Sign in to follow this  
Liibaan

Warlord Siilaanyo oo Lacag Faalso ah U Qaybiyey saxaafada Si Loo Bunbuniyo

Recommended Posts

Liibaan   

Source: www.tvsomalilandeurope.net (Somalidiid website)

 

 

Warlord Siilaanyo oo Lacag Faalso ah U Qaybiyey saxaafada Si Loo Bunbuniyo

 

 

Madaxtooyada oo soo bandhigaysa Waxqabadkeedii Boqolka Maalmood iyo Warbaahinta oo ay ka Dalbadeen in ay Buun-buuniyaan

 

Madaxtooyada oo Qado iyo lacag ku qar-qisay Warbaahinta qaarkeed

 

Hargeysa (TVSLE) Chief of Cabinet-ka iyo Af-hayeenka Madaxtooyada ayaa shalay qaar ka mid Saxaafadda kulan kula yeeshay Hutelka Dal-xiis ee magaaladda Hargeysa oo ka raaligaliyay xad-gudubyo isdaba-joog ah oo ay wariyayaasha qaarkood si badheedh ah ugula dhaqmeen, sida dhacdadii ugu danbaysay ee uu Af-hayeenku Madaxweynaha hortiisa ku farasaaray wariye ka qayb qaadanayay shir jaraa’id oo Madaxweynuhu ku qabtay Madaarka markii uu Jabuuti ka soo laabtay.

 

Sidoo kale waxa kulankaasi la sheegay in ay saraakiishaas Madaxtooyadu Saxaafadda kala hadleen sidii ay u buun-buunin lahaayeen waxqabadkii Xukuumadda laga filayay boqolkii maalmood ee ugu horeeyay mudadii la doortay oo ku began maanta, taasoo ay saxaafadda ka codsadeen in ay u daabacaan ama baahiyaan oo kaliya qoraalada iyo filimada ay u keensadaan taasoo noqonaysa inay joojiyaan wax ka sheegida dhaliilaha jira ee ay xukuumaddu ku kacday ama ay ka baxdayba.

 

Kulankaas ay Madaxtooyadu shalay la yeelatay Warbaahinta qaarkeed ayaa la sheegay inay Saxaafadda u soo Bandhigeen Qiimayaal kala duwan oo ay ugu talagaleen inay lacag ku siiyaan Hay’adaha Warbaahineed ee kala duwan sida Telafishanada, Jaraa’idada iyo Website’yada kuwaasoo markii la isku afgaran waayay loo saaray Guddi laga dhex xulay Saxaafadda si ay u jaangooyaan Sicir Macquul ah..

 

Suxufiyiintii shalay ka qayb galay shirkaasi ayaa gabi ahaanba Afkooda xidhay oo aan wax war ah ka sheegin kulankaasi wixii lagala hadlay Gar iyo Gardaro kay doonta ha ahaatee waana markii ugu horeysay ee ay arrintaas oo kale dhacdo iyadoo Saxaafadda lagu yaqaanay inaanay qarin dhacdooyinka caynkaas oo kale ah, waxaana mid kasta oo aad la soo qaado inuu xog kaa siiyo shirkaasi ku gaabsanayay oo kaliya waxba lagagama hadlin ee Saxaafad uunbaa laga raaligalinayay meel ka dhicii Af-hayeemku kula kacay.

 

Waxaana la sheegay in Eedda wada shaqayn la’aanta xukuumadda iyo Warbaahinta uu aabo u yahay Cabdilaahi Cukuse, inkasta oo uu isna saxaafadda ku eedeeyey inay arintaa masuul ka tahay.

 

Dhinaca kale Xukuumadda ayaa maanta ku qabanaysa Hutelka Kaah ee magaaladda Hargeysa xaflad balaadhan oo ay ku soo Bandhigayaan waxqabadkii Xukuumadda ee boqolkii maalmood ee la soo dhaafay, lamana garanayo kulankaasi inuu noqon doono mid furan oo ay saxaafaddu ka wada qayb gali doonto iyo in lagu casuumi doono oo kaliya cida ay Madaxtooyadu u arkayso inay danahooda oo kaliya u fulin doonto, taasoo laga ogaan doono qaabka ay warbaahinta ugu Garsooraan ee ay ugu qaybiyaan barnaamijkooda boqolka Maalmood.

 

Si kasta ha ahaatee waxa muuqata ifafaale ay Madaxtooyadu ku doonayso inay ku kala qaybiso Saxaafadda Dalka, iyadoo dagaalka iyo hanjabaada ay Madaxda Madaxtooyadu kula kacayaan ay tahay ku’day lagu eegayo inay u habradaan oo ay ka leexdaan toosinta iyo tilmaamaha ay Madaxda qaarkood ku kacayso, taasoo faa’iido u leh Xukuumadda si ay galdalooladeeda u gufayso.

 

Shirkaasi waxa ka qayb qaatay Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Geel-jire oo ka mid ah masuulka ugu sareeya ee Xukuumadda u qaabilsan dhinaca warbaahinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this