Sign in to follow this  
Kamaavi

Prof Gandi Jubba leaders met with Hussein Halane.

Recommended Posts

Kamaavi   

2aad69w.jpg

 

Kulan Ayaa Ku dhexmaray manta Caasimada dalka Kenya ee Nairobi Prof Gandhi Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga iyo Xuseen Cabdi Xalane Wasiirka Cusub ee Wasaarada maaliyada DKG.

 

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa dad aad u fara badan oo ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo isugu jiray aqoonyahano, Saraakiil ciidamada, Salaadiinta, Ganagsato, Xildhibaano iyo wax garad ka soo jeeda degaanadadaas.

 

Shirka muhiimadiisa oo ahayd kala warqaadasho iyo xog waraysi la xirrira barnaamijka Pro Gaandhi gacanta ku hayo ee Jubooyinka iyo Gedo.

 

Warbixin dheer oo la xiriirta Barmaamijka waxaa ka soo Jeediyay madasha shirka Prof Gaandi wuxuuna u qeexay dhamaan dadkii kasoo qaybqalay marxaladihii uu soo maray barnaamijka iyo Carqaladii uu la soo kulmay tan iyo intii uu barnaamijkan bilowday iyo halka ay howsha marayso waqtigan Xaadirka ah, wuxuuna gunaanadkii u sheegay Xuseen Xalane in:

 

1 In Barmiijku yahay Barnaamij qaran Kuna wajahan Jubooyinka iyo Gedo

2-In Barnaamijka leeyahay Ciidan Tababaran iyo Maamul.

3 In Barnaamijka leeyahay Gole Guurta, Aqoonyahano ,Ganacsato iyo Culumo uuna Ku hirgalay Rabitaanka dadke Deegaanka oo uusan Kanoqosho Taagnayn.

 

Prof Gaandhi wuxuu sheegay inuu Barnaamijka soo maray Carqabado Badan oo isugu Jira Dacaayad iyo Been Abuur oo ay ka mid ahaayeen in barnaamijkan yahay Barnaamij qabiil , Goosasho iyo in Barnaamijkan uu dhibaato ku yahay Wadamada Deriska. Been abuurkaas oo ay wateen dad dano gaar ahaaneed watay dhamaadkiina la ogaaday inaysan wax ka jira aysan jirin oo ay dadkii howshaa watay ku hungoobeen.

 

Gunaanadkii waxaa iyagana ka hadlay goobta wax garadkii oo idil waxayna usheegeen Xuseen Xalane in ay sidii Ay horey u difaaceen barnaamijkan markuu bilowday ay 100% horey u difaaceen hadana ay diyaar u yihiin in ay 100% difaacaan isku day walba oo barnaamijkan lagu carqaladaynayo ayna ka hortagi doonaan madaama ay ku jirto Danta dadka iyo Deegaanka dhibaateysanaa waqtiya badan.

 

Xuseen Xalane Wasiirka Maliyada Dowlada Kumeelgaarka ayaa Dhamaadkii Shirka Ka hadlay Wuxuu ku Balan qaaday Waxgaradka Aqoonyahanada Culumaa-udiinka Ganacsata , iyo Xildhibaanada hortooda in uusan Barnaamijkan carqalad ku noqon doonin qaabka uu Prof Gaandi u wadana uu ku qanacsan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this