Sign in to follow this  
General Duke

New members of cabinet sworn in..

Recommended Posts

BAYDHABO: Xaflad lagu dhaarinayo wasiirrada cusub ee Dowladda oo maanta ka dhacaysa Baydhabo

Posted to the Web Feb 08, 07:16

 

 

Baydhabo (PP) – Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay lagu qabto xaflad lagu dhaarinayo wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaare Geeddi uu magacaabay habeen hore.

 

 

 

Wasiirrada la dhaarinayo ayaa waxay isugu jiraan kuwo isku shaandheyn lagu sameeyay xilalkii ay hayeen iyo kuwo cusub oo lagu soo daray golaha wasiirrada, balse aan horay uga mid ahayn golaha wasiirrada.

 

 

 

Xafladda lagu dhaarinayo wasiirradaan ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo xubno kale oo fara badan.

 

 

 

Wasiirrada la isku shaandheeyay jagooyinkoooda iyo kuwa cusub ee lagu soo daray golaha wasiirrada ayaa waxay kala yihiin magacyadooda sidan:

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Maxamud Guuleed Gacmadheere.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Eng. Xuseen Max’ed Ceydiid.

Wasiirka Hiddaha iyo tacliinta sare, Salim Caliyow Ibroow

Wasiirka Warfaafinta, Madoobe Nuunow Maxamed

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Cali Axmed Jaamac Jangali

Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)

Wasiirka Macdanta iyo Biyah,a Maxamed Nuuraani Bakar

Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka, Xasan Dhinbil Warsame

Wasiirradda Caafimaadka, Qamar Aadan Cali

Wasiirka Dib u dhiska C/raxmaan Jaamac

Marka xafladda dhaarta ah ay dhammaato kadib ayaa waxaa xafaladda ka hadli doona Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaarihiisa Prof. Cali Maxamed Geeddi oo hadal dardaaran ah u jeedin doona xubnaha wasiirrada ah ee cusub.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this