Sign in to follow this  
MoonLight1

Ahlusunnah: Weerar lixaad leh oo ku soo wajahan gobolada dhexe.

Recommended Posts

Ciidamada Ahlu Sunah ee Gobolada Dhexe oo heegan la geliyay kadib duulaan iyo abaabulo ku soo wajahn

 

Ciidamada Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah ee Gobolada Dhexe ayaa heegan la geliyay kadib abaabulo dagaal la sheegay inay ku soo fool leeyihiin deegaanada ay gacanta ku hayaan, xilli ay isa soo tarayaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay wadaan Xoogaga isbaheystay ee Alshabaab iyo Xisbul Islaam.

 

Afhayeenka Ahlu Sunah Waljamaacah Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu Yuusuf ayaa sheegay in abaabulo dagaal oo ka dhan ah deegaanada ay gacanta ku hayaan laga wado Gobolada Hiiraan iyo Banaadir sida uu yiri.

 

Abuu Yuusuf ayaa sheegay in aanay aqbali doonin weeraro lagu soo qaado deegaanadooda isla markaana dadkooda lagu barakiciyo, waxaana uu si gaar ah u soo qaatay Ciidamo fara badan oo soo gaaray Buulo Burde, kuwaasoo qeyb ka ah Gawaarida dagaalka.

 

Waxaa uu sheegay inay iska difaaci doonaan weerar kasta oo uga yimaada Xoogaga ka soo horjeeda, waxaana uu ugu baaqay Ciidamada Ahlu Sunah inay ka hor tagaan weerarka kasta oo uga yimaada waxa uu ugu yeeray Khawaarijta.

 

Dagaalo mudooyinkii u dambeeyay ka dhacay Deegaano ka tirsan G/gaduud ayaa salka ku hayay gacan ku heynta deegaanadaas, taasoo aaqirkii Culimada Ahlu Sunah ay awood uga fara maroojiyeen Xarakada Alshabaab

 

 

 

jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this