Sign in to follow this  
Abwaan

Mudanayaal ka tirsan baarlamanka Somalia oo lagala baxay Hotel ku yaal kenya

Recommended Posts

Abwaan   

Mudanayaal ka tirsan baarlamanka Somalia oo lagala baxay Hotel ku yaal kenya

 

 

War deg deg ah

Nairobi 05, Jan.07 ( Sh.M.Network) – ku dhowaad 2 mudane oo ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa lagala baxay Hotel ku yaala magaalada Nairobi, halka tiro kale oo baxsatayna lagu raadjoogo, iyadoo mudanayaashaasi ay ahaayeen kuwo ku fikir ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia.

 

Ciidamada Booliska Kenya ayaa waxa ay kala baxaeen Hotel Barakaat ee magaalada Nairobi mudanayaashaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo halkaasi daganaa, iyadoo aan la garaneyn sababaha loo xirey mudanayaashaan xilli Madaxweynaha Somalia iyo guddoomiyaha baarlamanka ay ku wada sugan yihiin magaaladaasi.

 

Waxaa jira tiro kale oo mudanayaal ah oo iyana ciidamada booliska Kenya ay ku raadjoogaan.

 

Ilaa iyo hadda lama hayo xog faahfaahsan oo ku aadan xarigga lagula kacay Mudanayaashaan oo ahaa dhamaantood kuwa taabacsan Guddoomiyaha baarlamanka Somalia.

 

C/laahi Max'ed Khaliif

 

Shabelle Media Network Kenya

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

And a view from a pro-goverment website so that people can realise that this actually happened...

 

NAIROBI: Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu xirxiray maanta Magaalada Nairobi

Posted to the Web Jan 05, 15:16

 

 

Nairobi (PP) - Xildhibaanno lagu qiyaasay inay gaarayaan ilaa 7-xildhibaan ayaa lagu xiray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana la sheegay in booliiska dalka Kenya ay ka soo wadeen Hoteela ay deggenaayeen.

 

 

Wararka ka imaanaya Nairobi ayaa waxay sheegayaan in xildhibaannadan la xirxiray ay ahaayeen kuwo fikir ahaan raacsan Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu ka baxsaday Dowladda Federaalka Soomaailya.

 

 

Lama garanayo illaa iyo hadda sababta dhabta ah ee loo xirxiray xildhibaannadaas, balse wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in loo xirxiray sababo la xiriira hadallo ay yiraahdeen oo liddi ku ah dowladaha Bariga Afrika, balse warkaan ayaan ahayn mid la rumeysan karo.

 

Booliiska Kenya ayaa la sheegay inuu su’aalo weydiinayo xildhibaannada la xirxiray oo wararka qaarkood ay sheegayaan inay si sharci darrro ah ku joogeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

 

Si kastaba ha ahaatee, xarigga xildhibaannadaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo maanta uu ka dhacay Magaalada Nairobi kulan ay yeesheen Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya sidoo kalena uu ku sugan yahay Nairobi Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha xarigga xildhibaannadaan kala soco aqriste Shabakadda wararka Soomaaliya www.puntlandpost.com haddii EEBBE ogolaado.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Mudanayaal Baarlamaanka Somaaliya Ka Tirsan Oo Xabsiga Loo Taxaabay iyo Kuwo kale oo Cagahooda ku Fakaday Haatana Lagu Raad Joogo

Jan 05,2007

by Nayroobi-GEDO-NN

Waxaa xabsiga loo taxaabay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaaliya Xildhibaanadaas oo ay maanta Hoteeladii ay ka daganaayeen magaalada Nayroobi la gala baxay, iyadoona lagala kala baxay Hotelada kala ah Barakaat Hotel Iyo Al Safa Hotel.

 

Mudanayaashaan la xiray ayaa lagu jaah wareersan yahay tiradooda saxda ah, balse Waxaa loo badniyaaa in ay yihiin 5 Mudane. Mar aan xariir lasameeey Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Somalaiya Mudane Maxamed Cumar Dalxa waxa uu ii sheegay in uu san arintaan wax badan kala socon xiritaanka mudanayaasha. Lama yaqaan sababta dhabtaa ee loo xiray mudanayaashaan xildhibaan ama masuul kasta oo Dawlada katirsan oo aad wacdaana waxaa ka dareemay sa in uu arrinkaan ka gaabsanaayo.

 

Xildhibaanadaan laxira ayaa waxa ay ahaayeen dhammaantood kuwa ku fakir ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu haatan Kusugan magaalada Nairobi. Xildhibaanadaan la xirxiray iyo kuwa kale oo ku fakir ah ayaa marar badan magaalada Nairobi ku qabtay Shirar Jaraaid oo ay kaga Soo horjedaan dawlada iyo fikirka madaxda sar sare.

 

Xubnahaan Baarlamaanka ee Laxir xiray ayaa waxaa xirxiray niman dharcad ah oo ka tirsan CID Kenya kuwaas oo ay lasocdaan rag Somaali ah oo Aqoon uleh mudanayaasha la xirxiray. Sidoo kale, waxaa xagahooda ku fakatay mudanayaal kale oo markii ay arkeen in xabsiga la is ku taxabayo meelo kala duwan ku dhuuntay, iyagoona qaarkood ay si deg deg ah Hoteladii uga baxeen.

 

Xildhibaanadaan 5 ta gaaraya ayaa waxaa lagu xir xiray Xabsi Kuyaala bartamaha Nayroobi oo ah xabsi lagu xirxiro dadka arimp Siyaasadeed loo haysto, Warar waxaa soo baxaya sheegaya in sababaha ragaan loo xir xiray ay kamid yihiin Xairri ay la lahaayeen Maxaakiimtii Islaamiga ahaa ee ka ariminjiray Muqdisho.

 

Akhristayaasha Qiimaha lahow Waxa aan idiin Soo gudbin donaa Magacyada iyo xaqiiqda dhabtaa ee loo xir xiray mudanayaashaan.

 

 

Jamaal M Shuuriye-GEDO-NN- Kenya.Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Is this how the genius politician A/Y plans to unite the nation behind him? Have the names (or clans) of these parliamentarians been released anywhere?

 

While the Kenyan economy and its farmers reap millions every month from the Qaad exports to Somalia, here is the Kenyan government showing their credentials as a client state of the US. The ICU put a dent in their economy in the past few months and now they're exacting their revenge.

 

Somalis have no friends in the world today. Not even in their own so called government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this