Sign in to follow this  
Jumatatu

Cabdilahi Yusuf :...Dadka Puntland waxaan u sheegayaa ..

Recommended Posts

Jumatatu   

Cabdilahi Yusuf :Muqdisho dadka iska leh waa la yaqaan gorgortana kulama gelayo shanta hogaamiye ee hada heeysta,Dadka Puntland waxaan u sheegayaa in Caasimadnimada Muqdisho aysan Ahayn Aayad Qur'aan ah balse ay tahay mid shaqsiyaad xeer beeg u sameeysteen,hadal uu caawa ka jeediyay Garowe

 

Madaxweynaha Soomaaliya Cabdilahi Yusuf Axmed iyo wafdigii ay hogaaminayeen oo haatan ku sugan Magaalada Garowe ee degaankii uu ka talin jiray Puntland ayaa Caawa aqalka uu halkaas ka degay kula hadlay waxgaradka degaankaas.

Cabdilaahi Yusuf ayaa uga warbixiyay qorshaha socdaalkiisa oo uu ku tilmaamay mid uu ku sahminayay gobolada Puntland iyo kuwa kale ee uu soo maray sida Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

 

Madaxweyne Cabdilahi Yusuf ayaa u sheegay waxgaradka in Muqdisho uusan socdaalkiisa gaarin sababa la xiriiro is faham waa soo kala dhex galay hogaamiyaasha halkaas awooda ku leh iyo isaga balse wuxuu sheegay inuu xamar tagi doono goor aan fogeeyn maadama sida la ogyahay aan naqaan buu yiri dadka Xamar degaan ahaan iska leh qolooyinka ay yahiin.

 

Hadalka Madaxweynaha oo aad u dheeraa marka laga eego Qodabada xamaasada lahaa waxa ugu miisaan cuslaa mar uuyiri'Shanta hogaamiye ee Muqdisho xooga ku heeysato wax gorgortan ah kula geli mayo waxaana tagi doonaa si sharuud la'aan ah marka aan gobolada kale ka soo dhamaano ,, ,, oo ka hergelino maamul goboleedyada,mida kale oo aan rabay inaan idiin sheego waxay tahay buu yiri inaadan ku jahawareerin wararka ay qolooyinka danaha gaarkaa leh ay faafiyeen ee had iyo jeer ku cel celiyaa Muqdisho waa Caasimadii Soomaaliya meel kalana dowlada hadeey tagtaa waa qalad, Caasimadnimada Muqdisho maaha Aayad Qur'aan ah waa xeer beeg ay dad ku heshiiyeen lagana gudbi karo hadii loo baahdo ayuu yiri Madaxweyne Cabdilahi Yusuf

 

Mar uu ka hadlayay aragtidiisa ku aadan Ciidamo shisheeye wuxuu sheegay inuusan codkiisaas ka laaban doonin balse sidoo kalana uu doonayo in dowlad goboleedka Puntland ay siiso ciidamo gaara oo kala qeeybgalo hoowlahaas hubka dhigista iyo sugida amaanka dalka.

 

Madaxweyne Cabdilahi Yusuf wuxuu tibaaxay in Jowhar iyo Beledweyn looga soo dhaweeyay heer Qaran uuna ka heeysto taageero xoogan sidaas darteedna uusan dheg u dhigi doonin carqalada ay wadaan wadaada Mayalka Adag,Ganacsatada Bakaaro iyo Siyaasiyiinta badankooda sida la ogyahay ka ganacsada Daroogada qatarta ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Axmed Muse Nux'Garowe.

 

ahmednuh2004@hotmail.com

 

Waagacusub News Monitering

Share this post


Link to post
Share on other sites

Here is the audio of the speech of HE Abdullahi Yusuf Ahmed...

 

http://www.sbconline.net/waraysi/abdalahyusuf.ram

 

Juma when did he say this

yiri'Shanta hogaamiye ee Muqdisho xooga ku heeysato wax gorgortan ah kula geli mayo waxaana tagi doonaa si sharuud la'aan ah marka aan gobolada kale ka soo

 

Caasimadnimada Muqdisho maaha Aayad Qur'aan ah waa xeer beeg ay dad ku heshiiyeen lagana gudbi karo hadii loo baahdo ayuu yiri Madaxweyne Cabdilahi Yusuf

Puntland ay siiso ciidamo gaara oo kala qeeybgalo hoowlahaas hubka dhigista iyo sugida amaanka dalka

Care to check before you rush spreading lies??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Duke_Valantino:

Care to check before you rush spreading lies??

That is rich coming from you duke. Furthermore Yeey is bold, firm and 'nin-karmeed' and doesnt swave and mince his words, so why are you chickening out now and trying to erase the words of the 'great leader'. Those 'minority rebels' are running for their lives... isnt that the whole intention and goal, to get rid of the obstacles of attaining statehood? Or has there been change of plan Mr.Future Counsellor.

By the way I noticed another group in Nottinghill Gate who have papers for the same position you were appointed Duke. Wonder who is carrying genuine appointments, if ever there is any, you or them?

36_2_53.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this