Sign in to follow this  
Major-General Cawad

Gobolada Puntland...

Recommended Posts

Gabay Gobolada Dowlad/Goboleedka Puntland.

 

 

• Guyaal iyo guyaal baanan trin maansadii gabaye

 

• Gedeheed waanigii dhigoo gooyayoo nacaye

 

• Geed dheer intaan fuulay baan raaxo dheer galaye

 

• Gadaal baan xusuusaha u dayey dunida guudkeeda

 

• Gumaystaan xusuustiyo kuwii gubay dhulkeeniiye

 

• Gardaradii nasaarada ayeey gocatay laabtiiye

 

• Gebigeed ifriiqiya ma rabin inay gumeeyaane

 

• Gaar ahaanna soomaaliya ciilku ii gubaye

 

• Midna waygu gaaroo anay gooni ii tahaye

 

• Garacyada dhasood waa kuwii gubayey waayeelka

 

• Gowraca maxay kaga tagen gaban yar oo wiila

 

• Geeliyo waxay naga dhaceen geesaloow adhiye

 

• Waaa tay gumaadeen raggii gaadhka hayn jiraye

 

• Garaaadkayga waatay xidheen meel gasiirada e(jasiiradda siishalis)

 

• Gacalkayga waa kala jareen goboladiisiiye

 

• Galgaliyo nugal bay xidheen seerayaal gudube

 

• Badda garacad waa tii la yiri yaan la soo geline

 

• Anaguna gadoodnoo kufriga gelinay tooreeye

 

• Guluf iyo coladaan ridnoo giirka wada taagnay

 

• Galad eebbe weeyee dulmigu gaax ma uu laha e

 

• Waatay ka goosheen arliga naga guureene

 

• gobanimo markaasaan helnoo geelu noo dhalaye

 

• golayaal ayaa lagu shiraa geedihii bariye

 

• gobeleed punland baan dhamaan geliney diiwaane

 

• guddoon baannu leenahay hadeer loo gudboonyahaye

 

• Gaalkacayo Boosaaso iyo gebiyadii Laaska(Laasqoray)

 

• galgaliyo xubeeriyo ilaa dhahar gadaasheeda

 

• gurya samo taleex iyo buraan waa sinaan garabe

 

• gidigood Garoowaa xukuma xarunta guud weeye !!!!!!

 

• gallad bay dadkaygii beryahan farax la guuxeene

 

• aniguna gedaasaan ahoo guul ayaan helaye

 

• Guuleysta geediga wadoo geliya goob khayr leh..

 

• dhamaad.

 

maxamad bashiir

 

gumburi1885@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this