Sign in to follow this  
Liqaye

State funeral for massacred disabled veterans.

Recommended Posts

Liqaye   

Waxaa goor dhoweyd oo barqanimadii maanta ah soo dhamaaday aas heer Qaran ah oo loo sameeyey qaar ka mid ah naafadii xoogga dalka Soomaaliyeed oo xalay ku geeriyooday madfac ku soo dhacay isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, iyadoo aaskaasina ay ka qeyb galeen mas’uulyiin sare oo ka tirsan Dowlada Somalia iyo dadweyne aaad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho.

Meydadka curyaamiintan la aasay oo tiradoodu gaareysay illaa 9 ruux ayaa laga qaaday Isbitaalka Martiini iyadoo naxashyo kala duwan lagu sidoo, waxaana gawaari lagu gaarsiiyey qabuure ku yaala agagaarka dugsiga sare ee Booliska (iskoolo Bulusiyo) oo ku yaala degmada X/jajab ee gobolka Banaadir halkaasoo ugu dambeyntii lagu aasay dhamaantood, waxaana dadka ka qeyb galay aaska wejiyadooda ka muuqatay murugo iyo tiiraanyo aad u fara badan iyadoo qaarkoodna ay ilmadu ka qubaneysay.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliyed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb gashay aaskaasi ayaa goobta ka hadlay aaska ka dib waxaana Jen. Qeybdiid uu sheegay in maanta ay tahay maalin madow oo nasiib daro ah lana aasayo qaar ka mid a curyaamiintii XDS ee u soo naafoobay difaaca dalka diinta iyo dalka Soomaliyeed, isagoo ku eedeeyey iney sidaa u galeen kuwo uu ku sifeeyey inaaney garaneynin qiimaha ay leedahay nafta bani aadamka, isagoo tacsi u diray dadkii ku dhintay masiibadaas.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay in baroordiiq 3 cisho ah ay sameyn doonaan dadkaasi geeriyooday ayna fasaxeen shaqaalihii Dowladda hoose, isagoo shacabka Soomaaliyed ugu baaqay iney gurmad u fidiyaan dadkii dhaawacmay iyo qoysaskii ay ka tageen kuwa geeriyooday ee xalay madfacu uu kula dhacay Isbitaalka Martiini xili ay saf ugu jireen afur sadaqo ah oo halkaasi loogu sameynayey.

 

aas4.jpg

aas2.jpg

aas6.jpg

aas9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Halyeydaas saan ayaa loogu abaalguday? If it wasn't enough in korkooda lagu kor dagaalamo in the last 18 years, iyagoo waliba kusoo naafoobay dalkooda u halgankiisa, haddana saanaa loogu daray.

 

Eebboow u wada naxariiso dhamaantood -- aamiin, aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this