Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Gudomiyaha Gobolka Maarib e Dalka Yaman: Waxaanu Diyaar Unahay Inaanu La Walaalowno O

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-11-26 (Hadhwanaagnews) Gobolka Ma´rib waa gobol kamid ah ( 21 gobol) ee uu ukala qeebsamo dalka yaman waana gobol ku caan dheer goobooyin farabadan oo Ataar taariikhi ah o kuyaala waxaana kamid ah ( carsh balqiis) waa qasrigii boqoradii la odhan jirey Balqiisa uu guursaday casw nabi saleebaan waxay kaloo caan kutahay o kuyaala biya-xidheenka weyn (Sad maarib).

waxaa kaleyto uu yahay gobolku mid leh kheyraad dabiici ah waa gobol soo saaro gaasta iyo batroolka oo dhoofintooda iyo iib geentoodu utahay dakhli aad uweyn dalka yaman.

 

14 dagmo ayuu ka kooban yahay gobolkan waxaa jirtey dagmooyinkaa mid kamid ah waa dagmada (Algaraamiish) in taariikhdu markay ahayd (6-4-2007) waxaa booqasho kuyimid dalka yaman madaxweyne Daahir rayaale kaahinwaxa ay codsadeen cuqaasha iyo waxgaradka iyo dhamaan xildhibaanada dowlada hoose ee dagmadaasi iney lakulmaan madaxweynaha jamhuuriyada somaliland iyagoo usida hadyad ay kusoo qoreen dusheeda ireyadatan( Waa hadyad kasocota Dagmada Algaraamiish e Gobolka Maarib´Kuna Socota Madaxweynaha Dlka Somaliland).

 

sida uu sheegey Duqa dagmada mudane( Maxamed Saalax Alsaqaaf) isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri ( aniga oo ah duqa dagmada matalanadadweynaha kunool waxaan u aragnaa iney somaliland tahay dal madax banan xaqna uleh shicibkeedu inuu qariro masiirkiisa waajibna kutahay dowladaha caalamka iney kutaageeraan nabadd galyada iyo dimuqraadiyada ay gaareen).

 

waxaa kaleeto uu sheegey gudoomiyaha dagmada algaraamiish maxamed saalax alsaqaaf Arin Taariikhi ah isgoo sii wata hadalkiisii waxa uu yidhi ( Dad badan ayaa isweydiiyey hadey yihiin yamani iyo somaliba halkaanu ku baranay amase ku aragnay somaliland waxaanan! leeyaha y aniga iyo dadweynaha dagmadeena waxaanu niqiin dhulkaasi intii la odhan jirey waqooyi galbeed 1984 waxaana dadka somalilanderka najecleysiiyey o nabaray Nin Dhakhtar ah oo aanu saaxiibo nahay ninkaasi waxaa layidhaahdaa ( Dr maxamed warsame Guuleed ) Dr hilib) waxaanu gaarnay heer heer ah inaanu 1987-1988 u aruurino deeq kaalma ah aanu ufidiney jabhadii la odhan jirey ( SNM) e ay lahaayeen beelaha daga somaliland haatan.anagoo ku kaalmeyney Dakhtarkaa nala dariska ahaa ee degaanadeena joogey ninkaasoo hawla aad umuhiim ahaa uqabtay shicibka kunool dagmadeena .

waxaa Dhacday in labadaley xeerkii dowladdaha hoose ee yaman halkii markii hore ay dowlada dhexe soo magacaabi jirtey Gudoomiyayaasha gobolada laga dhigay 10-4-2008 in lasoo doorto gudoomiya-yaasha gobolada dalka oo dhan nasiib wanaag waxaa ku guuleestay 1-5-2008 inuu gudoomiyaha noqdo gobolka maarib Nin kamid ah ( Kooxda Saaxiibada Reer Somaliland e dalka yaman) waa Janaraal ( Naaji Cali Alzaaķdii) waxaana dhambaal Tahniyadeed udirey saaxiibkii Dr maxamed warsame (Dr hilib) isagoo kasidana gudoomiyaha cusub ee haatan fariin uu yidhi iga gaarsii shicibka iyo xakuumadda somaliland fariintaas uu si xarfiyan ah ugu codsanayo isagoo leh( waxaan udiyaar ahay in aanu layeelano gobolada dalka somaliland xidhiidh saaxiibtinimo lana walaalownana.

 

Warbixin Kooban oo kusaabsan Gobolka Maarib:

1. laba boqol iyo konton kun( 250) waa tirada dadweynaha daga gobolka

2. sadex (3) xildhibaan ayaa kaga jira barlamaanka

3. Afar ( 4) xildhibaan oo uu madaxweynuhu magacaabo ayaa kaga jira golaha duqeyda e layidhaahdo ´golaha talabixinta´oo ah aqalka labaad ee baarlamaanka .

4. waxaa kunool gobolka amaba udhashay odayaal cariga yamanta dhexdiisa ka caan ah waxaana kamid ah Ragii dhaliyey Towradii ay xoriyadda kuqaateen waqooyiga yaman 1962 waxaa kamid ah odayaashaasi ( Algardacii) waa halyeygii diley boqorkii katalinjirey waqooyiga yaman ee magaciisa la odhan jirey ( Al-imaam Axmed bin yaxyaa) markey taariikhdu ahayd 1958

iyo walibana shakhsiyaad kaleeto iyo reerahoogaba sida reer ( Alzaaidi) reer ( alciraadah) reer (alkuclaan) reer ( diyaab)

reer ( bin nimraan) iyo reer ( Abuu luxuum).

5.Xubno Sarsare o kujira haatan Golaha Fulinta E xisbiga Talada Dalka haya ( Almutamar Alshacbi Alcaam) Golaha guud ee shicibka.

 

Golaha Saaxiibada Reer Somaliland e Dalka Yaman Waxaa Asaasay o Hurmuudna u Ah

Dr Maxamed Warsame Guuleed ( Dr hilib)

 

 

Guuleed Maxamed Warsame

Faculty Share´a And Law universaty Sana´a Yaman

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this