Sign in to follow this  
Jacaylbaro

5 Million Dollars to Kill Ayrow

Recommended Posts

Dawladda Maraykanka oo intii hore ka gaabsatay in ay ka hadasho dilka Aadan Ceyrow iyada oo xaqiijinaysay dhimashadiisa ama ka cabsi qabta in uu beenoobo warkaas, sidii ku dhacday oo kale horaantii 2007-kii oo ay shaacisay in ay dileen Aadan Ceyrow.

 

Maraykanka ayaa soo bandhigtay qaabkii loo dilay iyo kharashkii ku baxay weerarkii Dhuusamareeb. kharashkan ayaa ka kooban laba qaybood oo kala ah $3 Million oo laanta FBI-du ay mar hore ku baayacday madaxa Aadan Ceyrow oo loogu tala galay in la siiyo qofkii soo gacan galiya ama soo fududeeya dilkiisa iyo qaybta labaad oo ah kharashka ku baxay gantaalaha lagu weeraray gurigiisa.

 

Lama oga wali cidda ku guulaysatay $3-da Million ee lagu basaasay ama lagu soo jaajuusay Marxuun Ceyrow, waxaase la shaaciyay qarashka ku baxay 4-ta gantaal ee ah nooca loo yaqaan (Tomahawk Cruise Missiles) oo ku dhacay gurisiisa. Xafiiska Pentagon ka ayaa sheegay in afartan gantaal laga soo tuuray markab taagan badweynta Hindiya, waxaana hagayey gantaalahaa qalabka GPS (Global Positioning System)oo ah aalad yar oo la hor dhigay guriga Aadan Ceyrow, aaladaas oo la shaqaysa Satellite-ka kadibna qalabka Markabkaas u gudbisay halka uu ku yaalo guriga la duqeeyay.

 

 

 

Qiimaha gantaalaha Tomahawk.

 

 

Halkii gantaal: $600,000 x 4 = $2,400,000

Shirkada samaysay: Raytheon/McDonnell Douglas

Culayska halkii gantaal: 1440kg

Dhererka halkii gantaal: 5.56m

Dhererka baalasha uu ku duulo: 2.67M

Dhumucda gantaalka: 0.52M

Fogaanta uu gaadhi karo: 2500 km

Xawaaraha orodka gantalka: 800km/Hour

Mashiinka saaran gantaalkiiba: F107-WR-402 Turbofan

Shidaalka Matoorka: TH-dimer fuel

Qalabka haga gantaalka: GPS, TERCOM, DSMAC

 

Isku darka qiimaha afarta gantaal ayaa ah $2.4 Million waxana raacaya kharash $100,000 oo ah kharashaadka shidaalka markabka iyo shaqaalaha soo riday. Marka lagu daro lacagta abaalmarinta baasaasidda oo ah $3 Million, isku darka kharashka lagu dilay Aadan Ceyrow wuxu gaadhayaa $5,500,000 (Shan milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this