Sign in to follow this  
B_A_L_L_E_R_Z

PUTUTULAND DEFEATED AND ON THE RUN

Recommended Posts

Horaa loo yidhi "WANKA LA GAWRACO INDHIHIISU CIRKA MAARKAAN" Waxana la filayaa waxa la gaadhay xiligii ay Somaliland WANKA M'AJEERTEENIYA ay gawrici lahayd"

Ciidamada Qaranka Somaliland oo Gacan bir ah ku dhigay Malayshiyada Naflacaaridka ah ee ka amarqaata dagaal Ooge C/Laahi Yuusuf.Sept/23/04

Hargeysa-(HWN)-Dagaal gaadmo ah oo ka dhashay weerar ay Shiftada C/Laahi Yuusuf ee Gobolka Sool soo qaadeen ayaa dhirbaxo wayn lagala hortagay Shiftadaasi caadaysatay in ay dhacaan dadka maatida ah ee degen aagaasi,Ciidanka Qaranka Somaliland ee jiida hore ee Gobolka Sool ayaa ku sugnaa,meesha lagu magacaabo Adhi cadeeye, dagaalkan oo socday mudo lagu qiyaasay ilaa afar saacadood waxaa la isku waydaarsaday rasaasta noocyadeeda kala duwan sidaasna Shiftadii dib ugu noqdeen,Waxaana sababay dagaalkan tiiyoo saaka waabarigii ay Shifto-Sahan ah oo uu leeyahay C/Laahi Yuusuf iyo Ciidanka Somaliland ay isku haleen meel wax yar u jirta Goobta ay degan yihiin Ciidanka Qaranku.

 

530_mila2.jpg

 

Ciidamada Qaranka Somaliland oo heegan u ah Difaaca Dalka

 

 

Warar ay hadhwanaagnews ka heshay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Tirada gaadiidka halkaas ku gubatay ay dhan yihiin laba gaadhi oo uu leeayhay Tuugta C/Laahi Yuusuf ee ******teeniya waxaana halkaas la sheegay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac loo gaystay Shiftadaas sida uu yahay khasaaraha dhabta ee soo gaadhay ayaa warar ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ay tibaaxeen in aanay Ciidankooda waxba ka dhiman laakiin ay gacanta ku hayaan dhawaaca malayshiyada ********** ee C/Laahi Yuusuf islamarkaana ay jiraan Askar laga dilay halkaas.

 

 

Weerarkan naf lacaaridka ah ee isbiimeenta ah ay soo qaadeen Shiftada C/Laahi Yuusuf ayaa la filayay iyadoo ay dhawaan qaar ka mid ah Ciidan beeleed taageersan dagaal Ooge C/Laahi Yuusuf oo sida la sheegay uu soo qaban qaabiyay ninka isku magacaabay Madaxweyne Xigeenka ******teeniya oo markaa ku sugnaa Laascaanood ay jidgoyn isku day dil ah u galeen Taliyaha Ciidanka

Qaranka ee Yagoori iyadoo xiligaas uu Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Janaral Nuux Ismaaciil Taani halkaas ku marayay kormeer laxidhiidha dardar galinta Ciidanka Qaranka Somaliland.

 

Ciidamada Qaranka somaliland ee jiida hore ayaa la sheegay in ay aad u Niyad wanaagsan yihiin inkastoo ay ku xeeran yihiin duruufo kala duwan dhulkaasna ay ka jirto abaar ba,an oo keentay in ay Ciidamadu hoos hadhjsadaan geed aan caleen lahayn,waxaana Ciidankaas oo mudo badan halkaas joogay ay diyaar u yihiin inay difaacaan J.Somaliland Gacan bir ahna kusoo qabta ******yada ******teeniya ee hadhaagii Afweyne ee Naflacaaridka ah.

 

Wararka la isla dhexmaraya Magalada Hargeysa ayaa sheegaya in ay ahayd in ay Ciidama Qaranka J.Somaliland iyagu gacanta ku horeeyaan oo aanay suginba weerar lagu soo gaado iyagoo aan waa bariisan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this