Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Delegation to Djibouti

Recommended Posts

Hargeysa(HWN):- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somliland, Cali Maxamed Ibraahin (Cali-Sanyare) iyo Wefti uu hogaaminayo, ayaa maanta u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo ay kaga qayb-galayaan Shir ay Shirkado Faransiis ahi ugu kuurgalayaan, isla markaana lagaga wada-hadlayo sida ugu haboon ee ay maal-gashi uga samayn lahaayeen wadamada Geeska Afrika oo Somaliland ay ka mid tahay.

 

Wasiirka Qorshaynta Cali-Sanyare, oo ka hor intii aanu maanta ka ambabixin Magaaladda Hargeysa, qaar ka mid ah Warbaahinta Sharaxaad ka siinayay ujeedada safarkooda, ayaa sheegay in ay ka qayb-galayaan Shir balaadhan oo dalalka Afrika iyo Shirkado Faransiis ahi kaga wadahadlayaan sida ugu haboon ee ay Cambaniyada Faransiisku u maal-gashan karaan dalalka Geeska oo Jabuuti lagu qabanayo todobaadkan bilaabmaya.

 

Waxaanu tagaynaa Shir ka dhacaya Jabuuti oo ay boqolaal Shirkadaha waaweyn ee Faransiiska ah iyo wadamada Geeska Afrika kaga wada-hadlayaan sida Afrika ay Shirkadahaasi u maalgashan karaan, Somaliland-na wadamadaas waa ka mid oo waa laynagu soo casuumay Shirkaas.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Maxamed Ibraahin (Cali-Sanyare).

 

Waxaanu Wasiirku xusay in Somaliland Weftiga ka socda ee uu hogaaminayo isagu ay Shirkaasi ka jeedin doonaan hadalo maqal iyo muuqaal ah, oo ay ku bandhigi doonaan sida Somaliland loo maal-gashan karo, isla markaana looga faa’iidi karo. Ka dibna ay Somaliland iman doonaan Wafti Faransiis ah oo indha-indhayn dhinaca maalgashiga ah ku sameeya qaybaha kala duwan ee dalka.

 

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Cali-Sanyare waxa uu sheegay in uu soo bandhigi doono wixii maalgashi ahaa ee Somaliland lagu sameeayay iyo la xisaabtanka Haya’adaha Caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ee dalka Somaliland jooga, gaar ahaan sannadkii inna dhaafay ee 2008-dii.

 

Cali-Sanyare, waxa uu ka hadlay muranka siyaasadeed ee Xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Madaxweyne Rayaale iyo Xisbiyada Mucaaridka ah u dhexeeya ee ku saabsan muddada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka oo dhamaanaya 6-da April ee sannadkan, taasoo ay Mucaaridku sheegeen in aanay ka dib 6-da April xukuumad shariciyi dalka ka jirin, sidaa daraadeedna ay Golayaasha Sharci-dejinta ugu baaqeen in ay ka taliyaan ta ay noqonayso dawldda dalka doorasho gaadhsiinaysa ee wakhtigaa wixii ka dambeeya dalka hagi lahayd, taasoo muran cakiran ka dhex oogtay Mucaaridka iyo Xukuumadda.

 

Hase ahaatee, Wasiirka Qorshayntu waxa uu ku dooday in wixii lagu marmot ama madmadaw galo dhinaca Shuruucda iyo Dastuurka dalka u yaala in ay fasiraadooda leedahay kaliya Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah, go’aanka ugu dambeeyana ay iyadu leedahay.

 

“Wixii Shuruuc ah ee laysku qabto ama lagu murmo ee Dastuurka ku jira fasiraadooda u xilsaaran tahay Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah, go’aanka ugu dambeeyana Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa iska leh.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland delegation led by the Minister of National Planning, Mr. Ali Mohamed Ibrahim left for Djibouti to attend a conference on the French investment in the Horn of African countries. The Minister said they are officially invited to attend the meeting as Somaliland is one of the focus countries in the region.

 

After the conference there will be a French delegation which will visit Somaliland to see the best possibilities of investing the country as the French companies are looking for new sites to invest.

 

This is not the first time that Somaliland delegation visit Djibouti, since the recent months the two countries have been exchanging delegation for different purposes to strengthen the relationship between the two countries.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this