Sign in to follow this  
General Duke

MP Loxos we will defend the Juba's from the invading groups.

Recommended Posts

Nairobi:Guddoomiyaha SPM/SRRC oo sheegay inaanay hadda ka dib gacmaha ka laabanayn weerarada gardarooyinka ah ee lagu hayo deegaanka Jubbooyinka

- Tuesday, September 21, 2004 at 15:11

 

Nairobi(Allpuntland)-Guddoomiyaha Ururka SPM/SRRC Xildhibaan Axmed Maxamed Loxos(Mashruuc) oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa maanta sheegay inaysan hadda ka dib gacmaha ka laaban doonin dhibaatada iyo weerarada lagu hayo dadka deegaanka Jubbooyinka.

 

Axmed Loxos oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa isaga oo u waramayey idaacadda IQRA F.M ee ku taal magaalada Nairobi waxa uu maanta sheegay in deegaanka Jubbooyinka ee Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose lagu soo qaaday weeraro ay geysteen dad ka yimid Muqdisho,Bay iyo Bakool iyo meelo ka fog fog ,iyagoo kula kacay xasuuq,dhac iyo barakicin loo geystey dadka deegaanka ku nool.

 

Xildhibaan Axmed Mashruuc ayaa waxa uu ku tilmaamay wax aad loola yaabo in dad ka tirsan xildhibaanada oo u dhaartay inay ummadda Soomaaliyeed danteeda ka shaqeeyaan oo Soomaalidu u siman tahay inay haddana dagaallo ka hurinayaan dalka gudihiisa.

 

Guddoomiyaha SPM/SRRC oo ka jawaabayey su'aal la weydiiyey oo ahayd in dhibaatadaan loo aanayn karo dhaqdhaqaaqa Milleteri ee ciidammada SPMta ee Morgan hoggaaminayey ,taasina ay sabab u noqon kartey dhibaatada loo geystey dadka shacabka ah ,ayaa waxa uu taas kaga jawaabey Gen.Morgan waxa uu ka tirsan yahay SPMta ,laakiin ma jirin qorshe la isku ogaa oo dagaal in lagu qaado meelna ahayd,waxaanse idiin caddaynayaa Morgan Ciidammadiisu waa ciidammadii deegaanka isagoo ka soo wareejiyey gobollada Bay iyo Bakool waxana uu u socdey sida uu marar badan sheegay deegaankiisii mana jirin wax dagaal ah oo uu Kismaayo ku qaaday isaga ayaa la soo weeraray weliba isagoo leh shirka ayaan tegayaa,taasina meesha kuma jirin.

 

Axmed Loxos ayaa waxa uu caddeeyey in maleeshiyoyin raacsan Xaabsade ay hadda dul joogaan degmada Bu'aale ,isagoo intaa ku daray inaanay mar danbe gacmaha laaban doonin ee ay dadkooda iyo deegaankooda difaacayaan ,halkaanna(Nairobi) aysan iska fadhiyayn ,isagoo uga digey cid kasta oo arrimaha dagaalladaas ku lug leh inay faraha kala baxaan haddii kalana ay cid kasta oo dhiig u hammuun qabta ka jawaabi doonaan falalkooda oo ay difaaca dalkooda iyo dadkooda waajib ku tahay.

 

Isagoo ka hadlaya inay arrintaas wax xiriir ah kala sameeyeen bulshada caalamka iyo urur goboleedka IGAD ayuu tilmaamay inay arrimahaas la socodsiiyeen ayna ka warsugayaan tallaabada ay ka qaadaan dadka deegaanno aysan lahayn ku soo duuley ,annaga oo u fadhina buu yiri nabad Soomaaliyeed iyo sidii dalka dawlad loogu dhisi lahaa.

 

Arrimaha dadka deegaanka dhammaantood kiciyey oo isugu jira odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta iyo weliba saraakiisha SPMta oo maalmahaan si isdaba joog ah u soo saarayey hadallo colaad huwan ayaa waxay ka danbeysey dhibaatooyinkii ay dhowaan geysteen kooxo maleeshiyooyin ah oo sida la sheegay kala raacsan Yuusuf Indhacadde,Muuse Suudi,C/Qaasim,Xasan Turki,Xasan Daahir Aweys iyo Barre Hiiraale kuwaasoo falal isugu jirey dil,dhac iyo gubitaan hantiyeed ka geystey degmada Dhoobley oo ay qabsadeen intaan dib looga saarin 7aadkii hore.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this