Sign in to follow this  
General Duke

TFG displays weapons confiscated: PICS

Recommended Posts

MUQDISHO: Dowladda Federaalka oo soo bandhigtay hub aad u fara badan oo lagu soo qabqabtay howgalladii Muqdisho

Posted to the Web Jun 15, 15:55

 

 

Muqdisho (PP) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay hub aad u fara badan oo lagu qabqabtay baaritaanno lagu sameeyay maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho.

 

Hubkaan oo isugu jiray noocyo kala duwan ayaa waxaa lagu soo bandhigay xarunta ciidammada Ethiopia ee Muqdisho oo ku dhow sarta dheer ee Sey-biyaano, waxaana soo bandhigiddaan goob-joog ka ahaa saraakiisha sarsare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Xubnihii ka soo qaybgalay bandhigga hubkaan ayaa waxaa ka mid ahaa: Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Mqudisho Maxamed Cumar Xabeeb (Max'ed Dheere) waxayna dhammaantood qireen in hubkaan uu yahay mid laga soo bixiyay gacmaha shacbka Soomaaliyeed.

 

"Hubkaan kooxihii ku dagaalami jiray waxay noqdeen kuwo xiran iyo kuwo dalka isaga cararay, waxaana intooda badan ka soo bixinnay dhulka hoostiisa" ayuu yiri Maxamed Dheere oo qiray in howlagallada hubka lagu raadinayo ay sii wadi doonaan.

 

"Waxaan caddeynayaa in howsha hubkaan looga soo saaray meel lagu qariyay ay tahay mid ay leedahay Dowladda Federaalka, waxaana lagu guulaystay in maanta halkaan lagu soo bandhigo" ayuu yiri Gen. Cabdi Qaybdiid oo ah taliyaha Booliiska Soomaaliyeed.

 

Mudane Jeelle oo isaguna ka hadlay hubkaan ayaa sheegay in hubkaan uu yahay midkii dagaallada Muqdisho lagu hurinayay ayna ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan oo ay maanta ku soo bandhigaan hubkaan.

 

Waa markii ugu horreysay oo ay dowladda Federaalka soo bandhigto hub intaan oo kale ah ayna ku soo qabqabatay howgallo lagu raadinayay hub ku jira gacanta shacabka Soomaaliyeed.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hubkii Ugu Badnaa Ee La Qabto Oo Muqdisho Lagu Soo Bandhigay

 

Muqdisho(Calanka.com) 15-Jun-2007

 

Hub kii ugu badnaa ee lagu qabto magaalada Muqdisho oo ey fuliyeen maamulka gobolka Banaadir iyo ciidamada Itobia ayaa waxaa maanta lagusoo bandhigay xarun jaamacadaha ee magaalada Muqdisho.

 

Hubkan oo isugu jira noocyo badan ayaa ahaa mid aad u badan, iyadoo ey goob joog ahaayeen goobta masuuliyiin dhowr ah oo ka tirsan maamulka gobolka iyo dowladda federalka Somaliyeed.

 

Masuuliyiintan oo ey ka dhex muuqdeen gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Dheere, Salaad Cali Jeelle wasiir ku xigeenka gaashan dhigga iyo taliyaha ciidamada boliska gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

 

Xubnahan ayaa hadalo ey ka jeediyeen munaasabaddan lagu soo bandhigay hubkan faraha badan ayaa sheegay in howlgaladoodii socday mudada isbuuca eheyd ey kasoo bexeen natiijooyinka maanta hortooda yaal ee ah hubkan badan oo u badnaa walxaha qarxa iyo hubka waaweyn.

 

Mar uu hadal ka jeediyay isna gudoomiyaha gobolka Maxamed Dheere ayaa sheegay in amaanka caasimadda uu yahay mid wanaagsan qolyaha had iyo goor marin habaabiya umadda dibadda joogta ee yiraahda nabad ma ahan waa ku aan dooneyn in dadka dibadaha jooga ey marnaba imaan magaalada, waxa kale uu intaa raaciyay in hubkan sidaan u badan ey soo qabteen maanta uuna wali ku baahsanyahay Muqdisho hub kaloo badan eyna soo qaban doonaan.

 

Waxaa kaloo uu intaa raaciyay Maxamed Dheere in hubkale oo fara badan ey sidoo kale soo qabteen isbuucii baaritaanada xooganaa socdeen isagoo intaa raaciyay in qolyihii isticmaali jiray hubka noocan ah ey u kala qeybsameen wax ey dowladdu xirat iyo kuwo wadanka isaga cararay.

 

Taliye xigeenka boliska gobolka Banaadir oo isna ka war bixiyay hubkan ayaa sheegay in loo isticmaali rabay hubkan in lagu gumaado umadda eyna isticmaalayeen qolyahay argagixisada, wuxuuna intaa ku daray in ey arinkaa ku cadeynayaan in ey argagixisada isticmaasho hubkan ey tahay in hubkan la keenay Somaliya mudooyinkii danbe eyna u badan yihii walxaha qarxa ee umadda sida xun u gumaada.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa Maanta Saxaafada Loo soo Bandhigey Hub aad u farabadan oo laga soo qab qabtey gobo badan oo ka tirsan degmooyinka magaalada muqdisho oo ay maalmahan ciidamada dowlada iyo ciidanka etopia ee baaritaano culus ka wadeen. Daawo Sawirada

 

Gudoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dhere) ayaa waxa uu sheeggay in hubkan maanta lasoo ban dhigay lagasoo kala saaray guryo ay leyihin dad ku sugan gudaha dalka iyo kuwo dibadda Ku maqan intaba,waxaana uu intaa ku daray in dadka hubkaa lahaa qaarkoox xabsiga la dhigay

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dhere) ayaa waxa uu sheeggay in hubkan maanta lasoo ban dhigay lagasoo kala saaray guryo ay leyihin dad ku sugan gudaha dalka iyo kuwo dibadda Ku maqan intaba,waxaana uu intaa ku daray in dadka hubkaa lahaa qaarkoox xabsiga la dhigay

 

 

Xaflada lugu soo bandhigay hubkaan oo intiisa badan lagasoo saaray Hoygii uu Cusmaan caato Muqdisho ka daganaa ayaa,waxa ay ka dhacday Jaamacada Umada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay wasiirku xigeenka gaashaandhiga dawlada Soomaaliya Salaad Cali Jeelle,Taliyaha nabadsugida Qaranka Col.Darwiish,Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen.Cabdi Xasan Cawaale iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

 

Xafladda soo ban dhigidda hubka ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiisha ciidamada nabad ilaalinta Afrikaanka ee ka kooban Ugandaiyo Itoobiyaanka waxaana lasheegay in hubkaasi lugu wareejinayo Midowga Africa,gaar ahaan ciidamada ka socda dawlada Ugandha.

 

Siid Mohamed Siidi Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Hubkii ugu badnaa oo ay ,qabato dawlada Soomaaliya ,oo maanta lugu soo bandhigey caasumada Soomaaliya.

 

15. juni 2007

Muqdisho(AllPuntland)-Dawlada Soomaaliya ayaa ,waxa ay maanta soo bandhigtay ,hubabkii ay ku qabtay hawlgaladii caasumada ka socday,todobaadyadii la soo dhaafay.

 

Xaflada lugu soo bandhigay hubkaan ayaa,waxa ay ka dhacday Jaamacada Umada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay wasiirku xigeenka gaashaandhiga dawlada Soomaaliya Salaad Cali Jeelle,Taliyaha nabadsugida Qaranka Col.Darwiish,Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen.Cabdi Xasan Cawaale iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb.

 

Wasiirku xigeenka wasaarada gaashaandhiga ee dawlada Soomaaliya Salaad Cali Jeele ayaa ,wuxuu sheegay in hubkaan ay soo bandhigeen uu yahay ,kii ugu badnaa ee lugu soo qabto magaalada Muqdisho,wuxuuna ku tilmaamay hubka ugu casrisan qaarada Africa.

 

Salaad Cali Jeele wuxuu ,sheegay in ay hubkaasi adeegsanayeen,kooxaha ka soo horjeeda nabad ka dhalata caasumada Soomaaliya,waa sida uu hadalka udhigaye.

 

Wasiirku xigeenku wuxuu ciidamada dawlada Soomaaliya ,ee soo qabtay hubkaan uga mahadceliyay sida geesinimada leh ,ee ay ku galeen ,goobaha uu ku kaydsanaa.

 

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb,oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu ,sheegay in uu mahadcelin balaaran ujeedinayo ,ciidamada Booliska Soomaaliya iyo ciidamada dawlada Itoobiya,wuxuuna sheegay in ay soo qabteen hub,kooxo uu ku tilmaamay nabad diidayaal doonayeen ,in ay ku waxyeeleeyaan Umada Soomaaliyeed.

 

Kulankaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha ciidamada dawlada Itoobiya,kuwa Midowga Africa ,ayaa waxaa lasheegay in hubkaasi lugu wareejinayo Midowga Africa,gaar ahaan ciidamada ka socda dawlada Ugandha.

 

Hubkaan maanta ay soo bandhigtay dawlada Soomaaliya,ayaa waxaa lugu soo qabtay ,hawlgaladii ay sida wada jirkaa ufuliyeen ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya,wixii ka danbeeyey markii la weeraray guriga raysal wasaaraha dalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this