Sign in to follow this  
Qudhac

Best system for Somalilands parliaments elections??

Recommended Posts

Qudhac   

Doorashada Wakiilada Somaliland: Moodal Xal ah

 

 

Si geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland loo dhamaystiro, waxaa bisha March, 2005 innagu soo fool leh qabashadii doorashada Aqalka Wakiilada. Doorashani haddii ay si wacan oo cadaalad ah u dhacdo, waxaan shaki ku jirin inay wax weyn ka tarayso hanaanka dimuqraadiyada aynu dhisayno iyo hamigeena ictiraaf raadinta labadaba. Hase yeeshe, markaad dhegeysato wararka dalkii ka imanaya, waxaad moodaa inay si innoogu adkaatay qabashada doorashan mustaqbalka dalka muhiimka u ahi, iyadoo aad moodo in laga wada baqay kala gurista saddexda arrimood ee is dul barkan, kuwaasoo kala ah qabiilnimo, gobolnimo iyo xisbinimo. Si haddaba aynu arrintan cakiran u maarayno, waxaan maanta halka ku soo bandhigayaa moodal innoo noqonkara xalkii aynu wada raadineyney.

Haddii aynu raacno, moodalkani wuxuu innagu hagi kara wado aynu raacdo oo sumad iyo sowrac leh, maadaama hore loo tijaabiyey oo dalal badani hore u isticmaaleen. Waxaa moodalka la yidhaahdaa Mixed-Member Proportional Voting System (MMP), ama habka cod qaybsiga xisbiyada oo wax kale lagu daray. Waxa kale oo moodalka loo yaqaan magacyo badan oo kale oo ay ka mid yihiin “habka wax isu cadilida†(compensatory proportional representation), “habka laba jeer footinta†(two vote system), ama “habka Jarmalka†(The German System). Waxaa nidaamkani ka tarjumayaa isku darka nidaamka Ingiriiska ee murashaxu keligii codka ku doonto awoodiisa iyo dariiqada kale ee xisbiyadu wadarta guud ee codka dalka laga qaado saami qaybsiga ka galaan. Waxaana dad badani aaminsan yihiin innuu yahay nimaadka ugu wacan ee maanta adduunka jira ee ummad qaybsan wax lagu wadaajinkaro, wax laysugu cadili karo, ismarkaana qof kastaaba xaqiisa ku heli karo: Kii qabiil wax ku doonaya, kii gobolnimo wax ku doonaya iyo kii xisbinimo wax ku doonaya intaba.

Nimaadkani asal ahaan wuxuu ka soo jeeda oo sameeyey dalka Jarmalka wakhtigii dagaalkii labaad ee adduunka laga soo doogey ka dib, waxaana hadda isctimaala dalal badan oo ay ka mid yihiin Bolivia, Venezuela, New Zealand iyo Hungary. Waxaa iyana doorashooyinkoodii ugu horeeyey isticmaalay baarlamaan gobolleedyadii laga sameeyey dhawaan gobollada Wales iyo Scotland ee dalka boqortooyada Ingiriiska. Runtiina waa moodalka hadda ugu cad-cad ee dalal badani hiyiga ku hayaan si ay uga baxaan mushkiladaha soo wejeha dalalkaa marka ugu horaysa ee ay noqoto inay doorasho baarlamaan qabtaan, sida innaga oo kale.

 

Siduu u shaqeeyaa nidaamkani? Dadku waxay ku codaynayaan warqad laba baal leh sida balanbaalista, ama laba warqadood oo isku lifaaqan sidaad sawirka hoose ku aragtaan. Dhinaca bidixda ee warqada waxay calaamadinayaan codka ay rabaan innuu baarlamanka degmadooda u galo. Dhinacan waxaa lagu kala saarayaa, tusaale, saddexda qof ee saddexda xisbi ee Somaliland ay goobtaa ama xaafadaa ama degmadaa u soo kala sharaxdaan oo wuxuu u shaqaynayaa sida nimaadka Ingiriiska oo kale ee cod-dheerida wax lagu kala helo iyadoo saddexda qof mid soo baxayo, labada kalena hadhayaan. Markaa Aqalka wakiilada ilaa nus (one -half) ka mida oo dhow-dhawi sidaa ayey ku soo baxayaan. Yacni, dadkaasu shakhsiyadooda ayey u soo xarbiyayaan iyagoo laakiin, dabcan, astaabtii xisbiga ay raacsanyihiina sita.

 

 

Warqadda Qodbixinta Rasmiga ah (Official Ballot)

Doorashada Aqalka Golaha Wakiilada ee Somaliland

Waxaad Leedahay Laba Cod ( You Have 2 Votes)

Codka Degmada and Codka Xisbiga

 

 

Codkani wuxuu go'aaminayaa cida aad Codkaagan kale wuxuu go'aaminayaa

 

aqalka wakiilada degmadan uga soo diraysaan. qaybta kuraasida ee xisbi kastaa ka helayo

Markaa codee addigoo calaamada "X" ku hor qoraya Aqalka Wakiilada. U codee xisbiga

aad doorato addigoo calaamada

murashaxa aad dooranayso. “X†ku hor qoraya xisbiga aad rabto

 

Xisbi qudha u codee!

U codee hal murashax oo keliya.

Halkan Codee

Halkan Codee

Kulmiye

Megeygaag Kulmiye

UDUB

Qudhac UDUB

UCID

Qansax UCID

 

 

Dhinaca midigtana—qaybta xibsiyada ee warqadda—codbixiyuhu wuxuu muujinayaa xisbiga uu doorto ama codkiisa siinayo. Markaa qaybtii dhinayd kuraasida Aqalka iyana sidaa ayaa lagu buuxinayaa oo xisbiyada ayaa liisas ay sii samaysteen ka soo xulanaya. Liisaska xisbiyaduna mid xidhan (closed party list) oo ay hore dadka u sii kala horaysiiyeen, ama mid furan (open party list) oo ay markay tirada guud ee codadka gobollada ka heleen u kala qaybiyaan oo markaa qorsheeyaan labadaba waa noqon karaan. Waxaase muhuuma in la fahmo qaybtani magaca xisbiyadu ay tirada guud ee dalka ka codaysay ka heleen ayey ka imanaysaa ee maaha wax qofku keligii raadsanayo. Xubnihii Aqalka Wakiilada laga rabay oo labadaa dariiqo ku soo kala baxayna sidaa ayey ku dhaystirmayaan. Waxaana dhamaystirka arrinta innoo qeexaya shaxdan soo socota:

 

 

Xisbiyada Tirada Degmooyinka Boqolkiiba Inta Tirada Guud Tirada Kuraasta

Siyaasadda Laga soo Kala Helay Xisbigu Codka ee Xisbigu Xisbiyada Loogaga Daray

Qaranka Ka Helay Kuraasta Aqalka Liisaska Codka Guud

Ka Helay Ku Soo Baxay

 

 

Xisbi X 19 50% 41 22

 

Xisbi Y 10 30% 25 15

 

Xisbi Z 4 20% 16 12

 

Iskudar(Totals) 33 100% 82 49

 

 

Innagoo nimaadkan isku dhafan ka tuulayna, tirooyinkan mala-awaalka ah ee aan saddexda xisbi ee Somaliland kala siiyey waxay ka tajumayaan sidatan soo socota: (1) Xisbiyada qaranku waxay murashaxiin ay soo xuleen u soo taagayaan inay magacyadooda ugu tartamaan 33 kursi oo u dhigma saddex iyo soddonkii aqalkii Somaliland ee 1960-kii ka koobnaa. 33-ka kursina waxaa la dhigayaa meelihii awalba lixdankii la dhigay; sidii loo kala lahaana haddaba waa loo kala lahaanayaa oo metelan magaalada Hargeisa waxay lahaan jirtey lix kursi, Burcana shan kursi. Haddana sidii baa loo kala qaybinayaa 33-ka kursi. Waxayna tani fursad siinaysaa qofkii doonaya innuu magaciisa ku tartamo ee leh waxaan soo heli karayaa kursi, iyagoo dabcan magac xisbina dhinac ka sita. Markaa mushkiladii qabiilnimada ayey tani dawaynaysaa. Waxay kaloo qayb ka mida dawaynaysaa mushkiladii gobolnimada oo 33-ka kursi waxay noqonayaan kuwo ay ku soo baxaan wakiilo gobollada ama degmooyinka ay kaga soo baxeen metelaya; iyo (3) Iyadoo ay xisbiyadu ku kala sed qaadayaan codbixinta guud ee dalka ka dhacda oo dadku dabcan ugu kala codaynayaan siday xisbiyada u kala jecelyihiin. Tanina waxay kor u qaadaysaa dimuqraadiyaddii aynu qaadanay oo waxay tayo u yeelaysaa arrinta xisbinimada oo dadkuna markaa xisbiyada ayey toos ugu xidhmayaan. Tusaale, waxaynu kor ku xusnay in mala awaal ahaan xisbi X boqolkiiba konton codka guud ee dalka helay; waxaynu kaloo sheegnay in inamadii iyo hablihii uu xisbigu degmooyinka u soo taagay ay 19 ka mida 33-kii kursi ee degmooyinka sidii wakhtigii Ingiriiska loo dhigay ay soo heleen oo xisbigaa u soo hooyeen; waxaynu kaloo ogsoonahay qogolkiiba kontonka xisbi X codka guud ka helay inay siinayso 41 kursi oo ka mida Aqalka Wakiilada Somaliland oo 82 ah. Markaa Xisbi X waxaa lagu odhanayaa 19-kii aad tooska u soo heshay iska jar; ka dibna wuxuu baaqi u helayaa 22 kursi oo kale oo uu codbixinta guud ee dalkoo dhan ku helay. Markaa, waxay qaybta midigta ee xisbiyad uun loo codaynayaa fursad wacan xisbiyada qaranka u siinaysaa inay haweenka Somaliland kuraasida wax ka siiyaan, cidii kale ee ay u arkaan inay dalka aaya ka talintiisa wax ka taraysana ay wax siiyaan oo sidaa baarlamaanka ku soo geliyaan, maadaama ay 49 kursi oo u dhiganta 60% kuraasida Aqalka Wakiilada ay xisbiyadu taladooda weli gacanta ku haystaan oo ay coodka guud ee dalka laga qaado uga soo baxayaan iyadoo aan shakhsi gaar ahi u sharaxnayn ee magac xisbi uun lagu helayo; taasoo ay ciday doonaan siin karaan.

 

 

Gunaanadkii, waxaan la socodsaa in guddidii arrinta doorashada loo saaray ay ku soo talo bixisay saddex arrimood (options) in dalku kala doorto, kuwaasoo kala ah: Sidii lixdankii, qabaa’ilka hadda Aqalka lagu fadhiyo oo sidaa loo daayo, iyo codka guud ee dalkoo dhan oo xisbiyada wax loogu kala qaybiyo. Waxaynu kaloo ognahay in guddi Mudane Cabdulqaadir Jirde hormuud u yahay ay hadda arrinta rogrogeyso. Waxaan markaa Mudane Cabdulqaadir Jirde, Xisbiyada Qaranka iyo Golaha Wakiiladaba halkan uga soo jeedin lahaa in haddii ay nimaadkan qaataan, uu isugu keen dhafayo laba ka mida saddexda option ee ay talo bixinta ku soo jeediyeen mudanayaashu oo kala ah tii lixdankii iyo codka guud oo la qaado isna oo xisbiyada percentage-ka ay kala helaan wax loogu qaybiyo, wuxuuna kala furfurayaa model-kani saddexdii mushkaladood ee is dulsaaraa ee qabiilnimo, gobolnimo iyo xisbinimo iyadoo uu mid walba si cadaalada ula dhaqmayo oo ku xaqsoorayo, wuxuuna yahay model ama nidaam hore loo tijaabiyey oo raad la raaco leh, wixii khaldama si sahlan markiiba lagu sixi karo. Sidaa darteed, waxaan bulshaweynta Somaliland kula talinayaa inay model-kan wakhti dheeraada geliyaan, qiimaha uu leeyahayna siiyaan si aynu wareerka hadda arrinta ka taagan uga baxno, dimuqraadiyada u dhamaystiro, geedi barwaaqo ahna aynu u guuro oo aynu guryo samo ku degi doono, insha Allaahu.

 

 

Farah Hersi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this