Emperor Posted February 2, 2009 Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland oo la magacaabay Monday, February 2nd, 2009 at 9:30 am Horseed Media Garowe ciidamada_puntlandMadaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa magacaabay taliyaha ciidamada daraawiishta ee Puntland. Qoraalkii lagu magacaabay taliyaha oo nuqul ka mid ah Horseed Media loo soo gudbiyay ayaa lagu sheegay in si kmg ah xilkaasi loogu magacaabay G.Sare Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe). Sida ku xusan qoraalka lagu magacaabay taliyaha waxa uu madaxweynuhu eegay habacsanaanta ka jirta ciidamada daraawiishta, markii uu tixgeliyay talo soo jeedin uga timid madaxweyne ku xigeenka iyo waxgarad iyo siyaasiinta. Waxaa horey xilkaasi u hayay G.Sare C/risaaq Shiikh Cismaan Cali Baadiye oo xilka looga qaaday ka dib markii uu gudan waayay xilkiisa, sida ku xusan qoraalka. Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland waxa uu waday habeynta ciidamada iyo dib u dhiskooda. Waxa uu dhowaan la hadlay ciidamadii dowladda federaalka ee Puntland ka soo jeeday kuwaasoo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Garowe kadib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee federaalka C/laahi Yuusuf Axmed. FINLAND Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 3, 2009 Garowe: Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta oo xilka laga qaaday lana magacaabay Taliye ciidan oo cusub. 2. februar 2009 Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa xilkii Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ka qaaday G.Sare C/risaaq Shiikh Cismaan (Cali Baadiye), waxaana xilkaasi loo magacaabay Taliye ciidan oo cusub. Madaxweyne Faroole ayaa ku eedeeyey Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta mid gudan waayay Waajibaadkiisii shaqo, isla markaasna wuxuu Madaxweyne Faroole xeeriyey amaanka iyo kala dambeynta dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isagoo sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu si toos ah usheegay in Taliyaha cusub uu Si KMG ah shaqada uwadayo. Xil ka qaadista lugu sameeyey G.Sare C/risaaq Shiikh Cismaan (Cali Baadiye) ayaa lugu sheegay in ay ka qeyb ka tahay dibu habeyn balaaran oo dhawaanahaan lugu sameynayay Ciidamada daraawiishta ee dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana lasheegay in ay socota howl balaaran oo dib loogu soo celinayo deegaanada dawlad gobaleedka Puntland. Taliyaha ciidanka Daraawiishta Mudada KMG ah ayaa loo magacaabay G/Sare Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe), waxaana looga fadhiyaa Taliyaha cusub in uu bilaabo shaqadiisa, isla markaasna waxaa lugu amray in uu la shaqeeyo gudiga dibu habeynta ciidamada Puntland. Talaabadan uu qaaday Madaxweynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa lugu sheegay mid horumar keenaysa deegaanada Puntland, waxaana umuuqataa Xukuumada Madaxweyne Faroole in ay xooga saartay arimaha dhanka amaanka ah, maadaama Puntland dhaawanahaan amaan la'aan baahsan ka jirtay. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 3, 2009 Garowe, Feb 02 - M/weyne Faroole oo Col. Siciid Axmed Maxamed 'Shoodhe' u magacaabay taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland. Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Puntland ayaa Col. Siciid Axmed Maxamed 'Shoodhe' loogu magacaabay taliye ciidanka Daraawiishta Puntland, halka taliyihii hore Col. C/risaaq Sh. Cismaan 'Cali Baadiye' xil ka qaadis lagu sameeyey. Col. Shoodhe ayaa ah sarkaal da' yar, khibrad ciidan iyo mid hogaan u leh hawlaha ciidanka, kana tirsanaa ciidanka Daraawiishta tan iyo aasaaskii ciidanka. Sida wareegtada ku cad is-bedalka lagu sameeyey hoggaanka ciidanka Daraawiishta ayaa qayb ka ah is-badel uu sheegay M/weyne Faroole in uu ku samayn doono hoggaanka, shaqada, tayada iyo hannaaka ciidan ee ciidamada Puntland. Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa 2-dii sano ee ugu dabaysay waxaa la soo darsay duruufo isugu dhafan hoggaan xumo iyo daryeel la'aan. Col. Cali Baadiye ayaa ku dhawaad 2 sano hayey xilka taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland oo ka hor uu hayey isla xilkaas Col. C/samad Cali Shire, M/weyne ku xigeenka Puntland ee xilligan, ahaan muddo dheer taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta. M/weyne Faroole ayaa tan iyo intii uu la wareegay hoggaanka Puntland qaaday tallaabooyin uu ku saxayo qaladaadkii hoggaankii isaga ka horeeyey. Waxaan shaki ku jirin in isaga naf ahaantiisu uu la imaan doono qaladaad isaga u gaar ah, walow illaa hadda aanay muuqan wax lagu dhaliilo, aan ka ahayn xukuumada faraha badan ee uu dhisay oo dhaliil badan iyo ammaan labadaba la kulantay. M/weyne Faroole ayaa isla maanta u ambabaxay magaalada Bossaso, isaga oo ku sii hakaday Qardho oo uu ku sugan yahay M/weynihii hore ee Puntland Cadde Muuse. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted February 3, 2009 I like this move, time to redesign Puntland army and create a whole new structure for the dervish forces... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted February 3, 2009 I guess Mr. Shoodhe is from Sool eh? Good move by Faroole. Quote Share this post Link to post Share on other sites