Sign in to follow this  
MoonLight1

New generation of ARMS expected to arrive soon.

Recommended Posts

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa isu diyaarineysa Hub iyo Saanado Milateri ay ka soo iibsato dalal dhowr ah, kadib markii uu xalay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka qaaday Cunaqabateyntii Hubka ee saarneyd.

 

Dowladda Federaalka ayaa xilligan dooneysa inay isku dubarido qeybaha kala duwan ee Ciidamada qalabksa sida, iyadoo dooneysa inay dhisto Ciidamadii Qaranka soomaaliyed.

 

Warar ku dhow dhow Taliska Dowladda ayaa sheegaya in maalmaha soo socda Ciidamo ka tirsan Dowladda tababar la siin doono, isla markaana la qalabeyn doono.

 

Sidoo kale Dowladda Federaalka oo hada aas aastay dhismaha Ciidamada Badda, kadib markii ay ku dhawaaqday Taliyaha Ciidamada Badda oo loo magacaabay Faarax Qarre ayaa la sheegayaa in qalabka ay soo iibsan doonto ay qeyb ka tahay saanada milateri ee Ciidamada Badda.

 

Ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ee Dowlada KMG ee Soomaaliya Ciid Beddel oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in golaha Amaanka Qaramada Midoobey ay Dowladda KMG ka qaaday xayiraadii dhinaca Hubka ahaa ee la saaray Sanadkii 1992-dii.

 

Ciid Beddel waxa uu xusay in ujeedka loogu ogolaaday Dowlada KMG in ay hub keensato ay tahay, xili ay dagaalo kula jirto Xoogaga Mucaaradka, isla markaana ay lama huraan tahay in dowlada hesho Agab milatari dhamaystiran.

 

Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this