Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Golaha Guurtida iyo Saaka

Recommended Posts

Guurtida%201.JPG

 

Hargeysa, (Harowo) - Fadhigii madasha golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta waxa gilgilay bug iyo dagaal gacan ka hadal ku dhawaaday oo qaar ka mid ah Mudanayaasha Gollaha iyo Shir-gudoonka ka dhex dhacay isla markaana gollaha dhexdiisa ku baahay taas oo ay muuqatay in safayn loo kala baxayay mararka qaarkood, bakoorado iyo arimo kalana lagu ladhayay.

 

Arintan ayaaka dhalatay ka dib markii ay subaxnimadii hore ay shir albaabadu u xidhan yahay uu xarunta Golaha Guurtida ku dhex maray Hogaamiyeyaasha Xisbiyada mucaaradka ah iyo ee KULMIYE iyo UCID Mr. Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe Shir-guddoonka Golaha Guurtida ayaa iyaguna ka waramay waxay Xisbiyada mucaaradka ah ka wada hadleen, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre oo golaha uga waramaya waxay ka wada hadleen ayaa hadalkiisa ku bilaabay:

 

"Goluhu saaka oo dhan wuu na sugayey, waad mahadsan tihiin anaguna dee maanu hawl la’ayne hawl uun baanu ku maqnayn oo hadaanu odayaal nahay oo aanu odayaal kale is aragnay oo aanu wada shiraynay in wixii aanu ka wada hadallay wax idiinka sheegnaa waa waajib, intii la is odhan lahaa tolow maxay ka wada shireen.

 

Waxa la inoola shir yimid labada xisbi mucaarad oo ay nagu yidhaahdeen aanu golaha ka hor sheegno waxaanu u socono, anaguna waxaanu ku nidhi anagaa odayaashii ah e anagu aanu golaha u sheegnee noo sheega, waxaanu isla gaadhnay in goortii dambe ay noo sheegaan wixii ay noola socdeen, wax xunna may ahayn.

 

Waxaan ku soo ururinayaa waxay yidhaahdeen xaaladdan imika dalku taagan yahay waxa loo baahan yahay wada tashi dee waxaanu idiinla nimid in aanu wada tashano,anaguna waanu la qaadanay wada tashina cid diidi kartaa ma jirto.

 

Shirkaas oo ay kaga wada hadleen labada dhinac xaalda maanta dalku marayo sidii wada tashi looga yeelan lahaa oo xisbiyada mucaaradku u so jeediyeen shir guddoonka isla markaana uu shir guddoonkuna ku raacay. Wixii ay ka wada hadleen iyaga iyo xisbiyada mucaaradka ahi isla markaana ay madasha horteeda ka akhriyeen magacyada aygudi ay u saareen shir guddoonku xal ka gaadhista arimaha siyaasadeed ee dalka.

 

Markii uu fadhiga goluhu halkaa maryo ayuu mar kaliya jawiga mudanayaashii golaha fadhiyey uu buuq iyo qayli cirka isku shareeray, mudanayaasha ayaa fadhiga kor uga kacay iyaga oo ay qaar ka mid ahi ku doodayeen horta hadalka ha naloo ogolaado, halka qaar kale oo ka mid ah liiska magacyada uu shir guddoonku xaadiriyey ay iyaga oo dhawaaq sare ku qaylinaya ay lahaayeen "Nooga saara magaca gididan xaaranta ah ee aad nagu darsateen."

 

Xidhibaan Aadan shire Sanweyne ayaa isaga oo cadho cirka marsan bakoorad xoog leh kaga sanqadhiyey miiska Xoghaynta Shir guddoonka iyo miisas kaleba isaga oo ku dhawaaqaya "Wallaahi in aan nala af-duubayn" isagoo shir guddoonka toos ula hadlaya, qaar kale ayaa iyaguna ku tiraabayey shir guddoonka golahani wuxuu noqday qaar nin iyo xisbigiisa u shaqeeya, shir guddoonka ayaa waxaas oo qaylo ah iyo hadalkii mudanayaasha inta uu isa dhaga mariyey waxa uu ugu jawaabay "Oo maxaydin samayn kartaan" guddoomiyihii shirku waxaanu iska sii watay hawshiisii isaga oo mudanayaashii ka dalbay in ay cod u qaadaan ansixinta gudidaa uu magacaabay shir guddoonku, isla markaana cod gacan taaga ah ay u qaadeen ku ansixiyeen.

 

Madashii ayaa sidaa ku xidhantay, qaar ka mid ah xildhibaanadii ayaa war baahinta dibada ugu waramay. Xildhibaan Aadan Shire Sanweyne oo ka mid aha xubnihii qaylada la oogsaday isla markaana ahaa xubnihii Bakoorada miiska ku garaacayey ayaa isaga oo saxaafadda u waramaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Waad ogtihiin qoladiinan warbaahintu wixii meesha ka dhacay, balse maantaa ugu horaysa, waxa la qabtay shir aan kooramkiisu buuxin tirade xibnihii kooramku ku furmi lahaa ma joogin.

 

Ta kale Gudida halkan laga magacaabay ujeedo alla ujeedo ay leedahay oo la cadeeyey ma jirto, mudada lama sheegin, gudida rag badan oo ka tirsan ayaa iska casilay waxa ay soo gasheena wax golaha u yaala maaha, xaalada siyaasadeed ee doorashooyinku Komishankay u taallaa, golahani Komishan maaha markaa golahan waxaad moodaa in meel laga oo soo istaadhay oo shir guddoonkiisu galay mid la adeegsado."

 

Xildhibaan C/raxmaan Cabdi X. Faarax ayaa isaguna hadalkiis ku bilaabay "Waad joogteen wixii meesha ka dhacay sida aad idinku u turjumteen maaha, goluhu shir guddoon buu leeyahay, shir guddoon kale oo ka hoos samaysan baa jira oo safar iyo wax walba loo diro waana guddi la soo dirtay waanda aragtaan in gacanta ay xukuumadu kula jirto golahan sida ay Komishankaba ula gashay."

 

Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed ayaa isna hadalkiisa ku bilaabay "Waad ogtihiin qoladiinan Saxaafaddu wixii meesha ka dhacay, gudidan xaaraanta ee la magacaabayna waxay qabanaysaa hawshii Komishanka ee ay xukuumada iyo xisbiga UDUB ka qaadeen, waxaanan idiin sheegayaa guddida nala jiidhsiiyey in la galinayo halkii Komishanka, Guurtidiina maanta waa wada UDUB, Guurti umada u dhexaaa loo baahan yahay waana guddi gaar ah oo la taliyaha Xisbiga UDUB ah.

 

Cawaaqib xumada ka dhalataana waxay ina dhaxalsiin doontaa sidii Kenya iyo Zimbabwe" Xidhibaan Maxamuud Xariir Rooble ayaa isaguna hadalkiis ku daray xidhibaanadaa hore, waxaanu yidhi

 

"Horta golahani waa dhexdhexaad, golahani isagoo tix galinaya duruufaha jira Komishanku doorashooyinka ayey inoo maamulaan go’aankeedana way leeyihiin mudada ay ku qaban karyaana way sheegaan, waxa kordhin la yidhaahdo oo imika halkan la keenayaana ma jirto, waxaanan idiin sheegayaa aanu dhex ka nahay oo aanaan xisbi ahayn, kodhintuna waxay u tallaa Komishanka iyo Xisbiyada."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this