Sign in to follow this  
Qudhac

SOMALILAND MERCANARIES COLLECTIVELY DECIDED THEIR PRESIDENCIALL VOTE

Recommended Posts

Qudhac   

here are the mercenaries of somaliland and who they will vote for as president!!!!

 

 

Beelaha D!r Woqooyi ayaa habeenkii xalay dood dheer ka yeeshay masiirka shirka Soomaalida ee ka socda magaalada Nayroobi. Qodobo dhawr ah oo lagu soo qaaday shirkaasi ayaa waxa si weyn looga dooday cidii la siin lahaa codka madaxweynaha dhawaantan la dooran doono. Beelahani waxa ay si weyn uga munaashaqoodeen cida ugu haboon ee la siin karo codkooda. Beelaha D!r-Woqooyi waxa shirkaasi isla meel dhigeen shaqsigii ay u sharixi lahaayeen jagada Ra'isal wasaaraha oo ay beelaha D!r-Woqooyi aaminsan yihiin in ay gar iyo daw tahay in aan iyaga la dhaafin.

 

Kadib markii ay beelaha Dirta Woqooyi ka doodeen musharixiinta kala gedisan, waxa ay aad uga hadleen sida aan marnaba loo ogolaan karin musharixiinta haatan sharaxan qaarkood kuwaasi oo ay u arkaan in aanay aqoon, garaad iyo maskax talisa midna lahayn iyagoo ugu baaqay umada Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan hororka hortooda jooga. Umada Soomaaliyeed ee midnimada jecel, gaar ahaan xildhibaanada Soomaaliyeed ee haatan la doortay waxay uga digeen in aanay mar kale umada Soomaaliyeed ku dhaadhicin god dheer oo aad dib looga soo saari karin. Dadka haatan sharaxan waxa ku jira kuwo ka garaad xun keligii taliyihii hore ee Soomaaliya.

 

Xildhibaanada madasha ka hadlay waxa ka mid ahaa: Ismaaciil M. Hurre, Axmed Cabdillahi Jaamac, Sheekh Xasan Bile, Cabdalle Xaaji Cali, Maxamud C/llahi Jaamac, Sahra Cabdilqadir Cabdiraxman, Dr. Maxamed Cali Bilaal iyo Fadumo Xasan Cali. Xildhibaanadii hadlay qaarkood waxa ka mid ahaa:

 

Xildhibaan Ismaaciil M. Hurre oo yidhi: "Tan iyo intii ay Soomaaliya jirtay waxan uun ´ku sugnayn jab iyo leeleel. Dagaalo ayaan bilownay inagoo 4 sano wax ka yar jirna kuwaasi oo aynu Itoobiya la galnay. Waxan sidoo kale dagaalo ku qaadnay dalal kale oo Jiiraan ah. Xabad gardaro salka ku haysa ayeynu jiiraankeena ku ridnay. Xabadii wataa ilaa maanta ina gubaysa. Dad badan oo xun ayaa Soomaali ku jira kuwaasoo badankooda taladooda la raaco. Tusaale waxaa inoogu filan Generaal Morgan oo ay Soomaali dhamaanteed ogtahay in uu boqolaal kun oo Soomaaliya gumaaday, hadana wakaasoo qaarbaa garawshiiyo siinaya. Halka aynu ka kici laanahay waa halkaa, gardaro garab Soomaali waa tii ka hesha. Maanta inaga mar hadii umadeenii Soomaaliyeed ina dooratay oo xildhibaano u nahay waa in aynu u hawlganaa sidii dalkii iyo dadkii loo badbaadin lahaa. Waxan anigu aaminsanahay hadal Jaamac Maxamed Qaalib habeen dhawayd shir dhexdii ka yidhi kaasoo ahaa in jahligu waa gurcude iftiinkii cilmiga lagu iftiimiyaa. Aduunweynuhu si weynbuu inoo wada eegayaa. Waxa la leeyahay toloow Soomaali ma garaadaysatay. Qaladkii sanadkii 2000 Carta aynu ku samaynay mid la mida yeynaan samaynin, waa in aynu dooranaa taliye wacan oo talo wanaagsan taliya. Kaasaa khayrkeenu ku jiraa. Nin dhiig islaan galayna marnaba yeynaan codkeena u quudhin. Ileyn Ilaahaybaa inala xisaabtami doona e".

 

Sidoo kale waxa dadkii meesha ka hadlay hadaladooda aad loo jeclaystay Marwo Sahra Cabdilqaadir iyo Dr. Maxamed Cali Bilaal oo iyaguna sidan u hadlay:

 

Dr. Maxamed Cali Bilaal wuxu yidhi: "Maanta waxa ii muuqda fursad qaali ah oo aan kaga doogsan karno wixii ina soo gaadhay. Waxan wada ognahay in dalkeenii iyo dadkeeniiba taladii ka qaloocatay. Maxaa ugu wacan in la is weydiiyo ayaa haboon? Waxaan shaki ku jirin in jahli aabe u yahay wixii dhacay oo dhan. Hadii Afweyne uu maskax lahaan lahaa, dee Hargeysa iyo Burco muu baabiiyeen. Waayo burburkii uu burburiyey magaalooyinkii iyo noloshii umadii Soomaaliyeed ee magaalooyinkaa degenaa waxa uun uu soo dadejiyey halaagii odayga ku habsaday. Ta kale maxaa laga faa'iiday umadii la gumaaday? jawaabtu waa waxba. Dhanka kale ilaa dalka sisaasad degan oo lagu hago loo dejiyo mooyaane waxba inoo qabsoomi maayaan. Anigu waxaan degenaan jiray dalka Canada, waxan aad u jecelahay in umadayda wax u qabsoomaan. Hadalka waxba ku fogaan maayo ee waxan ku soo koobayaa waa in aynu codkeena siinaa musharaxa weyn ee Caddow, waayo cid aniga ila dhaanta oon arkaayi ma jirto.

 

Sahra Cabdilqadir ayaa iyaduna tidhi: "Markii halganka aynu ku jirnay dee Generaal Caydiid ayeynu gaashaanbuuraysi lahayn. Maanta Generaalkii ma noolaa, ninkaasi ayaa reer Woqooyi waxay gudaan iyo waxay galaanba yiqiinay. Maanta mar hadii aynaan Caydiid dooran karayn dee cidkaloo Caddow dhaanta miyaad inoo haysaan. Doorashada kale ee aynu haysanaa waa Cabdillahi Yussuf oo aynaan isku isir ahayn, iyo Cabdiqaasim oo fashilmay. Hadii xitaa aynu cidkale helayno Caddowna anigu kumaan taliyeen, bal idinku waakaasi cidkale sheega. Waxan hadalka ku soo koobayaa waa in cidii Cabdillahi Yussuf jebinaysaba la doortaa xitaa hadii ay ku tahay Cabdiqaasim Salaad.

 

 

Hadaladii faraha badnaa ee halkaa laga soo jeediyey kadib waxa cod loo qaaday musharixiinta Cabdiqaasim Salaad iyo Maxamed Caddow. Natiijadiina waxay kala heleen :Caddow 80% iyo Cabdiqaasim oo helay 20%. Sidoo kale waxa la isla soo qaaday in la kulansiiyo musharixiinta beesha Haw!ye si loo kala reebo oo midkood codka la siiyo si looga dagaalamo Cabdillahi Yussuf in uu cod helo.

 

 

http://www.somaliweyn.org/pages/news/Sep04/21sep15.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

loool even the mercanaries who were up for sale decided to give their vote to anyone but ina yeey i think its safe to say a pattern is emerging now.

 

 

maybe somaliland having such large influence of things in kenya withough ever taking part was such good thing after all.. i call that having your cake and eating it :D

 

and to think abdulahi yusuf was one of the pioneers of these so called D!ir waqooyi mercenaries :D :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kowneyn   

My blood boils when I think of the arrogance of the architects of the *** waqooyi hoax...I am reminded of the successful struggle of the lion-hearted Mahammed Nuur Fadal against the British racist classification which threatened to erase the identity of his people.

 

Gobannimo bilaash looma helo ban iska taaltaale

Markuu gaalku buugiis ku dhigay sida biddood qaata

Ee dhalashadiinnii bedela baarranku ahaaday

Ee talada sidii ceel bir-qoda bawda laga saaray

Ee ficilka baas iyo hawadu nala buraanleysey

 

Abidkood dagaal kama baqaan Baha Xabuusheedde

Barna lama u hadhin reer tolkay baasihii dhacaye

Billaahi iyo wacadkiina waa buuxiyeen shalaye

Ka badbaadney oo Eebahay nama belaayeyne

 

He went on to chastise those who betrayed his mystical passion...

 

Wax bakhtiyey badduba waa tuftaa baaxaddaa lihiye

Ha ka baxo biyaha reer Issaaq badhax ku sheegyaa

Ha ka baxo buluushtiyo Garruhu biidna yay tarine

Ha ka baxo dar badanbaa ku jiroon kuba bannaanayne

Ha ka baxo in Bini-Haashimoo baaqiyaa hadhiye

 

Truly deep and profound pronouncement!!!

 

Otali:

 

r u collecting donations for addow's campaign I don't mind contributing smile.gif

 

 

Kowneyn

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

lion-hearted Mahammed Nuur Fadal against the British racist classification which threatened to erase the identity of his people

So he did that by campaigning for people to be classified as Asian rather than african? :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

afraid people are of Cabdulahi Yusuf.

Or despise him. He has made a lot of enemies he could've counted on today.

 

Abdulahi Yusuf has done and said alot of things that have turned people against him, even from his own sub-clan (look at Jaamac Cali Jaamac and his laf).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kowneyn   

MN Fadal successfully challenged and defeated the eurocentric imagination of race, a peculiar mindset obsessed with color, a culture blind to relations or origins beyond the skin pigmentation such that they were known to impregnate african women held as slaves and then turn around and sell their own children. Europeans dominance was accompanied by the imposition of this shallow mind-set on the people.

 

Markuu gaalku buugiis ku dhigay sida biddood qaata

Ee dhalashadiinnii bedela baarranku ahaaday

 

He saw that such mindset if accepted would threatened or even erase his identity, and thus began his struggle to stem this tide and Allah gave him success. The result was the establishment of the Isaxaaqiya community (still existing in kenya) which struggled and fought the british until they were classified based on their origin and not on their color.

 

Those who were indifferent or did not fully and forcefully participate in the struggle, he chastise them and calls them among other things buluush or asians who only claim the sheikh.

 

Wax bakhtiyey badduba waa tuftaa baaxaddaa lihiye

Ha ka baxo biyaha reer Issaaq badhax ku sheegyaa

Ha ka baxo buluushtiyo Garruhu biidna yay tarine

Ha ka baxo dar badanbaa ku jiroon kuba bannaanayne

Ha ka baxo in Bini-Haashimoo baaqiyaa hadhiye

 

Today scientist conclude that the biological concept of race has no basis in science.

 

Wa-Allahu ghalibun cala amrihi walakinna akthara alnnasi la yaclamuun

 

 

Kowneyn

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this