Sign in to follow this  
me

TFG against the right of the SSC to recapture occupied territories.

Recommended Posts

me   

Dawlada Federaalka Somalia ayaa ka digtay Ururka Dhawaan ay ku dhawaaqeen Qurbajoogta SSC ee NSUM.

 

Boosaaso February 7, 2008

 

Xuukumada Dawlada Federaalka ee Somalia ayaa maanta markii u horeysay ka ahadashay urur aya dhawaan ku dhawaaqeen xubno ka tirsan qurbajoogta Sool,Sanaag iyo Cayn(SSC) .

Ururkan oo loogu yeero Dhaqdhaqaaq Midnimada Waqooyiga Somalia (NSUM) ayaa dhawaan waxa ku dhawaaqay xubno ka mid ah qurbajoogta SSC kuwas oo sheegay in uu hadafkoodu yahay dib u soo celinta degaanada SSC oo ay bishii October 15 2007 la wareegeen maamulka la baxay Somaliland.

 

 

Xildhibaan Cali Baashi Xaaji Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay shabakada Wararka ee Xargaga Online isaga oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Xukumada Somalia aysan marnaba ogoleyn siyaasadeedu in xiligan kooxa gaar ah la sameeyo gaar ahaan dhaqdhaqaaqyo kala daadsan balse loo baahn yahay wixii fakir ah iyo maalba in meel laysugu wada geeyo oo laga wada qayb qaato dib u xoreynta Magaalada Laascaanood.

 

 

Waxaa uu Xildhibaanku intaa raaciyay in Laascaanood ay tahay xudunta midnimada Somalia isla markaan aaan laga qabsan o kaliya Puntland iyoi SSC toona balse laga qabsaday Somali oo dhan sidaa darteedna ay xukuumada Somalia wadio dadaal weyn ay dib ugu soo celineyso xoriyada SSC kana saari doonto kooxda gooni u istaaga ee hada ka talisa.

 

 

Mar uu ka hadlayay dhaqdhaqaaqa ay qaar ka mid ahi qurbajoogta SSC ku dhawaaqeen ayuu sheegay xildhibaanku in uusan wax soo kordhineyn aan dhibaato ka ahayn iyo mija xaabin dadaalka hada la wado.

 

 

Xildhibaanku waxaa uu ugu baaqay ninkaste oo u dhashay mandaqada SSC ee doonayo in uu siyaasada soo galo in uu soo dhaweynayo balse waxaa uu ka digay shaqsiyaadka uu ku tilmamay iyaga oo gacansi dibadaha ka wada sheeganaya siyaasiyiin has eahatoo loo bahan yahay ayuu yiri in ay iskeenaan masraxa siyaasada Somalia .

 

 

Cali baashe waxaa uu cambaareeyay weerarkii gardarada ahaa ee ay mamaulka Hargeysa ku qabsadeen magaalada Laascaanood waxaana uu ugu bishaareeyay shacabka in dhawaan awood looga saari doono mamaulka Riyaale gobolka mar haddii ay diideen in ay si nabad galya ah uga baxaan.

 

 

Cali waxaa uu sidoo kale sheegay in ay xukuumada federaalka soo dhaweyneyso dadaalada qurbajoogta SSC ee ay teegeerada ugu soo fidiyeen ciidamada degaanka ee dib u xoreynta SSC isagoo ugu dambeyn u mahad celiyay Isimada Mandaqada SSC goaanka adag ay iska taageen duulanaka lagu soo qaaday dhulkooda iyo go’aamadii ay ka soo saareen shirkii Boocame .

 

 

Ururka NSUM oo ay dhawaan ku dhawaqen xubno ka mid ah qurbajoogta SSC ayaa hadal hayntiisa ay ku soo badatay mandaqada SSC iyadoo ay dad badnai tuhun ka qabaan magaca uu uruku la baxay halka qaar kalana ay soo dhaweeyeen cid kasta oo wada dadaal ay dib ugu soo celineyso xoriyadii Laascaanood.

 

 

 

A E. Moha

 

Boosaaso,Somalia

 

Mohamediapro@msn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this