Sign in to follow this  
Gabbal

Ha la bedelo qodobka 47aad ee Axdi Qarameedka KMG.

Recommended Posts

Gabbal   

Barre Hiiraale oo soo jeediyay in la bedelo qodobka 47aad ee Axdi Qarameedka KMG ah

 

Isniin, May 29, 2006(HOL): Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo Sabtidii gaaray magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa shalay mar uu la hadlayay Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ayaa wuxuu soo jeediyay in la bedelo qodobka 47aad ee Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

Barre Hiiraale wuxuu sheegay in qodobkaas uu dhigayo in xubnaha Xukuumadda geleya loo baahan yahay in ay noqdaan Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, wuxuuna taasi wasiirka ku macneeyay mid aan loo baahneyn oo meesha ka saareysa aqoonyahanno iyo dad wax-gal ah oo Xukuumadda ku biiri lahaa, isla markaana wax qaban lahaa.

 

“Waxaa loo baahan yahay in xukuumadda iyo Baarlamaanka uu dhex maro xisaabtan dhab ah taasina wuxuu ku imaan karaa marka xubnaha Golaha Wasiirrada aysan kulamada Baarlamaanka fariisan karinâ€ayuu yiri Barre Hiiraale oo intaas ku daray in haddii qodobkaas la bedelo fursad loo heli doono in Xukuumadda lagu soo daro aqoonyahanno iyo dad kale oo Soomaali ah oo wax ka qaada culeyska Dowladda.

 

Barre Hiiraale intii uu hadlayay wuxuu soo hadal qaaday dagaallada Muqdisho ka soo cusboonaaday ee u dhaxeeya Midowga Maxkamadaha Islaamka iyo Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada, wuxuuna sheegay in ay dagaalladaasi yihiin kuwo laga murugoodo oo ay ku dhamaadeen dad badan shacab ah, hayeeshee wuxuu baaq ku soo jeediyay in Muqdisho loo diri Guddi waan waan wadayaal ah oo uu isagu hormuud u yahay amaba uu dhexda uga jiro, si ay xiisadda Xamar ka taagan dhexda uga qabtaan, una qaboojiyaan.

 

Ugu dambeyntiina, Barre Hiiraale oo muddo labo sano ku dhawaad ah aan tegin meel ay ku sugan yihiin xubnaha dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo mid ah ayaa Sabtidii gaaray Magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in socdaalkiisa uu jawaab u ahaa qoraal uu Ra'iisal Wasaare Geedi u diray Wasiirro uu ka mid yahay oo laga dalbanayay in ay Magaalada Baydhabo iska xaadiriyaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this