Sign in to follow this  
Umal-Zamzam

Ku Sallinta Nabiga SCW waxay ka mid tahay cibaadoynka kuwa uugu fadliga badan SCW

Recommended Posts

Ku Sallinta Nabiga SCW waxay ka mid tahay cibaadoynka kuwa uugu fadliga badan SCW

 

Alxamdullah rabbil caalamiin wassalaatu wassalaamu calaa rasuulillah scw: Ku Sallinta Nabiga SCW waxay ka mid tahay cibaadoynka kuwa uugu fadliga badan, uguna qiima badan, loona baahanyahay qofka muslimka ah inuu badsado kuna dadaalo. Waxaa is weydiin mudan: Maxaa laga wadaa ku sallinta Nabiga SCW? Sideen ugu sallinnaa Nabiga SCW! Waxaa Nabiga SCW laga soo wariyey markii la weydiiyey sideen kuugu sallinaa wuxuu ku jawaabay: Waxaad dhahdaan: "Allahumma salli calaa Muxammad wa calaa aali Muxammed kamaa salleyta calaa Ibraahiima *****aa aali Ibraahima innaka xamiidun majiid wa baarik calaa Muxammad *****aa aali Muxammad kamaa baarakta calaa Ibraahiima *****aa aali Ibraamiina fil caalamiin innaka xamiidun majiid" (Buqaari iyo Muslim) Qaar ka mid waqtiyaasha soo aroorey in lagu salliyo Nabiga SCW: Tashahudka Salaadda uugu dambeeyo Salaadda janaazada rakcadeeda labaad Muxaadarooyinka iyo khutboynka, sida khutbada jimcada iyo khubada roobdoonka. Aadaanka kadib Markii la galaayo masjidka iyo markii laga soo baxaayo Markii dad meel iskula kulmaan intii kacin kahor, sida shirka oo kale Markii la bilaabaayo ducada Markii qabriqiisa (SCW) la ziyaaranaayo Maalinta jimcada Fadliga iyo Miraha laga helaayo ku Sallinta Nabiga (SCW): 1. Waxaa la fulinaayaa amarka Allah SWT oo Quraanka nagu amray in aan ku sallino Nabigiisa (Nnkh). 2. Qofkii ku salliyo Nabiga (SCW) hal mar Allah SWT ayaa ku sallinayo 10 mar siduu Nabigu (SCW) xadiis saxiix ah noogu sheegay. 3. Waxaa loo qoraayaa qofkaas 10 ajir lagana tirayaa 10 dambi siduu Nabigu (SCW) xadiis saxiix noogu sheegay. 4. Qofkii ku salliyo Nabiga (SCW) Alle ayaa hammigiisa kafaalo qaadayo. 5. Waxay ku Sallinta Nabiga SCW calaamad u tahay jacaylkiisa. ALLAH swt hana waafajiyo inaanu badino ku saallinta Nabigeena SCW. Wassalalaahu Calaa Nabiyinaa Muxamed *****aa Aalihii Wasaxbihii Wasalam

 

CIYAALKA TUULADA....CIYAAL XAMAR JADIID facebook

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Baarkallahu Feeki ukhti Um Zamzam

 

Waxaa noogu filan waano, inaan xusno Rasuulkeenna, inuu Allah asaga iska bilaabay, ku xijiyaya Malaa'ikta, dabadeedna annaga na faray inaan ku sallinno Nabigeenna Muxammad Salla Allahu Caleyhi Wa Sallim.

 

Allahumma Salli Calaa Sayyidinaa Muxammad Wa Calaa Aali Sayyidinaa Muxammad, Kamaa Sallayta Calaa Ibraahima wa calaa Aali Ibraahim.

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this