Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: either I rule you or you wont get peace...

Recommended Posts

XAMAR - AMA AAN KU XUKUMO AMA XASILOONI WAA

 

[26/01/07]

 

Lalama yaabeen hadii markii ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiyaanku ay ku soo dhowaadeen caasimada muqdisho ay maxkamaduhu u diyaar garoobaan inay iska caabiyaan ciidamada soo siqayey oo ay dhufayso adag ka qotaan Muqdisho hareeraheeda iyo dhexdeeda, laakiin mar hadii ayan taasi dhicin iyagoo sabab uga dhigay badbaadada shacabka Muqdisho, waa maxay hadaba xiligan amaan xumada iyo qalaasaha lala jeclaysanayaa shacabka Muqdihso ee dhibta mudada dheer ku soo jirey.

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar Cabdillahi Xassan ayaa mar la weydiiyey in maxkamaduhu keeneen amaan iyo kala danbayn mudo 6 bilood ah, ku jawaabey maxkamaduhu amaanka shacabaka uma keenin ee naftooday u keeneen, mar hadii la saarayna shacabku inoo halaagmo waxay ka jecel yihiin ma jirto waayo awelba shacab umay shaqaynayn ee iyagaa laftooda u xoogsanayey.

 

Dhacdooyinkan amaan xumida ah ee laga soo sheegayo Muqdisho ayaa waxay i xasuusiyeen nin la oran jirey Suufi Xaashi oo mar baabuur kolonyo ah oo uu watay ay u soo hoydeen tuulo ka mid ah tuulooyinka Soomaalida kana baqay in alaabta gawaarida saaran la xado inta ay hurdaan sidaa la ajligeedna isugu yeeray intii uu is lahaa waa tuug alaabta xadi doonta oo ku yiri alaabta iyo baabuurta waardiyeeya aroortii marka waagu beryana khidmadiina oo kaash ah qaata, subixii markii la toosay ayaa loo yimi alaabtii oo dhan oo aan far la saarin, markaasay tuugtii waardiye yaasha ahaa intay ku soo yaaceen Suufi ku yiraahdeen "hade waanagaa hantidii kuu xafidnay oo ku ilaalinaye xaqayagii na taabsii", Suufi baa intuu dhoosha ka qoslay yiri oo hadii intiinii tuugta ahaydba aad waardiyeyaal ahaydeen yaad ka waardiyeynayseen….! Waxaadna moodaa in amaanka maxkamadaha la sheego inay keeneen uu si dadban u waafaqsanyahay xigmada Suufi.

 

 

Waxaan kaloo arintan wax ka waydiiyey nin ganacsade ah oo la yiraahdo Maxamed Yusuf oo si isdaba jog ah xamar u taga wuxuuna ugu yiri hadal aan la yaabay "War dhegeyso waxaan aad maqlayso wax baa la qarxiyey waxbaa la dhaawacay, hoobiyaa la soo ridey awelba way dhici jireen xiligii maxkamadaha laakiin maxkamaduhu waxay gacan bir ah ku hayeen warbaahinta wadanka kuwaaso qaarna lafahooda uga baqayeen qaarna qabiil ahaan u taageersanayeen sidaa darteen war xun lama sheegi kari jirin ….Saxaafada Xamarna waxaa lagu mashquushay xiligaas Maxay Qabatay Towradu.

 

 

Isku soo duubo hadii badbaadinta ummada iyo nasteexaynta shacabka ay ahayd hadafka ay lahaayeen maxkamadihii laga taagta roonaaday ee Muqdisho ma jirto sabab ay hada hadaf uga dhigtaan maatada oo ay u laayaan dad aan dembi geysan si ay u maqlaan Jazeera ama BBC oo ku hadaaqaya Xamar xiligii maxkamadahay amaan ahayd.

 

Dhinaca dowladana waxaa la gudboon in ay u adeegsato warbaahinta sidii maxkamaha oo ay ku qasabto inay oofiyaan Axdiga Guud ee Warbaahinta ayna wararka oo dhan sheegaan xumaan iyo samaanba, halka hada ay ku mashquuleen war xun sheegnimo keliya.

 

Walaahu Aclam,

 

 

Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia.

xariri@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhacdooyinkan amaan xumida ah ee laga soo sheegayo Muqdisho ayaa waxay i xasuusiyeen nin la oran jirey Suufi Xaashi oo mar baabuur kolonyo ah oo uu watay ay u soo hoydeen tuulo ka mid ah tuulooyinka Soomaalida kana baqay in alaabta gawaarida saaran la xado inta ay hurdaan sidaa la ajligeedna isugu yeeray intii uu is lahaa waa tuug alaabta xadi doonta oo ku yiri alaabta iyo baabuurta waardiyeeya aroortii marka waagu beryana khidmadiina oo kaash ah qaata, subixii markii la toosay ayaa loo yimi alaabtii oo dhan oo aan far la saarin, markaasay tuugtii waardiye yaasha ahaa intay ku soo yaaceen Suufi ku yiraahdeen "hade waanagaa hantidii kuu xafidnay oo ku ilaalinaye xaqayagii na taabsii", Suufi baa intuu dhoosha ka qoslay yiri oo hadii intiinii tuugta ahaydba aad waardiyeyaal ahaydeen yaad ka waardiyeynayseen….! Waxaadna moodaa in amaanka maxkamadaha la sheego inay keeneen uu si dadban u waafaqsanyahay xigmada Suufi.

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

General duke sxb , to denie the peace and stability that exist in xaamar and through the south is shame sxb ,

 

 

can TFG control south let alone the whole somalia sxb , can they manage to setup fucntional administrattion / federal admin , reconcile the clans . Thus so far they succeed in Bay - bakool . why can they not continue and not let the victory overshadow the real work to be done .

 

Abdulahi should stop wasting time searching for foreigh troops insted sit down and reconcile with elders , convince that his in this for country and not to empower his north east clan .

 

he should call to recruite new milites etc , get rid of these warlords since they are no longer have any power.

 

Wallahi abdulah should by know realize that one clan can not rule somalia or control even with help of foreigh troops . Abdulahi should learn from previouse mens who have tried to control somalia using their clan power , mens like farah aidiid , Ali Mahadi , Siad barre , Abdi qasim all failed becuase they relied on their clan power .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^The TFG is calling for recruits of troops. Well over a thousand militia joined the TFG just last week. He has talked with all the major shareholders and stakeholders from the clans of Xamar and past national leaders.

 

The TFG is getting foreign troops to replace the neighbouring states troops. The TFI will not need foreign troops once they've got a national police force and army consisting of atleast 40 thousand members. Until then parties who are trying to hamper the TFG success will try to spoil this with hit and run attacks which kill civilians.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this