Sign in to follow this  
Maaddeey

Boqolaal reer Kismaayo ah madaxda Al shabab oo kulmay

Recommended Posts

Maaddeey   

KN: Wafti heersare ah oo ka socda xarakada Alshabaab ayaa maanta meel fagaaro ah kala hadlay boqolaal dadka reer Kismaayo ah.

 

Waftiga oo maalmahan socdaal kormeer ah ku joogey Jubooyinka ayaa waxaa ka mid ah Sh. Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur, Sh. Fu’aad Qalaf (Shongoloow) iyo Sh. Xuseen Cali Fiidoow

 

Abuu Mansuur ayaa maamulka Jubooyinka ugu baaqay in dadka loo turo, si wanaagsana loola dhaqmo, wuxuu kaloo soo hadal qaaday abaabulo la sheegey in dowlada Kenya ay wado isagoo ku eedeeyey in ay maleegeyso jalaafooyin lagu mijaro xaabinayo maamulada Islaamiga ah.

 

Wax u muuqda jawaab uu ka bixinayay faalo shabakada KismaayoNews ay maalmo ka hor ka qortey mabnuucida xarakada ee cunada gargaarka ayuu sheegey in illaa shuruudaha ay ku xireen WFP aysan fasixi doonin mabnuucida ay saareen, shuruuda ugu weyn ayaa ah in raashiinka gargaarka ay hey’ada ka iibsato beeralayda Soomaalida halkii ay ka iibsan lahayd beeralayda Maraykanka.

 

Sh. Fu’aad ayaa isagu ku dheeraaday Jihaadka oo uu sheegey in dadka reer Kismaayo ay laf dhabar u yihiin jihaadka ayna tahay in had iyo jeer ay garab taagnaadaan.

 

Kullanka dadweyne wuxuu ka dhacay fagaaraha beerta xoriyada ee Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this