Sign in to follow this  
MoonLight1

The Blockade starts.

Recommended Posts

Markab shixnad ganacsi u waday Dekeda Magaalada Kismaayo oo ay is hortaageen Diyaarado iyo Maraakiib dagaal

 

Dowladda Federaalka KMG ayaa maanta ka dhawaajisay in Ciidamada shisheeye ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ay is hor tag ku sameeyeen Markab shixnad ganacsi u soo waday Dekeda Magaalada Kismaayo.

 

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Ibraahim Xaabsade oo Wariyeyaasha kula hadlay maanta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada caalamiga ay bilaaban fulinta go'aamadii ka soo baxay IGAD iyo Midowga Afrika, kaas oo ahaa xayiraad la saaray Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha ay gacanta ku hayaan Kooxaha Mucaaradka.

 

Xaabsade ayaa sheegay in diyaarado iyo Maraakiib dagaal ay dhex ka soo celiyeen Markab shixnad ganacsi u waday Dekeda Kismaayo, kaasoo oo uu sheegay inuu horay wax ugu soo dajiyay Dekeda Muqdisho, dabadeedna inta hartay uu doonayay inuu ku dajiyo Dekeda Kismaayo.

 

Wasiirka Deledaha iyo Gaadiidka Badde Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa digniin u diray Ganacsatada, isagoona uga digay in Dekedaha ay maamulaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay wax ka soo dajiyaan, waxaana uu cadeeyay in hadii ay oofin waayaan go'aankaas ay tallaabo ka qaadayaan.

 

"Waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada inay adkeystaan mudada ay xayiraada soconeyso, kadib xaalada ayaa hagaagi doonta haduu alle idmo"ayuu yiri Maxamed Ibraahim Xaabsade isagoona intaa ku daray in Ganacsatada ay wax kala soo dagi karaan Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho.

 

Is hortaagan ay ku sameeyeen Ciidamada Caalamiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya Markab ku wajahnaa Dekeda Magaalada Kismaayo, ayaa muujineysa sida ay u fuliyeen Go'aanadii xayiraada ee ka soo baxay IGAD iyo Midowga Afrika, kaasoo ahaa in cunaqabateyn lagu soo rogo Garoomada Diyaaradaha iyo Dekedaha ay gacanta ku hayaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This kind of blockade will starve Alshabab from vital, much needed income to boost their war efforts, but innocent people will suffer greatly as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this