Sign in to follow this  
Gabbal

Puntland's strategy backfiring in the face of Ghedi's firm stance.

Recommended Posts

Gabbal   

The northeastern view that Puntland is part of Somalia but does not come under TFG control seems to be backfiring in the face of Gheedi's resolute opposition. The disagreement that forced Cadde Muuse to storm out of Mogadishu quietly and temperamentally seems to be rearing its ugly head very publicly.

 

Khilaafka U Dhaxeeya Maamul Gobaleedka Puntland iyo DFKMG OO Sii Kordhayo.

Sep 09,2007

bySeattle-Washington-GNN

 

Waxaa in dhawaalaba khilaaf uu u dhaxeeyay maamulka gobaleedka Puntland iyo DFKMG kasoo sii xogaystay kadib markii Baarlamaanka Soomaliya la horkeenay in laga doodo si loo ansixiyo sharciga wax soosaarka batroolka.Khilaafkaan ayaa waxaa si weyn u bayaanshay madaxweynaha Puntland Gen.cade Muuse oo xalay la hadlay warbaahinta gudaha Soomaaliya isagoo ku sugan Dubia.

 

Wuxuu Gen Cade oo sheegay in Puntland abaal badan u gashay dowlada Federaalka badalkii ay wax wanaag ah ka filayeen in xukuumada Geedi Baarlamaanka horkeentay sharciga wax soo saarka batroolka kaasoo uu sheegay inaysan wax faa`iido ah ugu jirin Puntland.Wuxuu kaloo Gen.cadde Muuse sheegay in sharcigaan uu dhigayo inaysan waxba ka jirin heshiisyadii la galay wixii ka danbeeyay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

 

Dowlada gobaleedka Puntland ayaa laga soo bilaabo 1996 ilaa 2007 heshiisyo dhaqaalo badan kasoo galeen la gashay shirkado badan kuwaasoo aan marnaba ku guulaysan inay shidaal soo saaran.siyaasiyiin iyo aqoonyahano badan ayaa qabo inay sharci darro tahay in gobal soomaaliya ka tirsan iyadoon dowlad jirin ay heshiis la gasho shirkado shisheeya oo aan jirin sharci hagaya.

 

Hadalka Gen.cadde ayaa ku soo beegmayo xilli la doonayo in baarlamaanka la horgeeyo shrciga wa soo saarka batroolka kasoo haddii la ansixiyo dhabar jab weyn ku ah maamul gobaleedka Puntland.

 

 

Xarunta Warqabadka Gedo News Network-Seattle-Washington

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Puntland oo ka digtay sharciga Batroolka ee horyaalka Baarlamanka Somalia

 

Click here to find shabelle news in English

Shabelle airs news in English

Mogadishu 08, Sept. 07 ( Sh.M.Network)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi oo ku sugan magaalada Dubai ayaa ka digay sharciga la horgeynayo Baarlamanka KMG ah oo ku aadan shidaalka dalka Somalia.

 

Madaxweyne Caddee Muuse ayaa waxa uu sheegay in sharcigaasi aanu wax dan ah ugu jirin Puntland, ka dib markii uu yiri ay aqrisatay Puntland nuqul ka mid ah sharcigaasi.

 

Cadde Muuse ayaa waxa uu dhaliilay habka loo qeybsanayo shidaalka, isagoo sheegay in qaabkaasi uu yahay mid aanu waafaqsaneyn Puntland, isla markaana aanu u hogaansami doonin.

 

Waxa uu sheegay in mudadii maamulka Puntland uu jirey ay sameeyeen horumaro dhowr ah, waxaana uu sheegay in aan la aqbali kareyn in la baabi'iyo dhamaan waxyaabihii ay ku talaabsadeen.

 

Hadalka Madaxweynaha Puntland Gen. cadde Muuse ayaa ku soo beegmaya xilli maanta Baarlamanka kMG ah ee SOmalia buuq xoog leh ay ka dhex dhalisay arinta la xiriirta Batroolka oo inta aan la gaarin doodeeda ay xubnaha Baarlamanka buuq Sameeyeen deetana guddoonka Baarlamanka uu soo xirey shirkii Baarlamanka ay lahaayeen.

 

Maamulka Puntland iyo xukuumadda RW Geedi ayaa si weyn ugu kala fikir duwan qaabka loo maareynayo shidaalka laga qodayo dalka Somalia, iyadoo Puntland ay ku adkeysaneyso in ay tahay nidaam gooni ah ayna soo saaraneyso shidaalkeeda, halka xukuumadda KM ah ay dooneyso in la baabi'iyo dhamaan wixii heshiis ahaa ee la galay wixii ka dambeeyay burburkii xukuumaddii Militariga aheyd ee Siyaad Barre sanadkii 1991 dii isla markaana hada la galo heshiisyo hor leh.

 

Click here to find shabelle news in English

 

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

This is really wierd situation. They are claiming to being part of the TFG yet it seems to us that whatever the TFG does applies to them not!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this