Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland admin information outlets starts cooperation

Recommended Posts

Garoowe: Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka qeyb galay xeritaanka Siminaar u socday Suxufiyiin ka kala timid K/Soomaaliya iyo Puntland

19. Juni 2008

 

 

Garoowe(AllPuntland)-Mas'uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta Suxufiyiin Soomaaliyeed oo ka kala yimid Koonfurta dalka Soomaaliya iyo gobolada Puntland kala qeyb galay xeritaanka Siminaar mudo Sadax maalmood ah u socday, kaasoo looga hadlayey sidii loo mideyn lahaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed isla markaan ay u yeelan lahaayeen Dalad mideysa oo difaacda xorriyada Saxaafadda.

 

Siminaarkan oo ay maalgelineysay hay’adda Care international ayna fulineysay Idaacadda Raadiyo Gaalkacyo ayaa xafladdii gabagabada ahayd waxaa ka hadlay Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Aadan (Bangax), Agaasimayaasha guud ee wasaaradaasi Nuur Shire Cusmaan iyo mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Nugaal.

 

Waiirka warfaafinta C/raxmaan Bangax ayaa sheegay inay wasaaradiisu`billaabi doonto qorshayaal ay ku wada shaqeeyaan saxaafadda Puntland, kuwaasoo uu ugu baaqay iney isa diiwaangeliyaan, si loo ogaado dhaq-dhaqaaqa qeybaha saxaafadda ee ka howlgala deegaanada Puntland.

 

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in ay kala shaqeyn doonaan qeybaha saxaafadda Puntland dhismaha Dallad ay kula midoobaan dhiggooda kale si leysaga kaashado horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Aggaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Nuur Shire Cusmaan oo sheegay in Saxaafadda looga baahan yahay iney yeelato urur mideeya.

 

Gabagabadii Siminaarkan ayaa waxaa lagu go'aamiyay in la doorto Guddi ka kooban Todobo xubnood kuwaasi oo ka soo shaqeeya dhismaha dalad ay yeeshaan Suxufiyiin ka socoto Idaacaddaha Muqdisho qaarkood iyo qaar ka tirsan Suxufiyiinta ka howlgasha Puntland, kuwaada ugu tunka weyn.

 

C.M.Cali

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this