Sign in to follow this  
Flamboyantressurected

Day2-Ucid in Hargeisa

Recommended Posts

Hargeysa:-(Berberanews)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa maalintii labaad isu-soo-baxyo la yaab leh oo waa weyn, oo la xidhiidha ololaha doorashada ka sameeyey caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Ucid_1.jpg

 

Kumanaan ka tirsan Taageerayaasha xisbiga UCID oo ay horkacayaan masuuliyiinta sar-sare ee xisbiga, ayaa subaxnimadii hore isugu yimi fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay taageerayaasha khudbad uga jeediyeen.

 

Ucid_2.jpg

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi [Ciro] oo ka mid ahaa asaasayaashii xisbiga UCID, oo halkaas kala hadlay teerayaasha xisbiga ayaa si weyn uga mahad-celiyey sida xushmada leh ee ay isu soo abaabuleen, isla markaana ay heeganka ugu yihiin muujinta taageerada ay u hayaan xisbiga UCID.

 

news.php?readmore=583

 

Gudoomiye Cirro oo halkaas ka jeediyey khubad dhibancyo badan taabanaysa, isaga oo shacabka Somaliland kula dardaarmay talooyinkan “Shacabka reer Somaliland waxa uu maanta haystaa fursad qaali ah oo soo marta shantii sanaba hal mar, taas oo ah doorashada hogaamiyahooda ama Madaxweynahooda. Fursadaas hadii ay il-duufaan waxa laga yaabaa shanta sano ee soo socda inay ka dhamaystaan calaacal. Waxaa looga baahan yahay shacabka reer Somaliland inay u hubsadaan codkooda cidda ay siyaa.”

 

Mar uu sharaxaad ka bixinayey astaamaha madaxweynaha loo baahan yahay in la doorto, waxa uu yidhi “Maxaweynaha shacabka reer Somaliland dooranayaan waa inuu yeeshaan sifooyinkan; Waa inuu noqdo mid ku dhaqma shuruucda, dastuurka iyo xeerarka ay Ummadu ku heshiisay, waa inaanu noqon mid ku tunta sida hadda dhacda. Sida uu dastuurku farayo Madaxweynaha aynu dooranayo waa in baraamijkiisu cad yahay una sheegaa shacbigiisa iyo Golayaasha xeer-dejinta si looga aqbalo oo aanu ku maamulin had-ba sida uu jecel yahay. Waa inuu noqdo mid heshiisyada uu soo galo Golayaasha sharci-dejinta horkeenaa, oo aanu noqon mid heshiisyada ku soo saxeexda meelo mugdiya sid hadda dhacda. Waa inuu noqdaa mid madax-bannaaneeya gamacsiga sida uu dastuurku farayo oo aanu kooto ugu xidhin shakhsiyaad uu dano-gaar ah ka leeyahay.”

 

Ucid_3.jpg

 

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Madaxweynaha aynu doonaynayaa waa inuu ku dhaqmaa shuruucda maaliyada ee waddanka, dhamaan dakhliga soo gala waa inuu ku xaroodaa qasnada dawla, waxa aynu ognahay in lacagayaw badani oo soo xaroodaa inay toos ugu xaroodaan qasriga madaxtooyada. Waa inuu noqdo mid la dagaalama musuqmaasuqa oo aanu isagu dhiiri-gelin. Waa inuu noqdo mid madaxbannaaneeya waaxda Garsoorka oo aanu isagu odhan ‘hebel-na shan sano ku xukun....hebel kalena toban sano ku xukun. Madaxweynaha aynu dooranaynaa waa inuu noqdo mid madax-bannaaneeya waaxda sharci-dejinta, madaxweynaha imika joogaa [Daahir Rayaale] marka uu doonana isaga ayaa ah Gudoomiyaha guurtida marka oo doonana isaga ayaa ah ka Wakiilada. ”

 

 

Gudoomiyuhu waxa uu iftiimiyey in musharaxa intaas oo amuurood buuxiyey inuu yahay Gudoomiyayaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, isaga oo shacabka reer Somaliland ka codsaday inay codkooda siiyaan xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay inuu yahay ka badbaada u ah Somaliland.

 

Ucid_4.jpg

 

Waxa kale oo uu ugu baaqay taageerashaa xisbiga talada haya ee UDUB ina isu soo dhiibaan xisbiga UCID, “Walaalayaal waxaan diin sheegi doonaa qiso dhacday taariikhdii dhawayd ee aynu noolayn. Waxaad ka war-qabtaan berigii keligii taliyihii Maxamed Siyaad Bare uu dalka ka cararay iyo qasrigii uu degenaa, iyada oo ay boqol Taangi dhex-yaalaan, ayaa siyaasi reer Somaliland ah oo noqday Raysal Wasaare oo ah ruug-caddaa siyaasi ah ‘muddane Cumar Carte Qaalib,’ waxa uu ka hadlay Radio Muqdisho, waxa uu yidhi ‘Ciidamada dawlada Soomaliya mid waliba ha isu dhiibo ciidamada SNM ee ugu dhaw.’Hadaba, aniguna waxa aan maanta u soo jeedinayaa Taareerayaasha xisbiga UBUD inay isu dhiibaan xafiiska UCID ee ugu dhaw.”

 

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Xoghayaha Arrrimaha Gudaha ee xisbiga UCIDMaxamed Ibraahim oo ay hadaladiisii ka mid ahaayeen “Waxaan idiin sheegayaa in masiirkii iyo mustaqbalkii Somaliland inuu maanta gacmaha shacabka Somaliland dul saaran yahay, ilaa 1960-kii Ummada reer Somaliland kolka god ayaa laga qaniinayey, maanta waxa aad jaanis u hesheen inuu ilaahay gacantiina soo geliyo, oo aad idinku doorataan ka idiin wanaagsan kana tagtaan ka idiin daran.”

 

Waxaaana uu teerayaasha xisbiga UCID ku boogaadiyey oo uu yidhi “Waxaan diin sheegayaa haddii aanu nahay UCID, annagu waanu is xujaynay, idinkana waanu idin xujaynay. Annagu waanu is xujaynayoo oo waxa aanu nidhi Kitaabka ilaahay ayaanu dalka ku xukumaynaa, haddii aanu ka soo bixi wayno xujo ayay nagu noqonaysaa. Dadweynaha Somailand waanu xujaynay, oo haddii aad ka baydhaan kitaabkaas ilaahay xujumadaasi idinka ayay dusha dinka fuulaysaa. Waxaa inoo ballan ah 26-ka June inaad xisbiga UCID u codaysaan.”

 

Gudoomiyaha Ololaha doorashada ee Gobolka Maroodi-jeex Mr Jiir oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi “Waxaanu idiin haynaa Madaxweyne Islaam ah, oo mabdaadi’iisa ugu wayni tahay ‘haddii aanu dalka iyo dadka toona khayr u lahayn inaanu Ilaahay siin.’ Alle ka cabsi halka uu ka gaadhay khasab iyo xoog toona kuma doonayo doorasho, si kasta oo uu doono kuma doonayo, ee doorashada waxa uu kudoonayaa haddii uu khayar idiin leeyahay in ilaahay kursiga ku guuleeyo haddii aanu idiin lahayn-na inaanu ku fadhiisan, waana Eng. Faysal Cali Waraabe.”

 

Xoghayaha maamulka iyo qorshaynta ee xisbiga UCID Maxamed Xasan Dirir, isla markaana ah gudoomiyaha ololaha ee dhalinyarta, oo isaguna halkaad ka hadlay ayaa yidhi “Ma doonaysaan inaad ka qayb-gashaan talada dalkiina, ma doonaysaan inaad ka talisaan aayaha dalkiina, ma doonaysaan inaynu Odoyaasha hoosta iska marino, haddii jawaabtiinu ahaa tahay u codeeya xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID.”

 

Waxa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi “Xisbiga KULMIYE idiin muu siin dhalinyaro ku jirta Golaha fulinta, UDUB-na hadalkeeda daa, laakiin xisbiga UCID shan dhalinaro ah ayaa Golihiisa fulinta ku jira. Berina haddii aanu talada ku guulaysano waxaanu idiin ballan-qaadaynayaa inaanu shan wasiir idiin siino.”

 

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiin iyo xubno ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Yuusuf Maxamuud oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Hargeysa, Xogayaha arrimaha bulshada ee xisbiga UCID C/naasir Yuusuf Cismaan iyo Hoodo Cabdiraxmaan Yuusuf oo ka mid ah hablaha firfircoon ee xisbiga UCID, oo dhaamtood hoosta ka xariiqay in xisbiga UCID ku sifoobay badbaadiyada Somaliland, iyaga oo tibaaxay in xisbiga UCID geel-dheer iyo mid gaaban-ba u fuulayso sidii ay Somaliland u horumarin lahayd.

 

Link:

http://www.berberanews.com/news.php?readmore=583

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this