Sign in to follow this  
Gabbal

Ethiopian/TFG troops withdraw from certain areas in Mogadishu.

Recommended Posts

Gabbal   

Ciidamada DKMG ah oo faarujiyay fariisin hor leh oo ay ku lahaayeen Muqdisho

 

Click here to find shabelle news in English

Shabelle airs news in English

Mogadishu 08, Sept. 07 ( Sh.M.Network)- Ciidamadii deganaa Warshadii Taraqa Iyo Sigaarka iyo agagaarka warshadii hore ee IVECO ee waddada Warshadaha, Warshadii Caanaha iyo Warshadii Kabka ayaa gebi ahaanba isaga baxey halkaasi maanta, iyadoo aan la ogeyn sababaha ka dambeeya in ay ciidamadaasi halkaasi ka guuraan, inkastoo afhayeen u hadley ciidamada dowladda uu ku micneeyey arrinkaasi mid farsamo.

 

Ciidamadan oo dhawaanahanba deganaa halkaasi, kana tirsanaa ciidamada booliska dowladda Somalia ayaa dadka deegaanka waxaa ay sheegeen in saaka waaberigii ay arkeen dhismooyinkaasi oo faaruq ah.

 

Lama oga halka ay ciidamadaasi u guureen, ciidamada ayaa intii ay deganaayeen fariisimadaasi dhowr jeer waxaa weeraro ku soo qaadey kooxaha ka soo horjeeda dowladda Somalia.

 

Mar Shabelle ay wax ka weydiisey afhayeenka ciidamada booliska gaashaanle C/waaxid Max’ed Xuseen sababta keentey in ciidamadaasi ay halkaasi isaga baxaan, ayuu ku tilmaamey in ay tahay tab ciidan, ciidankaasi oo uu ku tilmaamey in ay ahaayeen ciidamada loo yaqaano kuwa gurmadka ah,mana carabaabin afhayeenku goobta ay ciidamadaasi u guureen

 

Shaley galinii dambe ayey aheyd ka dib markii ciidamo ka tirsan booliska dowlada Somalia ay ka guureen fariisamo ay ku lahaayeen Warshaddii Barfuumka iyo Shaneemo Cabdi Waayeel oo ka tirsan degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir

 

Click here to find shabelle news in English

 

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xaalada deegaanka suuqa xoolaha oo caadi ku soo laabatay kadib ciidamo isaga baxay halkaasi.

 

Mogadishu ,08, September 2007 (HornAfrik Media)

 

Is bedel dhinac amniga iyo ganacsiga la xariira ayaa laga dareemay deegaanka suuqa xoolaha halkaasoo cishooyinkii ugu dambeeyay ay sii xumaanayeen dhaqdhaaqii ganacsiga iyo isku socodka dadka sababo la xariira ammaan dari baahsan.

 

In kastoo mudooyinkii ugu dambeeyay uu hakad ku yimid qeybaha ganacsiga ee suuqa xoolaha isku socodka gaadiidka dadka ayaa maanta waxaa laga dareemayay jawi kaasi ka bedelan.

 

Dadka ku ganacsada suuqa xoolaha ayaa waxaa la arkayay iyaga oo sit eel teel ugu soo laabanaya goobahooda ganacsi ay dib ugu howlgalaan.

 

Arrintaan ayaa waxaa ka ay dambaysay kadib markii Ciidamo katirsan dowladda KMG ah ee soomaaliya ay fariisinka samaysteen goobo muhiim ah oo ku yaala degmada Hiliwaa taasoo keentay in uu xirmo ganacsigii guud ahaan ka jiray deegaanka suuqa xoolaha waxaana haatan Ciidamada dowladda ay isaga huleeleen goobihii markii hore ay dageen.

 

Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in sababta keentay in ciidamada ay halkaasi isaga baxaan ay tahay mid farsamo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this