Sign in to follow this  
General Duke

Italy Minister in Jowhar appoints its ambasador to Somalia PICTURES

Recommended Posts

A great day for the Somali government. While the events in Yemen are important we also must not forget the other story the continuing international support for the TFG..

 

Wafdi uu hogaaminayo Sen. Alfredo Mantica oo ah Wasir ku xigeenka arimaha dibeda dalka Talyaaniga ayaa maanta barqadii kasoo degay dalka Somalia Xaruntiisa Kmg ah ee magaalada Jowhar.

 

Wafdigani ujeedadiisa oo aan ka wareeysanay wasiir ku xigeenka warfaafinta Md. Salaad Cali Jeele ayaa waxa uu tibaaxay in ay ku saabsan tahay sidii dowlada Talyaaniga ay gacan ugu gaysan lahayd dib u dhiska dalka iyo guud ahaan arimaha dib u heshiisiinta.

 

Wafdiga ayaa salaan ugu tagay guriga uu degan yahay Ra’iisul wasaaraha XFKMG ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi halkaasoo quraac loogu sameeyey.

 

Sen. Alfredo iyo wafdigiisa ayaa kulan albaabada u xiran yihiin la qaatay Prof. Cali Maxamed Geedi iyo xubno ka tirsan xukuumadiisa isla markaana lagu wado saacadaha soo socda in shir jaraa’id ay qaban doonaan.

 

Wafiga talyaaniga ayaa waxaa ka mid ahaa;

 

Sen. Alfredo Mantica oo W/xigeenka arimaha dibada Dowlada Talyaaniga.

Sen. Mario Raffaelli wakiilka gaarka ee arimaha Somalia

Stefano A. Dejak K/xigeenka Ergada dowlada Talyaaniga ee Somalia.

Amb. Francesco Lanata Madaxa ergada diblomaasiyada Talyaaniga ee Somalia.

Fabrizio Pignatelli Madaxa Geeska Afrika ee wasaarada arimaha dibeda.

Massimo Alberizzi wariye

Marina Rini wariye.

Wafdigani ayaa waxaa la socday wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Prof. C/risaaq Cismaan Xasan “Jurilleâ€.

 

Wafdigaani ayaa waxaa soo dhaweeyey Wasiiro ka tirsan Dowlada Federaalka oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Tamarta Maxamed Nuuraani Bakar, wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Maxamed Maxamud Guuleed Gacmo dheere, wasiir k/xigeenka Maaliyada Maxamed Xasan Qoone, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Qaalid Cumar Cali, gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe, dadweynaha reer Jowhar iyo ciyaartoyda hidaha iyo dhaqanka.

 

Iyadoo saacadaha soo socda la qaban doono shir jaraa’id oo ku saabsan ula jeedada ay u yimaadeen iyo waxyaalihii laysla gartay waxaana idiin balanqaadaynaa inaan idiin soo gudbin doono wixii ku saabsan shirkaasi iyadoo lagu wado in wafdiga dib ugu ulaaban doono Magaalada Nayroobi.

 

 

 

 

Wafdiga_Talynaiga_050106.JPG

 

Wafdiga_Talynaiga_050106_1.JPG

 

Wafdiga_Talynaiga_050106_2.JPG

 

Wafdiga_Talynaiga_050106_3.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

shariifka%20iyo%20cabdilahi%20Yusuf.jpg

 

 

Shariif Xasan “Khilaafkii wuu dhammaadayâ€

Cadan-05.January.2006 Gudoomiyaha baarlmaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa ku dhowaaqay in

khilaafkii ku dhexjiray dowladda Federaalka kmg ee Somalia uu soo dhammaaday.

 

Arrintan ayaa ka dambaysan ka dib mas’uuliyiinta ugu sar sarraysa ee dowladda federaalka kmg ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed madaxweynaha dowladda iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan gudoomiyaha baarlamaanka ay ku shireen madal uu ka shaqeeyay madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.

 

Iyadoo qodobada lagu heshiiyay ay ku jirto in baarlamaanka bil gudeheed uu fadhi ku yeesho dalka Somalia gudihiisa ayaan shaaca laga qaadin halka uu rasmi ahaan uu ku shiri doono baarlamaanka, balse labada nin waxay sheegeen inaan wax dhib ah ku jirin meel kasta oo uu ku shiro baarlamaanka.

 

 

Barre C/laahi (Nabaddoon)

SBC Cadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Talyaaniga oo Safiir rasmi ah u magacaabatay Arrimaha Soomaaliya

 

 

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dowladda Talyaaniga Signore Alfredo Mantica Sawirka: Sidii

Khamiis, January 05, 2006(HOL): Wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Dowladda Talyaaniga Signore Alfredo Mantica ayaa maanta wuxuu gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo halkaasina ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Dheere.

 

Wafdigan ka socday Dowladda Talyaaniga ayaa markii ay gaareen magaalada Jowhar waxay kulamo la qaateen Ra'iisal Wasaare Geedi iyo Wasiirrada Xukuumaddiisa qaarkood, iyadoo wararka halkaasi naga soo gaaraya ay sheegayaan in ay Dowladaha Talyaaniga iyo Soomaaliya ay heshiisyo wax wada qabsi ah ay kala saxiixdeen, isla markaana uu Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga uu shaaca ka qaaday in Signore Mario Raffaelli oo horay arrimaha Soomaaliya ugu qaabilsanaa Talyaaniga uu haatan kadib yahay Xiriiriyaha labada dowladood, halka uu SignoreFrancesco Lanata uu ku sheegay in uu Talyaaniga u qaabilsanaan doonaan Arrimaha Siyaasadda Soomaalida, isla markaana uu safiir rasmi ah yahay.

 

 

Signore Alfredo Mantica iyo RW Geedi. Sawirka:Sidii

Sida uu sheegay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya C/risaaq Juriile oo kulankaas kadib saxaafadda la hadlay dowladda Talyaaniga haatan wixii ka horeeyay tan iyo xiligii dowlad la'aanta safiir rasmi ah uma magacaaban arrimaha Soomaaliya, wuxuuna lahaa sida uu yiri xafiis arrimaha Soomaaliya qaabilsan, "Talyaaniga hadda wuxuu soo magacawday Safiir Arrimihiisa qaabilsan oo warqadihiisa aqoonsiga uu guddoomay Ra'iisal Wasaare Geedi"ayuu yiri C/risaaq Juriile.

 

Sidoo kalena Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo aan qadka isgaarsiinta kula xiriirnay isagoo ku sugan magaalada Jowhar ayaa wuxuu noo xaqiijiyay in Safiirka cusub ee Arrimaha Soomaaliya uu yahay Signore Francesco Lanata, isla markaana Signore Mario Raffaelli uu noqon doono ergay gaar ah oo arrimaha Soomaaliya u qaabilsan isku xiriirinta labada dowladood ee Talyaaniga iyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Horumarinta iyo Kaalmooyinka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this