Sign in to follow this  
NASSIR

Badhan, Maakhir: Iqra Institute for Higher Education (Pics)

Recommended Posts

NASSIR   

Badhan, Maakhir: Iqra Institute for Higher Education

Ujeedooyinka ugu waaweyn in Machadkani waxa weeye in mustaqbalka fog uu isu bedelo jaamacad oo leh dhamaan adeegyada jaamacadi ay bixin karto iyadoo hada loola jeedo iney si ku meel gaar ah usii noqodo Machad.

 

Ujeedooyinka kale ee Machadka Iqra ayaa dhowr ah iyadoo ay ugu horeyso qodobadan hoos ku qoran.

 

 

In Ardeyda Iskuulada ka baxa ee Sanaag ay helaan goob waxbarasho sare oo lagu baran doonoDiploma iyo Shaahado heer jaamacadeed ah.

 

In ardeyda ka qalin jebisa Iskoolada Sare ee Sanaag ay helaan goob ay ku kobciyaan waxbarashadooda Sare si guud.

 

In Ardeydu ay helaan goob ay ku bartaan waxbarashada Sare ee Farsamada Gacanta, Maareynta, Ganacsiga, Xisaabaadka, luuqadaha iyo Culuumta Islaamiga ah iyadoo aan lakala sooceyn willal iyo Gabdho oo ay goobtani u furantahey.

 

In dhalinta ama Ubadka la baro Waxbarashada Farsamada Gacanta, Culuumta Islaamiga ah, Madooyinka Maareynta, Luuqadaha Englishka iyo Carabiga, waxbarashad Caafimaadka.

 

In Laga hortago Burcadeynta Dhalinta Sanaag iyo geli taanka ay gelayaan maleeshiyaadka ha ahaadeen kuwa Qabaailka ama kuwa Diiniga ah oo beryahan guud ahaan inta Somalidu degto kusoo batey.

 

In la kobciyo fahanka Dhalinta ka qalin jebisa Iskoolada si ay kor ugu qaadaan awoodooda feker isla markaana Mustaqbalkooda toosan ka fekeraan.

 

In Ardeyda Reer Sanaag loo fududeeyo sidii ay ku baran lahaayeen wax barashada sare iyagoo isticmaalaya qaab casiriyeysan sida Computers-ka iyo Laboratory-ga ama shaybaaro casri ah.

 

 

Alquraan3.JPG

 

1-Iqra.jpg

 

 

More Read Here

 

Qeybaha Iqra Institute for higher Education

 

 

Machadka Iqra waxa uu ka kooban yahay sadex qeybood oo lagu bilaabayo isla markaana baaritaanadii la sameeyey iyo falaqeynta kadib la ogaadey iney mudan tahay in machadka lagu bilaabo Sadexdan qeybood ee hoos ku xusan.

 

 

Qeybta Farsamada Gacanta iyo Taba barada-vocational Skills and trainings Department

 

 

Qeybtan baahideeda waxaa la ogaadey in ardeyda deegaanka Sanaag uu baahi u qabo iyadoo ay uu Gobolku hodon ku yahay magaalooyinka aad u kobcaya oo dhismayaal xawli ahi ay ka socdaan isla markaana ay yartahay dadka aqoonta u leh farsamada Gacanta ama Vocational skills sida Dab yaqaanada[Electricians] Matoorada aqoonta,[Mechanics] Alxanka iyo najaarada oo gobolka uu aad uga saboolan yahay.

 

Alquraan2.JPG

 

 

Taasina waxay qeexday in baahi weyni ay jirto aqoonta oo ah ama ka mid ah aas aaska horumarka bulshada.

 

Qeybtani waxay handasaayasha Mashruucan isku raaceen kadib dood dheer iyo falan qeyn iyadoo laga baaraan degey kharashka lagu wadayo[Runing Cost and Maintain cost] isla markaana ay noqotey in la dejiyo istaraatijiyad ku aadan taas ayna ugu horeysa in Madooyinka lagu kobo inta la awoodi karayo sida Najaarada, Alxanka, Dabka iyo Matoorada isla markaana Qeybta Enjineernimada dib loo dhigo oo marka uu Machadku Hano qaado laga baaraan dego, Hadii Allah weyni idmo.

 

 

Qeybta Computer Science-ka

 

Caalamka aynu hada ku nool nahey waxaa qeyb libaax ah ama door libaax ah ka cayaara aqoonta computerka oo noqdey mid looga baahan yahay inuu yaqaano qofkii doonaya inuu ku shaqeysto cilmigaan.

 

Sidaa awgeed Iqra Institute waxay u diyaarineysaa ardeyda wax ku baran doonta iney wax barasho ku saabsan Cilmiga Computerka hadii ay noqoto mid uu qofku ku shaqa tegi karo iyo hadey noqoto mid uu iskiis aqoon kororsi u baran doono.

 

Waxaa Machadka wax ka bari doono aqoon yahano ku xeel dheer waxbarasha Computerka isla markaana ka haqab tiri doona ardey kasta oo dhiganaya qeybtaan inuu ka qalin jebiyo isagoo ku kalsoon inuu suuqa shaqada tegi karo oo ku shaqeysan karo aqoontiisa.

 

Dhismaha Machadka ayaa waxa uu ka kooban yahay qeybahan hoos ku qoran.

 

 

- 12 Fasal oo u dhan yihiin dhamaan qalabkii oo idil

 

 

- 2 Labrotoray ama Sheybaaro ay u dhan yihiin dhamaan qalabkoodii

 

 

- 2 qol oo waaweyn [460msq] oo Workshop ah

 

 

- 3 Qol oo xarun Caafimaad noqon doonta

 

 

- Maktabada ama Library

 

 

- Xafiisyo iyo Xafiiska Guud ee Machadka

 

 

- Hool ama Barxad si guud loo isticmaali doono

 

 

- Qolka Matoorada

 

 

- Derbiga kusoo wareegsan Machadka [1200msq]

 

 

- Taangiga Biyaha

 

 

- Musqulaha ardeyda oo kala qeybsan, Lab iyo Dhedig

 

 

- Qodista Bulaacadaha

 

 

- Qeybta Ciyaaraha

 

 

- Masjid

 

 

Wixii faah faahin ah kala xiriira

 

 

Abdirashid Sheikh Salah +25290 796771/725033, Email:abuusaalax@hotmail.com

 

 

A/Rahmaan Haybe +25290 772880

 

 

Adam Ahmed Yusuf +25290 764433, Email:a_hawar@yahoo.com

 

 

A/rizak M Haji-Ali +447856972602, Email:razshirwa@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this