Sign in to follow this  
Xudeedi

Saliidda [Batroolka] ku jira Soomaaliya, wareysi, Dr. Osman Hersi

Recommended Posts

Xudeedi   

Dr. Osman Hersi wuxuu ka mid yahay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee cilmiga Joolojiga. waxaa wareysi la yeelatey Somalitalk.com.

 

Here is a summary of the interview.

 

 

Somalitalk: Dr. Osman ma noosheegi kartaa gobollada Soomaaliyeed ee aad ku tuhmaysid ama aad adigu xaqiiqo u ogtahay in saliid badani ku jirto?

 

Dr. Osman: Saliiddu waxay ku samaysantaa dhagaxa loo yaqaan dhadhaab lakabeedka (Sedimentary rock). Soomalaiya badankeeda dhagaxaasi waa ka buuxaa marka laga reebo meelo kooban (sida Buur Hakaba, buuraha Shiikh iyo meelo badan oo ka mid ah xiriirta buuraha Golis, Dhalan iyo Majiyahan oo ku kala beegan koofurta Ceelaayo iyo Bosaaso).

 

Soomaaliya waxaa lagaqoday ceelal ka yar 70 ceel oo shidaal baaris ah, sidaas daraaddeed macluumaad badan lagama oga. Waxaase jira meelo badan oo lagu tuhmayo calaamado na dhiirri gelinayana lagu arkay, waxaana ka mid ah;

 

* Berbera Basin: nawaaxiga Bixinduula iyo Dhagax Shabeel oo ku beegan koofurta Berbera, waxyaabaha muujinaya in saliid kujirto waxaa kamida in (1) Saliid bannaanka usoo baxda (oil seeps), (2) ceelal laga qoday oo muujiyey saliid iyo habsocodka dareeraha oo aad u wanaagsan (well permeablity).

 

* Badda Laasqoray (Off Shore) iyo agagaarka Beder Bayla oo ceelal laga qoday muujiyeen jirtaanka saliidda.

 

* Ceelal iyagana laga qoday Qoryooley iyo Afgooye ayaa muujiyey jiritaanka gaaska dabiiciga ah (Natural Gas).

 

* Waxaa kale oo ilo la rumaysan karo ii sheegeen in shirkadda Conoco ay saliid ka heshay ceel ay ka qodday meel la yiraahdo Tuka-raq oo ku u dhexaysa Garoowe iyo Lascaanood. Hase ahaatee ilaa iyo hadda lama hayo wax dhaqaale ahaan ganacsi gal ah.

Intaasi waa inta aan hadda ka xusuusto.

Qaabka, nooca, iyo saliida kamuuqada marka la isku daro waxay muujinayaan rajadu in ay badantahay.

 

Tankale marka Soomalaiya la barbardhigo Yemen, waxaa la arkayaa sida ay isu mid yihiin cimilada iyo joolojiga. Balliyada Yemen iyo Soomaaliya (gaar ahaan woqooyiga Soomaaliya) aad ayey isu dhow yihiin. Yemen saliida lagahelay waxay tilmaameysaa rajo weyn oo laga qabo in Soomaaliya ay saliidi kujirto.

 

 

Full Interview

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this