Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Apostate soldiers of puppet administration kill driver, rob passengers in Mogadishu

Recommended Posts

Ciidamada DKMG ah oo Darawal ku Dilay Muqdisho

 

Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah oo ay Jidgooyo u taal Xaafada Jiiro Maskiin ee Degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka Aroortii Dil ugeystay mid kamid ah Darawaliinta Gaadiidka dadweynuhu raacaan iyagoona sidoo kale dhac iyo baarasho kula kacay Rakaabkii Saarnaa Baarbuurka Wadaha laga dilay.

Dilka Darawalka ayaa lasheegay inuu yimid kadib markii ay Ciidamada Dowlada ee ay jidgooyadu u tiil Duleedka Isbitaalka ka dalbadeen Lacago badan balse uu u sheegay inaysan wali soo galin wax lagacag ah isla markaana uu wado Rakaabkii ugu horeeyey.

Balse Ciidamada ayaa Markiiba Darawalka Toogasho ku dilay kadibna waxay dhac iyo baarasho kula dhaqaaqeen Ragaabkii Saarnaa gaariga oo u kalahayey Shaqooyinkooda iyo Raadinta nolol Maalmeedkooda waxayna ka qaateen waxay heysteen oo dhan sida Lacag iyo Moobeelo iyo agab kale.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ee ay Ciidamada Dowladu ku dhibaateeyaan Dadka Rayidka ah ayaa marwalba ku soo noqnoqda Xaafadaha ay Magaalada Muqdisho ka joogaan Ciidamada DKMG ah mana jirto cid u istaagto wax ka qabashadooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this