Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Heavy clan Fighting between government militia leaves 10 dead

Recommended Posts

Muqdisho:Maleeshiyaa d kala taabacsan C/Fataax Shaweye iyo C/qeybdiid oo ku dagaalamay Muqdisho

12. august 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )Maleeshiyad kala taabacsan taliyaha ciidamada Police-ka Jeneral C/qeybdiid iyo gudoomiye ku xigeenka maamulka G/Banaadir C/Fataax Shaweye ayaa maanta dagaalo xoogan waxaa ay ku dhex mareen xaafada Zope ee aaga KM5.

 

Dagaalka ayaa bilawday markii labada maleeshiyo ay isku qabteen lacagaha canshuuraraha ah ee laga qaado kontaroolka Ex-kontarool Afgooye.

 

Warar ay heshay AllPuntland ayaa sheegaya in dagaalka ay bilaabeen maleeshiyada C/qeybiid ayna weerareen guriga C/fataax shaweye oo dhaca agagaarka Hotel Amiira.

 

Dagaalka oo hada hakaday waxaa ka dhashay khasaare lagu qiyaasay geeridadad ka badan 10-qof halka dhaawucunauu cagacageynayo 14-qof oo labada dhinac ah iyo dad rayida.

 

Ma ahan marki ugu horeysay ee ay ku dagaalamaan Muqdisho ciidamo kawada tirsan dawladda Soomaliya .

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal xoogan oo Ciidamo ka wada tirsan Dowladda ku dhex maraya Zoope

 

Dagaal xoogan ayaa Ciidamo ka wada tirsan Dowladda waxaa uu haatan ku dhex marayaa Nawaaxiga Isgoyska Zoope, iyadoo dagaalka la isu adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Wararka halkaas laga helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaxeeyo labo ciidan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, waxaana halka dagaalka uu ka dhacayo yahay mid ay degan yihiin Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda.

 

Ma cada qasaaraha uu geysanayo dagaalka hase ahaatee Isgoyska Zoope ayaa noqday goob ay isku rasaaseeyaan Ciidamada Dowladda, oo maalmihii u dambeeyay ahaayeen kuwo is faham daro soo kala dhex gashay.

 

Dagaalka ka socda Zoope ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsiga, waxaana guud ahaan istaagay isu socodkii gaadiidka oo aheyd mid halbowle u aheyd marida wadadaas.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Sh. Sharif should start giving those Ugandans Somali passports. There is no way his own lotare up to the job.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowlada oo dagalamey

12 Aug 12, 2009 - 7:06:50 AM

 

Ugu yaraan 10-qof oo ay ku jiraan ciidankii dagaalamay oo kawada tirsan DF ayaa ku dhintay dagaal maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo ay dhaawacmeen 25-qof, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina.

 

Dagaalkan ayaa ka bilowday isqabqabsi bar koontarool oo u dhexeysa ciidamo kala tabacsan taliyaha boliiska Somalia Gen. Cabdi Xasan Cawale [Qaydiid] iyo gudomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Shaaweye.

 

Iskahorimaadka oo ka dhacay inta u dhexeysa Isgoyska Zope iyo Isgoyska Ex-kootarool ayay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana madaafiic ay isdhaafsadeen ay ku dhacday deegaano rayid dagan yahay.

 

Mid ka mid ah howlwadeenada Isbitaalka Madiina ayaa saxaafada u sheegtay in laba ka mid ah dhaawacyadii dagaalka ay dhinteen intii aan la geyn saalada qaliinka, waxayna ka mid ahaayeen askartii dagaalamaysay.

 

"Dagaalku wuxuu bilowday 11:00 duhurnimo, waxaan arkay dhimashada askar ka tirsan kuwii dagaalamay iyo dhaawacyada dhowr qof oo ay rayid ku jireen" ayuu yiri ganacsade xarun ku lahaa meel ku dhow halka uu daaalku ka bilowday.

 

Gen. Cabdi Qaybdiid iyo C/fitaax Shaaweye ayaan weli ka hadlin dagaalka, waxaana labada mas'uul ay ka gaabsadeen xiriiro ay saxaafadu la yeelatay, iyagoo qiray inay dagaalo u dhexeeyaan ciidamo ka tirsan dowlada.

 

Dagaalka ayaa saacad kadib iskiis u istaagay, iyadoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas u dhexeysa ciidamadan oo ka dhacay goobihii ay dagaaladu ka dhaceen, waxaana si tartartiib ah u bilowday socodka dadka iyo gaadiidka.

 

Madaxda dowlada Somalia ayaan weli ka hadlin dagaalkaas, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay dagaalo noocan ah dhexmaraan ciidamo kawada tirsan dowlada Somalia ee uu horkacayo Sheekh Shariif.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

^^^Sharif is recovering from the handhsake he has little time to deal with these gangs. Give him a few days saxib.

Indeed..! A handshake that made 'one' chronically ill after being denied.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. No one denied anything other than the Sharif who has denied his religious pretences of a year ago. Does he also shake Somali women's hands Juje? :D

 

And what has he done about this clan infighting that cost 10 soldiers and many more injured?

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by General Duke:

Does he also shake Somali women's hands Juje?
:D

Yes he does, there is a video out there, no need to ask Juje.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by General Duke:

^Provide the video dear lad.

Dukey the Clown, Meeshan miyee kaa maraysaa?

 

Ma sidan baa kuu dambaysay? In aad ka murantid inuu Shariif dumarka Soomaaliyeed Salaamo? smile.gif

 

Any thing to get the mind of the implosion of the Pirates Nest I guess and those responsible for the sad state of affairs in that corner of Somalia.

 

Eebe ha kuu sahlo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

There is no clan fighting Dukey, you love to spread Propaganda and instigate clan animosity amongst Somalis.

 

 

Those that fought are militiamen loyal to two warlords who are linked to the foreign-created regime.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this