Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Borama: Local Group Attack Police Rease one of the Captives

Recommended Posts

Hargeysa (HWN) Boqolaal ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal ayaa maanta banaanbax lagaga soo horjeedo xadhiga ay xuikuumada Somaliland kula kacday 3-ka mid ah dirawaladii dhawaan ciidamada Jabhada ONLF ku soo geliyay gudaha Somaliland.

 

Banaanbaxan oo ay iskaga horyimaadeen ciidamada booliska iyo dadweyne aad u tiro badan ayaa inta la hubo ay ku dhaawacmeen laba qof, kuwaas oo kala ah nin iyo gabadh, waxaana lagu soo waramayaa in ay banaanbaxayaashu ay mid ka mid ah dirawalada kala baxeen xabsigii uu ku xidhnaa.

 

Taliye ku xigeenka qaybta booliska oo u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in dadka mudahaaradada dhigaya si xun wax loogu sheegay isla markaana lagu yidhi ragga la hayo waxa loo dhiibayaa ciidmada Ethiopia, warkaas oo ah buu yidhi mid aanay waxba ka jirin.

 

Ciidamada booliska ayaa hada gacmaha ugu jiraan laba ka mid ah dirawaladii loo haystay in ay u fududeeyeen kooxda Maleeshiyada ONLF in ay gudaha u soo galaan Somaliland iyaga oo nabad ah.

 

Dhacdadan ayaa ku soo beegan tahay xilli guddidii xaqiiqo raadinta ahayd ee uu madaxweyne siilaanyo u magacabay in ay ka hawlgalaan sababta keentay in ciidamo intaas le’egi ay gudaha u soo galaan dalka ay isla shalayba hawshoodii ka bilaabeen deegaanka Xariirad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada booliska ayaa hada gacmaha ugu jiraan laba ka mid ah dirawaladii loo haystay in ay u fududeeyeen kooxda Maleeshiyada ONLF in ay gudaha u soo galaan Somaliland iyaga oo nabad ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Borama / TogaHerer:Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Borama ayaa sheegaya in u ka socda magaalada mudaharaadyo ay dhigayaan dadweynaha Boorama, Mudaharaadkan ayay dhigayaan wakhti ay magaalada Borama la keenay Maxaabiis isugu jira Darawaladii gaadiidkii siday Maleeshiyadii ONLF ee dhawaan ka soo dagay Xeebta Awdal iyo maxaabiis laga qabtay Kooxdii ONLF sidoo kalena ku soo beegantay xilli ay ku sugan yihiin magaalada Borama Saraakiil ka tirsan Xukuumada Ethiopia Gaar ahaan Maamulka Degmada Aw Barre iyo ciidan lasocda .

 

Dadweynaha ayaa ku dhawaaqayay in ay ka soo horjeedaan in loo gacan geliyo Raga u dhashay Somaliland ee Darawaliinta ah Dawlada Ethiopia taas oo ay dadku u qaateen in loo gacan gelinayo Masuuliyiinta Ethiopian ka ah ee ku sugan magaalada taas oo warar kutiri kuteen ah dadku isla dhex marayeen in ragan loo gacan gelinayo masuuliyiinta Ethiopian ka ah ee ku sugan magaalada Borama.

 

Intii mudaharaadku socday ayaa Raga maxaabiista ah oo u dhashay xaga Somaliland ee wadayaasha ahaa oo loo wado xaga jeelka magaalada ayaa waxa dhacday in gaadhi Surf ah lagu dhuftay gaadhigii siday maxaabiista gaadhigaas oo uu watay nin ka mid ah maxaabiista walaalkii ka dibna maxaabiistii Mid ka mid ahi baxsaday halka labadii kale ay u xidhan yihiin wali ciidamada amaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Do you want cover up the story?. the men were about to handed to ethiopian when poeple started to stop that to happen and they saved two men, not one. The ethiopia rule, not the land goverment.

 

Rabshado iyo qas ka dhacay magaalada Boorama oo ka dhashay arrintii ONLF iyo Ethiopia

Written by Waaheen

Sep 17, 2010 at 06:38 AM

 

 

Dadweynaha Reer Boorame oo xoog Booliiska kaga furtay Dirawaliintii waday Gaadiidkii Ciiddamadda ONLF kireysteen iyo Magaalada oo Qas ka taagan yahay

Hargeysa (Qaran news)- Reer Boorame ayaa la sheegay inay xoog iyo Qori caaradii kaga furteen ciidamadda Booliiska ee Boorame laba kamid ah sadexdii Dirawal ee watay Gaadiidkii qaaday Ciidamadii ONLF ee ka soo degay Xeebaha Galbeed ee Somaliland, kuwaasoo sida la sheegay Booliisku u soo dhaadhicanayeen dhinaca Hargeysa.

 

Dhacdadan ayaa la sheegay inay Dadweynuhu ku talaabsadeen markii sida la sheegay ay ka war heleen qaadista Sadexda Dirawal oo la sheegay inay Ciidamadda Booliisku u dhiibayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaaladda Goraya-cawl oo u dhaxaysa Boorame iyo Diila.

 

Qaar ka mid ah Eheladda Sadexda Dirawal ayaa Baabuur Surf ah la beegsaday baabuurtkii Booliiska ahaa ee lagu siday Dirawalada kadibna Rasaas ooda kaga qaaday Booliiskii, iyadoo ay u suurtogashay inay laba kamid ah xoog ku qaataan halka kii sadexaad ay ciiddamada Booliisku markii danbe kala hadheen.

 

Talaabadan ay dadweynuhu ku furteen labada nin ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay hal qof kadib markii ay isku dhaceen gaadhiga Booliiska iyo ka kale ee hawlgalka loo adeegsaday, waxaana mar kaliya magaaladda Boorame ay isla oogsatay buuq iyo isku soo bax iyadoo gabi ahaanba ay xidhmeen Meheradihii Ganacsigu.

 

inkasta oo ay dhacdadani goor dhaweyd dhacday oo aan wax tafaasiil ah oo intaa ka badan laga hayn hadana dad goob joog ah oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegaya in ay jiraan warar sheegaya Boorame inay Joogaan Saraakiil Itoobiyaan ah oo hawlgalo ka wada jiidaasi, balse wixii ka soo kordha waxa aad kala socon doontaan wararkayaga danbe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Crashed the Surf into the police car carrying the prisoner? Waryaa, tanaa baba ka khatarsan ragga baaldiyaada ku dhuuntay. Wa ba James Bond! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Kuwii ONLF ayaan rumaystay markay inoo faaniin, ileen celmiga iyo farsamada waxa ka dhambeeyay nin reer Awdal. Phooh. Kii taladaa baaldiyaada keenay kolay kan Surfka watay buu aha. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Yes. Yes. Go run around Borama shouting 'Maxa dhacay? Maxay dhacay', saaxib. Or wait for the full news to be confirmed.

 

Jb, dee waa isla Mr Surf. This young man is a national treasure, the government must employ him as soon as possible. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this