Sign in to follow this  
General Duke

Suldan Sonkor..Inda Cade's, actions has forced us to support Morgan

Recommended Posts

Suldaan Cabdi Cali Sonkor: "Waxaa nalaku qasbay in aan dagaalka galno"

 

 

Burtinle-Online

Talaado, September 21 2004

 

Suldaanka degaanka Afmadow Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaaladii dhowaan ka dhacay degaanka Jubada Hoose ayaa eedeyn ba'an u jeediyay hogaamiye-kooxeedka Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo ka taliya gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Suldaanka ayaa sheegay in maliishiyooyin uu horkacayo Yuusuf Indhacade ay dab qabadsiiyeen degmada Dhoobley oo ku taala xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto Kenya.

 

Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo u waramay idaacada BBC laanta afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu taageersan yahay dagaalka uu wado Generaal Moorgan kuna doonayo in uu ku qabsado magaalada Kismaayo "Moorgan isagaa markii hore Kismaayo laga qabsaday" ayuu yiri Suldaanku mar uu arinkaa faahfaahinayey.

 

Suldaanka ayaa sidoo kale cadeeyay in maliishiyooyin ku abtirsada beesha uu Suldaanka u yahay ay ka qeyb qaateen dagaaladii dhowaan dhacay iyagoo la safan Gen.Maxamed Siciid Xirsi "Moorgan".

 

Suldaanka ayaa ku hanjabay inuu shirka dib u heshiisiinta ee uu ka qeyb galayo ka bixi doono, hadii aan wax laga qaban dhibaatooyinka ka soconaya degaanada uu odayga u yahay.

 

Dhanka kale Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo la xiriiray isla idaacada BBC ayaa iska fogeeyay eedeynta kasoo yeertay Suldaan Cabdi Cali Sonkor, wuxuuna sheegay in waqtigii weerarka lagu qaaday degmada Dhoobley uu isagu ku sugnaa degaanka Buulo Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Indhacade oo wax laga weydiiyay in ciidamadiisu ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Dhoobley ayaa sheegay in ciidan uu leeyahay aaney ka qeyb qaadan dagaalkaas.

 

Hogaamiye-kooxeedka ayaase qirtay inuu ku faraxsan yahay weerarka lagu qaaday Gen.Moorgan iyo Maliishiyooyinkiisa, balse aanu isagu marna ka qeyb qaadan.

 

Burtinle-Online

editor@burtinle.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this