Sign in to follow this  
Jacaylbaro

CAFIS

Recommended Posts

Qaar ka mid ah Saraakiisha Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga ayaa sheegay in ay cafis u siinayaan Saraakiisha Gobolka Hiiraan ee Dowladda Federaalka KMG ah la shaqeyn jiray.

 

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii cabsi xoogan ay la soo daristay xubno saraakiil ah oo horay ula shaqeeyay maamulka gobolka ee DF iyo ehelada saraakiil badan oo ka baxay maamulka G/Hiiraan ka dib markii dhawaan la dilay sidoo kale sarkaal ka tirsanaan jiray Booliska Gobolka.

 

Xuseen Muxumed Gaagaale oo ka mid ah Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga ee G/Hiiraan oo ka hadlay arrintan cafiska ah ayaa waxa uu sheegay in ay saamaxeen dhammaan Shaqsiyaadkii Maamulka DF uga wakiilka ahaa G/Hiiraan.

 

Sarkaalkan ayaa waxaa uu sheegay in aysan daneyneynin inay beegsadaan shaqsiyaadkii lasoo shaqeeyay DF loogana baahan yahay inay ka waantoobaan dambiyadii ay galeen cafisna ay weydiistaan ILAAHAY iyo dadka ay dambiyada ka galeen.

 

Sheekh Xuseen Muxumed Gaagaale oo Maxkamadaha u hadlay kuna sugan magaalada B/weyne markii uu hadalkani sheegayay ayaa waxaa sidoo kale hadalkiisa kusoo beegmaya xilli todobaad kahor ay si nabad ah Ciidamada Ethiopianka kala wareegeen Magaalada B/weyne kadib markii Ciidamada Ethiopia ay halkaasi isaga baxeen iyadoo ilaa hada aan lagaran sababta keentay in ay ka baxaan.

 

Hadalkan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dhamaan dadka ku nool magaalada B/weyne kuwaasoo inta badan aad uga xun dilka macno darada ah ee loo geysanayo dadka wax galka ah ee lagu bartilmaameysanayo waxaa uu la soo shaqeeyay DF ama waxaa uu la taagnaa xubin ka tirsan Dowlada Federaalka.

 

Si kastaba xaalada amaanka ee haatan kajira Magaalada B/weyne ayaa noqoneyso mid aad u sareyso waxaya dadka qaar ku tilmaameen in ay tahay mid si weyn loogu diirsaday kadib markii ay u suuragashay in qof waliba amniga jira owgeed uu si nabad ah ugu dhex mushaaxi karo gudaha Magaalada B/weyne xilli waliba oo uu doono.

 

Amnigan haatan ka jira magaalada B/weyne ayaa ah mid aan horay looga baran xilliyadii dambe waxaana la ogeyn mudada ammaankani uu sii socon doono inkastoo laga warhaayo Xoogaga Maxkamadaha markii ay maqlaan waxaa dib ugu soo laabanayo gudaha magaalada ciidamada Ethiopia in ay faarujiyaan ka dibna ammaanka uu faraha ka baxo sida dhacda badanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this