Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: AU Delegation Jets in to Reinforce Mediation

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.Org)- Midowga Afrika ayaa Wefti xog-raadin ah, isla markaana dersi doona khilaafaadka Siyaasadeed ee Somaliland u soo diray dalka, kuwaas oo shalay ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa.

 

Weftigan oo uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Nicolas bwakira, ayaa socdaal ay shalay dalka ku yimaadeen ka dib, dalka ku sugnaan doonta muddo labada maalmood ah. Weftigan oo uu Madaarka Hargeysa ku qaabilay Wasiirka Khaarajiga Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa Ergaygu sheegay in uu la kulmi doono Madaxweyne Rayaale, Xisbiyada Mucaaradka iyo Shirguddoonka labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada. “Waxaan aad u danaynayaa amniga Somaliland ka jira, waxaanay caan ku noqotay xalinta khilaafaad kasta tan iyo markii ay madaxbanaanideeda la soo noqotay. Golayaasha Somaliland-na waxay isugu iman jireen wada-hadal uu hormuud ka yahay Golaha Guurtidu” ayuu yidhi Mr. Nicolas Bwakira oo u waramay Telefishanka Qaranku, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamkuba aad bay u danaynaynayaan Doorashooyinka Somaliland soo qabsatay oo ahaa kuwo si degan u qabsoomay, waxaanan rejaynaynaa in Doorashada Madaxtooyada ku dhacdo xilligii loogu tallogalay.”

 

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa isna sheegay in Weftigani ay kulamo la yeelan doonaan Xukuumadda, Axsaabta, Shirguddoonka labada Gole Baarlamaan iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Waxaanu Weftigan ku tilmaamay inay yihiin kuwo xaqiiqo-raadis ah.

 

Socdaalka ay Weftigan Midowga Afrika dalka ku yimaadeen, ayaa wuxuu ku soo beegmay maalmo ka dib markii ay dalka yimaadeen Wefti ka socda Dawladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda Mr. Tekede Alemu, kuwaas oo wada-hadallo ay la yeesheen dhinacyada Siyaasadda Somaliland ka dib ilaa hadda dalka ku sugan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this