Sign in to follow this  
Som@li

Shacabka Puntland oo Mar Labaad La Dhacay.

Recommended Posts

Som@li   

Dubai:- Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi oo ku sugan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu maalmahan ku noqnoqonayey maxkamada Dubay, isaga oo dacwad kusoo oogay niman ganacsato ah oo u keenay nin asalkiisu yahay Yamani oo la sheegay inuu ka dhacay Madaxweynaha lacag dhan US$ 3,000,000 (sadex milyan doolar).

 

Lacagta laga dhacay Madaxweynaha ayaa ah mid hore looga dhacay shacabka reer Puntland oo aan nasiib u yeelan inay dhaqaalaha dalka kasoo baxa dib loogu celiyo dalka, iyadoo had iyo jeer gacanta ugasha koox yar oo ah masuuliyiinta sar sare ee maamulka Puntland.

 

Dhowaan ayay ahayd markii uu Cadde Muuse isdaba mariyay lagana soo saari kari waayey hanti dhan $500,000 doolar oo loogu dhiibay in wax lagaga qabto dekeda laga hirgelinayo Laasqoray.

 

Sida ay xaqiijinayaan wararka ku saabsan dhacdadani wax uu Cadde Muuse heshiis xaga caqaaraatka ah (real estate) la galay nin yamani ah oo lagu magacaabo C/Rauuf Al Muxsin isagoo carbuun usii bixiyey lacag dhan sadex malyan intii kalena aan weli la kala qaadan ayuu ninkaas yamaniga ah dhacay lacagtaas.

 

Waxay arintani soo baxday xilli caalamuku isku raacay inay Soomaaliya tahay wadanka ugu horeeya aduunka xaga musuqmaasuqa iyo isdaba maryaynta taas oo shacabka soomaaliyeed ku ah laba geeriyood, Waxana ay halwadeenada Soomaaliya ku caan bexeen ku tagri falka raasamaalka shacabka saboolka ah ee soomaaliyeed.

 

Wixii danbe ee arintan kusoo kordha waxaad kala socon doontaan:

 

LaasqorayNet - Dubai, UAE.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Madaxweyne Cade Muuse oo laga dhacay sadex melyan oo doolar.

 

Boosaaso, Arbaco , September 26 2007 SMC

 

Waraarka laga helayao ilo muhiim ah oo ku sugan dalka isu taga imaardka carbta aya shaac ka qaaday in Madxawyne cade laga dhacay aduun lacageed oo gaaraya 3 Milyan oo doolar lacgtaasi oo sida la sheegay uu guri kaga gadan lahaa degaanka Fujeera Biij.

 

Dhicitanaka lacgtaan ayaa ku timi markii Koox qurba joog dulaaliin ah ay u keneen nin carb ah oo guryha kala gadi jiray kaas oo dukuminti falso ah kaga qaatay lacgtii Cabdrauuf al muxsin oo ah ninka lacgtaan dhacay ayaa ka soo jeeda asal ahan dalka yeman Lakiin waxuu sitaa jinsiyda dalka suurya.

 

Soo haac bixtaanka lacgtaan la dhacay ayaa si toos ah uga soo if baxay gud ahaan xafadha soomlida degto ee magalada dubey waxaana haatan socda dawcd u dhexysa madxawyne cade muuse iyo ragii dulalaka ka aha a ninkaasai oo ah rag qurbo joog isla ahyeen.

 

Maxkamada Magaalaada Dubay aya maaanta gudaheeda waxaa ak dhacay hanjabdo rag ay cade muuse jifo yihin iyo ragii loo saarayin ay kneen carbka wax dhacay

dhacitaanka lacgtaan uu guriga ku gadanlahaa ayaa ku soo aday xili ay puntland ak jirto dhaqaale xumo baahasan iyo dagaal lagula jiro maamulka soomalilanad .

 

Waxaa intaasi dheer magaalada Boosso oo ah magaalad inta badan ay ak soo baxdo cashurta ugu badn aya waxaa ka dansanaa bishii ugu danbsay kortandii oo u fadhida lacag lagu qiyaasay in ka yar boql kun oo doolar .

 

Caadad guri iibiga ayaa ah mid aan horay llogu aqoon maamulka Puntland lakiin dadku markii ay maqleen aad ula yabeen madaxawyne Cabdulaahi oo mudo dheer ka talinaayey puntland ayan haba yartee ku yeelka iyo dibdiisa midnaba xtaa hal qol oo cariish

qaar ka mid ah golhisa xukumda oo haatan ku sugan dalka imartka aaya warkaan u xaqiijyey oo manaata Puntlander khadka telfonka la tigsatya waxaana laga yaba in ay baajiso mishlkaldani imtankisii laga sugaayey madaxwaynhu inuu yimaadao

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Boosaaso Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jamster   

Laga Dhacey kulahaa! what the heck; the guy was labourer in Canada not few years go; he must be very effective entrepreneur to make that amount of money in punt less than 5 years :D

 

Puntland badbaado ayey ubaahan tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Kuwaa u reer magaaleeyey.

 

Madaxwyanaha Puntland Md:Cadde Muuse oo laga dhacay Sadex Melyen oo dollar isagoo ku sugan Emirates

Warkii 26-Sep-2007 iyo Qormadii: Afnugaal

 

Wararka Naga soo gaadhaya magaalada Dubai ee dalka Emirates ayaa sheegaya in Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Cadde muuse laga dhacay aduun dhan Sadex melyan oo dollarka maraykanka ah lacagtaas oo la sheegay in uu Guri kaga iibsan lahaa Imaarada Fujairah:::: Sii akhri:::

 

Dhicitaanka loo gaystay Madaxwaynaha Puntland Mudane: Cadde Muuse Xirsi ayaa la sheegay in uu yimid ka dib markii koox dilaaliin Somalia ah oo ku sugan magaalada Dubai ay u keeneen madaxaynaha nin asalkiisu Yemen ka soo jeedo balse haysta dhalasho dalka Suuriya , ninkaas oo Document faalso ah kaga qaatay madaxwaynaha Carbuun ama hor'umaris ah lacag taas oo dhan sadex melyan oo dollar..

 

Waxaa haatan ka socota magaalada Dubai dacwad u dhexaysa madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland iyo ragii Somalida ahaa ee u keenay ninkii lacagta dhacay, waxaana si aada looga dareemayaa guud ahaan dhulka Somalidu degto ee magaalada Dubai xiisada udhexaysa madaxwaynaha iyo dilaaliinta Somalida ah, iyadoo ayna ku dhexjiraan gacacsatada reer Puntland ee ku dhaqan isutaga Imaaraadka Carabta..

 

Ninka Carabka ah ee lacagta dhacay oo lagu magacaaboAbdiRa'uuf al- muxsin ayaa dilaaliinta Somalidu waxay ku andacoonayaan in uu dilaal wayn ahaa oo ayna ku ogayn tuugnimada noo can oo kale ah halka wararka qaarna sheegayaan in uu ahaa nin tuug ah oo ay wada qudhaabtaan qolyo Somali ah ..

 

Warar aanu si hoose ku helayno ayaa sheegaya in Madaxwayne Cadde muuse oo goor hore la filayey in uu dalka yimaado xili ay colaado ka taagan yihiin gobolka Sool ayaa la sheegay in arinta lacagta ladhacay awgeed uu dib ugu dhacay.

 

Waxii wara ee ka soo kordha kala soco www.afnugaal.com

Afnugaal News

Dubai United Arab Emirates

 

Info@afnugaal.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Waxana ay halwadeenada Soomaaliya ku caan bexeen ku tagri falka raasamaalka shacabka saboolka ah ee soomaaliyeed.

Awalba sabool-ka muusan siiyeen. Halaga dhaco!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this