Sign in to follow this  
Ahmed_Guree

Dawlada Qabiliga oo si bareer ah rasaas ugu furay haween dibad bax ka dhigayay mag

Recommended Posts

Calooshood u shaqeystayaasha u adeega nidaamka Tikreega ayaa si bareer ah rasaas nool nool ugu furay haween dibad baxyo ka sameynayay magaalada Kismaayo kuwaasoo ka cabanayay xarig lagu la kacay haween kale oo aaney jirin wax danbiyo ah oo ay gaysteen ayadoo lagu soo warramayoi in tacshiiradii la huwiyay haweenka ugu yaraan 2 haween ah ay ku dhaawacantay ayadoo midkood laga deyrinayo xaaladeeda caafimaad .

 

Falkan cadowtooyada ah oo ay fuliyeen maleeshiyaadka u shaqeeya C/llaahi Yuusuf ayaa ka dhacay xaafada Aargada ee magaalada Kismaayo halkaasoo haweenka ku dhaqan ay ku guuleysteen in ay xiraan wadada kadib markii maleeshiyaadkaasi ay si gardarro ah u qafaasheen haween ku dhaqan xaafadaasi oo aaney jirin wax danbiyo ah oo ay galeen taasoo ka careysiisay haweenka iyo caruurta.

 

Mid ka mid ah haweenkii ka qeyb galay dibad baxaasi rabshadaha watay ayaa u sheegay idaacadaha Muqdisho in maleeshiyaadka C/llaahi Yuusuf oo wata gaadiidka dagaalka in ay isku dayeen in ay xoog ku furaan wadadaasi ayagoo dadka ku soo furaya rasaasta noocyadeeda kala duwan balse waxa ay xustay in ay difaacdeen xaafadooda isla markaana ay eryeen maleeshiyaad beeleedyadii soo weeraray taasoo keentay in 2 haween ay kaga dhaawacanto mudadii halganka ay ku jireen.

 

Haweeneydaasi ayaa intaa ku daray in weli wadadaasi ay u xiran tahay isla markaana aaney furi doonin ilaa iyo inta laga sii deynayo haweenka laga qafaashay xaafadahooda isla markaana xoriyadooda dib loogu soo celiyo ayagoo wacad ku marayay haddii ay mar kale weerar kale ku soo qaadaan in khasaare lixaad leh ay kala hoyan doonaan xaafada Aargada.

 

Dulimigan lagu la kacay dadka reer Kismaayo ayaa qeyb ka ah dhibaatada guud ahaan lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee la qabsaday dhulkiisa iyo hantidiisa ayadoo falalka ceynkan oo kale ay caadi ka ahaayeen dalka tan iyo markii cadawga uu qabsaday ciida Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this