Sign in to follow this  
Sabriye amp co.

Puntland deemed Unsafe after yet another Attack in Northern Outskirt of Galkacyo.

Recommended Posts

Breaking News...

 

Qardho: Another Cold blooded murder and the victim, a police officer. Yet there is nothing being done about this terrible trend ... :confused:

.....

 

Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Puntland oo xalay lagu toogtay magaalada Qardho..

 

HobyoNet Update News 08-11-2009.

 

Kooxo hubaysan oo madax soo duubtay ayaa bartamaha suuqa qaadka lagu iibiyo ee magaalada Qardho waxa ay dil bareer ah ugu geysteen sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Haykal Cali Hiirad.

 

Aamina Macalin (Maanka)

HobyoNet Gaalkacyo:

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee maamul goboledka Puntland ayaa tibaaxaya in rag ku hubaysan qoryaha AK47 ah ay xalay fiidkii soo daba galeen sarkaal booliska Birmadka ka tirsan ka dibna uu nin iyaga ka mid ah rasaas fara badan ku dhuftay sarkaalkii.

 

Haykal Cali Hiirad oo ka asal ahaan ka soo jeeda Qardho ayaa halkii ku nafbaxay, waxaana isla gobtii uu falka ka geystay ka baxsaday ninkii wax dilay iyo ragii la socday oo la sheegay iney gaari wateen.

 

Ciidamada boliska oo soo gaaray suuqa qaadka lagu gado ayaa meydka marxuumka ka qaday iyagoo markaas ka dib bilabay baadi goob ay ugu jiraan kooxihii dilka geystay, ilaa saakay ayaa magaalada Qardho lagu arkayaa ciidamada oo baaritaano xoogan ka wada xaafadaha si ay u soo helaan danbilaayaashii.

 

Dilalka loo geysto saraakiisha ciidamada iyo nabadoonada ku sugan magaalooyinka Puntland ka arimiso ayaa xiliyadii ugu danbeeyay aad u soo badanayay, mana jirin talaabo ay maamulka arintaas uga hortagayeen marka laga rabeen in warbaahinta laga canbaareeyo, waxuuna falkani noqonayaa midkii sadexaad oo mudo isbuuc gudahiis ah laga sameeyo deganada Puntlad.

 

 

E-mail xhobyo@gmail.com

 

:eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

More on the situation in Qardho:

 

 

Maamulka Puntland oo cambaareeyay dilkii loo geestay sarkaal dhinaca ammaanka ah

 

Waxaa la daabacay: Axad, 08 November 2009, 01:21pm - Simba, Boosaaso

 

Saraakiisha iyo mas'uuliyiinta maamulka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay fal dil ah oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

 

Dilkaasi ayaa waxaa loo geestay Heykal Cali oo ka mid ahaa saraakiisha dhinaca ammaanka ee maamulka Puntland, wuxuuna qeyb ka yahay dilal qorsheysan oo ku soo kordha deegaanada Puntland.

 

Saraakiisha maamulka ayaa waxaa ay sheegeen in lagu raad joogo ciddii ka dambeysay dilkii u dambeeyay, ayna jiraan qorsheyaal looga hortagayo amni darrida soo korortay, sida ay yiraahdeen

 

Maamulka Puntland ayaa si u cambaareeyay falkaasi dilka ah, inkastoo aysan weli muuqan talaabo ku aadan wax ka qabashada falal qalqal gelinaya amniga deegaanada Puntland oo lagu dhaqaaqay

 

Source: http://simbanews.com/1056_2010-rs/november-09/0811-mPuntland=cambaareeyay_dilkii_Qardho.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Breaking news:

 

Another Explosion rocks Boosaaso!

:eek: :eek:

-------------

 

Qarax sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo goor dhoweyd ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso

 

Galabnimadii maanta ayaa Qarax xoogan waxaa uu gilgilay magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, gaar ahaan agagaarka dekeda magaaladaasi ku taala kaasoo warar hordhac ah oo ka soo baxaya ay sheegayan inuu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

 

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxan lala beegsaday ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ku sugna agagaarka ilinka dekeda oo ah meel aad u mashquul badan, waxaana qaraxan daryankiisa laga maqlay guud ahaan magaalada.

Goobta uu ka dhacay ayaa waxa isku gedaamay ciidamada maamulka Puntland iyadoo laga daad gureynayo halkaasi meydadka iyo dhaawaca dad badan oo la sheegay iney iskugu jiraan ciidamo iyo dad rayid ah oo qaraxaasi uu saameeyey, kuwaasoo loola cararayo isbitaalka magaalada, lamana hayo tiro sax ah oo ku saabsan qasaaraha qaraxaasi oo sidoo kale aan aan la ogeyn inuu ahaa bam gacmeed iyo inuu ka dhashay miino la geliyey dhulka oo la hagayey.

 

Lama oga illaa hadda cida ka dambeysay qaraxan oo qeyb ka ah qaraxyo isdaba joog ah oo mudooyinkan ku soo badanayey magaalada Boosaaso kuwaasoo lala beegsanayey ciidamada maamulka Puntland, mana jiro war ka soo baxay maamulka oo ku saabsan qaraxaasi.

 

 

Source: http://www.dayniile.com/Novembar009/8%20novembar5.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this