Sign in to follow this  
Jacaylbaro

27th 31st May

Recommended Posts

Dhiigayga geedkaan uga dhigay biyaha iyo, Miyay dheefta calanku dadka naga dhaxaysaa, Dhimasho iyo miyay cidi dhibta iila simantahay, Dheeldheel kumaan helin, Dhayal la iima siine, dhulku maalintii hore(1960) maantuu igaga dheeryahay

WATCH THE VIDEOS of what happened in Hargeisa and other ares in Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa(Qarannews)- Xaflad lagu Xusayey 31'ka May ayaa maanta lagu qabtay xarnunta VTC SOOYAAL ee magaalada Hargeysa.

 

Munaasibadan lagu xuseyey maalintii ay Ciidamadii ururkii SNM ay gacanta ku dhigeen magaalada Hargeysa oo ku beegan 31 May. Taas oo ay u babacdhigeen islamarkaana xoog kaga saareen guud ahaan magaalooyinka waawaayn Somaliland taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre oo xasuuq ba’an u gaysan jiray dadka reer Somaliland.

 

Xafladdan oo ay soo qaban qaabisay Xaruunta Mujaahidiinta Sooyaal ee magaalada Hargeysa waxaa ka soo qaybgal Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxwayne ku Xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland isla markaana ka tirsan Hogaanka sare ee Xisbiga KULMIYE Md Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, xubno faro badan oo ka mid ah Mujaahidiintii ka soo qayb qaatay hujuunkaa Hargeysa ay ku qabsatay SNM.iyo dadwayne kale.

 

Ugu horeyn waxaa hadalkooban ka soo jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo “Maanta waynu garanaynaa waxaynu u dabaal dagayno,iyo halka ay taariikhda kaga jiraan maalmahani.

 

Alle ha u naxariisto intii ku shihiiday dagaalkaa intii ka horeysay intii ka danbaysay ee halgankaa dheer wadanka usoo galay ee dadyawga reer Somaliland lagaga xoreynaayey taliskii Maxamed Siyaad Barre ee ma naxaanka ahaa inagana samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo.geesiyeyaashii faraha badnaa maanta way inaga hooseeyaan, ifka aynu joogno itaalkiisa waxkasta ha ahaadee calanka aynu dugsanayno,iyo xoriyadda aynu haysano ee ay u soo shihiideen naftoodii u huray, waynu ognahay qiimaha ay inoogu wadda fadhido taariikhdu.

 

Balse inta aanan u galin taariikhda, anigu saaka goor hore ayaan imid dad badan meesha ugu iman hadana kuma arko oo dad badan meesha ma fadhiyaan, waxaynu isku ogayn oo balan inoo ahaa hadii aynu nahay bahda halganka in maalmaha taariikhiga ah ee muddan dabaaldaga iyo xusuusta in ay inoo qaabil sanaato SOOYAAL iniga oo islaaha talaw hoolku ma qaadi doonaa dadka mise fagaare lagu qaban doonaa runtii maaha wax aan ku farxay markaa hadii aynaan taas isku sheegin waa ayaan daro.

 

Walaalayaashayada SOOYAAL ee aanu saaxiibka ahayn hawlahana idinkaa qaabil sanaa dee hawshan maanta waa arkaysaan oo halkan waxba ka odhan mayo,ee aynu dib iskugu noqono.taariikhdan sanad walba waynu is xusuusinaa oo waynu ku celcelinaa waxaynu isu xusuusinayno maalin walba waxaa dhasha caruur, taariikhda inaan la ilaawin dadkii naftooda u soo huray dalkan umaada taariikhdu inaan ka lumen waxaa taariikhda loo ilaaliyaana waxaa laga tigtoonaanayaa wax imandoona waa in aanad dabinkii barigii hore aad ku dhacday kiisii oo kale ku dhicin taariikhdu waxay dadka ku anfacdaa waa intaas weeye.

 

Labadaa taariikh ee caanka ahaa ee gudo galkii Burco iyo Hargeysa maxay ku timid waxay ku timid iyada oo halkankii sacdo markii la soo galayey magaalooyinkan waawayn waa la ogaa ciidamada, mujaahidiinta , hogaanka iyo xubnaha ururkii SNM marna kamay qarsoonayn meel ay joogeenba, inaanay Ciidan ahaan iyo cudud ahaan is leegkayn marka ciidan ahaan loo eego ciidankii ay doonayeen inay ka maroojiyaan dalka waxay u soo badheedhayeen mar qudha kamay qarsoonayn laakiin waxaa halkaa hortooda isa soo hortaagay waxa la yidhaahdo choice ama doorasho taasi oo ahayd rabitaan ka umadan.”

 

Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay Madaxwayne-Ku Xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo aad uga sheekeeyey maalmahan qiimaha ay ugu fadhiyaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay ku sugan yihiin iyo sida loogu baahan yahay in la qiimeeyo oo lana wayneeyo soo gudo galkii SNM ee dalka, waxaanu yidhi “hadii aan ka hadlo maalmahan waxay ahaayeen maalmo wayn, mujaahidkii iga horeeyey waxaa uu lahaa ha la mideeyo, maalintii Burco la soo galay iyo maalintan Hargeysa la soo galay waxay ahayd in maalin kaliya la soo wada galo, oo way haboonayd laakiin may dhicin, markaa hadii ay laba cisho ay noqdeen oo la xus loo sameeyo wax ay dhimayso ma arko. Anigu maalintii dhawayd Burco ayaan tagay oo aan ka qayb galay xuskii 27 kii May madal qurux badan ayay ahayd oo dad fiican ayay ahaayeen oo wax isku ogal oo wanaagsan halkan waxaan ku arkaa dad kala qayb san oo Hadii aanu reer hebel nahay dawlada sidaas ayaanu leenahay, waxaanu nahay reer habelkii ka tirsanaa SNM”.

 

Md Cabdiraxmaan Aw cali waxaa uu ka hadlay waxaa SNM ku kalifay in ay soo gasho gudaha wadan isla markaana ay kale doortaan maxaabiis iyo inay wadanka qabsadaan

 

“Maxaa Burco SNM ku kelifay in ay soo gasho? waxaa ku kelifay in ay soo gasho SNM in ay jirto ama aanay jirin,halgankii in uu jiro iyo in aanu jirin waxaa la kala doortanaayey, in halgankii sii sacdo iyo in uu bakhtiyo, afartaas ayaa la kala doortay waxaanay ahayd guul ama geeri labadii dawladooda ayaa heshiiyey in aynu maxaabiis noqono iyo inaynu dagaalkii sii wadno, labadaas mid ayay ahayd sidaas ayaa lagu soo galay dalka lagu dhiciyey ahayd oo lagu xoreeyey”

 

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Mujaahidiin ka tirsan xanunta SOOYAAL ee magaalada hargeysa iyaga oo ka hadlay sida ay ugu baahan yihiin in la gacan qabto iyaga oo ku dooday in aanay cidna ka helin wixii ay uga baahnaayeen iyo wixii ay xaqa ulahaayeen toona waxaanay dadwaynahay reer soamaliland usoo jeediyeen in ay ilaashadaan nabad galyada waxaanay xuseen in aanay cidnaba u daba fadhiisanayney ilaalinta wadanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this