Sign in to follow this  
Meiji

Xisbi-Islam AlShabab behaving like Ethiopian occupation army in Mahhadey: The Irony

Recommended Posts

Meiji   

Dagaal ka dhacay Mahadaay

21 May 21, 2009 - 2:26:27 PM

 

 

 

Ugu yaraan 6-qof ayaa ku dhintay oo mid ka mid ah uu ahaa rayid dagaal u dhexeeya kooxaha Al-shabaab iyo Maxkamadaha Islaamka oo xalay [May 21] ka dhacay degmada Mahadaay ee Goboolka Sh/dhexe.

 

Dagaalkan oo socday 30-daqiiqo ayaa qarxay markii Maleeshiyo ka tirsan Maxkamadaha ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhiga ay ku sugnaayeen maleeshiyadii dhawaan qabsatay degmadaas.

 

Goobjoogayaal ku sugan Mahadaay ayaa sheegay in kooxaha diriray ay isku adeegsadeen hubka fudud iyo baasuukayaal, ayna xalaadu ahayd mid cabsi leh mudadii uu dagaalku socday.

 

Sarkaal u hadlay Maxkamadaha Islaamka oo sheegtay mas'uuliyada weerarka lagu qaaday Mahadaay ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku qabsadeen gaari dagaal oo uu mucaaradku lahaa ayna dileen askar.

 

"Dagaalka waxaan ku qabsanay gaari uu ku xiran yahay qoriga dhashiikaha, afar ruux oo dulsaarnaana waan dilnay, dhankeena waxaa dagaalkii xalay nooga dhintay hal qof" ayuu yiri sarkaal magaciisa qariyay oo u hadlay Maxkamadaha.

 

Maleeshiyada Maxkamadaha ee weerarka ka dambeeyay ayaa dib ugu laabtay halkii ay kasoo duleen, waxaana saakay ay magaaladu ku waabariisatay xiisad kacsan, iyadoo ay jireen roobab xoogan oo da'ay.

 

Kooxda gacanta ku haysa Mahadaay ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen mid ka mid ah dadka deegaanka, kaasoo aan la garanayn sababta ay u dileen, sidoo kalena saraakiisha mucaaradku waxay ka gaabsadeen inay dilkaas ka hadlaan.

 

Ururada Al-shabaab iyo Xisbul Islam oo degmada Mahadaay oo 23-km dhanka waqooyi ka xigta Jowhar la wareegay habeenkii Isniinta ayaa diiday inay ka hadlaan dagaalkii xalay, waxayna ku tilmaameen mid ku dhacay si gaadmo ah..

 

Dadweynaha degmada qaarkood ayaa bilaabay inay guryahooda ka cararaan iyagoo ka cabsi qaba inay dhacaan dagaalo cusub, waxaana barokaca dadka uu imaanayaa iyadoo ay roobab xoogan socdaan.

 

Iska-horimaadkan ayaa kusoo beegmay iyadoo dowladu ay ku baaqday inay dagaal adag la geli doonto kooxaha mucaaradka ah ee la wareegay todobaadka deegaano ay ka talin jirtay dowlada, sida degmada Jowhar oo ah xarunta Gobolka Sh/dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

What happened in Mahhadey?

 

The Islamic courts conducted a well-prepared hit-and-run guerrilla operation, killed 4 enemies, and gained one tekniko complete with its weapon. After that they returned to the bush.

 

Xisbi Islam and Alshabab in retaliation captured a civilian and executed the person just like the Ethiopians did in Mogadishu after they were dealt a heavy blow as a consequence of a hit and run guerrila operation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this