Sign in to follow this  
Jacaylbaro

And they are doing it AGAIN ! ! ! !

Recommended Posts

Ciidamada Islaamiyiinta ah ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay burburiyeen qabriyo ku yaalay Gobolka J/hoose halkaas oo ay ku yaaleen ku dhawaad nus qarni iyadoo ciidamadani ay halkaasi ka burburiyeen qabriyada shalay gelinkii danbe oo hawlgal balaadhan ku qaadeen.

 

Goobta qabriyada laga burburiyay ayaa waxa ay tahay meel 90km ujirta dhanka bariga magaalada Kismaayo lagauna magacaabo Kamsuuma halkaas oo ay ku yaaleen qabriyadu iyadoo markii ay halkaasi gaadheen ciidamada Islaamiyiinta ah ee Gobolka J/hoose ay markiiba bilaabeeen inay burburiyaan qabriyadaas.

 

Dadka deegaanka ayaa waxa ay ka qayb qaateen burburinta qabriyadaasi iyagoo caawinayay ciidamada Islaamiyiinta ah ee hawlgalka lagu burburinayo qabriyadaasi ka fulinayay halkaasi taas oo ay ciidamada iyo waliba shacabka deegankaasi ay markiiba halkaasi ku burburiyeen qabriyadii halkaasi ku yaalay muddo nus qarni ah.

 

Maamulka sare ee Islaamiyiinta ah ee Gobolka J/hoose ayaa amar kasoo baxay waxaa lagu fara inay ku fuliyaan qabriyadaasi la burburiyo iyagoo maamulka Islaamiyiinta ahi ay ku tilmamaeen in qabriyadaasi ay ku dhisan yihiin qaab aan sharciga Islaamka aan waafaqsanayn iyagoo ku tilmaamay inay qarka usaaran yihiin in la caabudo.

 

Hadaba maaha markii ugu horaysay ee maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo uu bilaabo inuu burburiyo qabriyada noocan oo kala ah iyadoo ay horay u burburiyeen qabriyo kuyaalay galbeedka magaalada Kismaayo halkaas oo ay dhamaanba dhulka dhigeen qabriyada ay u arkaan inay ka hor imaanayaan sharciga Islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this