Sign in to follow this  
Juje

Maamulka Puntland oo Xabsiyada ka sii daayey Kooxo Burcad badeed

Recommended Posts

Juje   

Maamulka Puntland oo Xabsiyada ka sii daayey Kooxo Burcad badeed Marakiibta Naato u soo gacan geliyeen

 

Waxaa Xabsiyada Maamul Goboleedka Puntland laga sii daayey dhamaan Maxabiistii u soo gacan geliyey Marakiibta Badaha Soomaaliya kala dagaalama Burcad badeeda ee Naato. Warku wuxuu intaas ku darayaa in goor horeba la siidaayey koox sagaal ah oo dhawaan Maamulka Puntland u soo Gacan geliyeen, soona qab qabteen Markiibta Maraykanka

Maamulka Puntland ayaa sii deynta Kooxaha Burcad badeeda u cuskaday kadib markii sida ay sheegeen lagu waayey wax cadeyn rasmi ah eydeymaha lagu soo qab qabtay, lana waayey wax muuqaal ah ama cadeyn ah iyagoo falka Burcad badeed ku guda jira. Madax ku dhow dhow Xukuumadda C/raxmaan Faroole ayaa tilmaamay in Marakiibta Naato iska soo qab qabtaan dad Kallumaysato ah oo doonyo yar yar wata iyagoo ku tuhma inay yihiin Burcad badeed, hase ahatee Dad badan ayaa ka shaki qaba inuu jiro gacansaar dhow oo ay leeyihiin Madaxda Puntland iyo Masuuliyiinta Burac badeeda.

Wararka ayaa intaas raacinaya in koox yar oo iskood isu abaabulay ay ku harsan yihiin Xabsiyada Puntland kuwasoo ah qaar aan qorshaha Masuuliyiinta Madaxda ka ah Burca badeeda qaabeysan howlahooda wax lug ah ku laheyn. Tani waxay muujinaysaa in ay dhabarka ka jabiso Howlaha Burac badeeda kula dagaalamayaan oo ay Badaha Soomaaliya ka hayaan Marakiibta Ciidamada Naato ee Ilaalada ka haya Markiibta Biyaha Badda Soomaaliya maraya.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya dhamaan Burcad badeeda inay heleen Madaxbanaani tan iyo markii xilka Madaxweyne loo doortay C/raxmaan Faroole , warar hoose ayaa sheegaya in dhaqaalaha lagu doortay boqolkiiba Todobaatan ay bixiyeen Kooxaha Burca badeeda oo rag ay isku Beel hoose yihiin u badan yihiin howlgalada Marakiibta Ganacsiga looga afduubto Badaha Soomaaliya.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this