soo qaatey in dalalka Yuruba ay midoobeen markii ay dagaalameen.

 

Waxa uu ku celceliyay isla markaana uu ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed in la soo dhaweeyo ciidamada Ethiopia, isla markaana loo qalo xoolo.

 

Hadalka Xuseen Ceydiid ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan Mudanayaasha Muqdisho qaar ay soo bandhigeen, xilli maxkamadaha ay maamulayeen Muqdisho, Qariirad ay tilmaameen in laga helay xafiiska RW Geedi oo aheyd qaaradda Africa oo ka maqan Somalia, iyadoo dhulka Somaliana ay ku jirto magaca dowladda Ethiopia, inkastoo qariiradaasi jiritaankeeda uu beeniyay ra'isulwasaaraha Somalia Cali Max'ed Gheedi

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this