Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sorry ,,,, Anigu Waxba Idiinma Qaban Karo

Recommended Posts

Habeenimadii sabtidii aynu soo dhaafnay ayaa madaxwaynaha dowlada Federaalka ee Somalia uu C/laahi Yuusuf Axmed kulan balaadhan la yeeshay qaar ka mid ah jaaliyada beesha *********** ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya..

 

 

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay jaaliyada beelaha Sool,Sanaag Iyo cayn ee dalka Kenya ayaa waxaa lagaga hadlayey xaalada uu hada ku sugan yahay gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood oo mudo bil laga jooga gacanta ugashay maamulka Somaliland , waxayna jaaliyada Sscayn ee Nairobi usoo gudbiyeen madaxwaynaha Somalia dacwad ka dhan ah masuuliyiinta sare ee Maamulka Puntland , waxayna sidoo kale xubnaha u hadlay jaaliyadu eed dhakada uga tuureen madaxwayne C/laahi yuusuf oo ay ku canaanteen in uusan ka soo bixin kaalintiisii kaga aadanayd fashilkii siyaasaded ee ka dhacay magaalada Laascaanood..

 

Sidoo kale xubnaha jaaliyada *********** ee Nairobi ayaa ku eedeeyey madaxwaynaha Somalia Mudane C/laahi yuusuf in uu isagu ka danbeeyey in Koonfurta Somalia loo raro ciidamadii daraawiishta Puntland ee fadhigoodu ahaa deegaanka Adhi-cadeeye oo 30km dhanka Waqooyi ka xigta laascaanood , taas oo sababtay ayay yidhaahdeen in laascaanood ka baxdo gacanta Puntland..

 

Madaxwayna C/laahi yuusuf oo si degan udhegaysaneyey hadalada jaaliyada *********** oo ay xamaasadi ku dheehnayd ayaa iska fogeeyey dhamaanba eedaymaha ay jaaliyadu usoo jeedisay isagoona xusay in uu wax badan uu isku dayey wax ka qabashada arinta laascaanood balse ay waxwalba ka dhaqaaqi waayeen siyaasiyiinta reer laascaanood, Madaxwayne yuusuf ayaa xusay in uu garoowe u yimid xalinta arimaha laascaanood oo ay ugu waynayd xilka qaadis tii Axmed Cabdi Xaabsade oo uu sheegay in uu ku qanciyey in uu xaabsade xilka wareejiyo,

 

Madaxwayne C/laahi yuusuf ayaa si cad ugu sheegay xubnihii jaaliyada *********** ee kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya in masuuliyada waxii ka dhacay laascaanood ay iyagu beel ahaan iska leeyihiin sababtoo ah ayuu yidhi waxay madaxda reer laascaanood ee Puntland jooga ka gaabiyeen dhisida maamul tayaysan oo dadku kawada raali yahay , madwaxaynaha ayaa cadeeyey in uusan haatan isagu ahayn madaxwaynaha Puntland balse uu yahay madaxwayne qaran sidaasi daraadeed waxa uu qaban karaa ay tahay uun gudi heer qaran ah oo loo saaro arimaha maamul goboleedyada Puntland iyo Somaliland oo uu xusay inay ka mid yihiin dowlada Federaalka ee Somalia ..

 

Ugudanbayntii kulanka madaxwaynaha Somalia iyo jeeliyada beesha *********** ee Kenya oo aan loo ogolayn saxaafada ayaa ku dhamaaday jawi aan hagaagsanayn ka dib markii jaaliyadu ka wayday madaxwayne C/laahi yuusuf ficiladiisii waayadii uu madaxda ka ahaa maamul goboleedka Puntland , walllow uu madaxwayne yuusuf balan qaaday in arinta laascaanood lagu dhamayn doono heer dowlada federaali ah..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this